Hankii loo qabay Haara !!

Waxa ay ahaayeen labo walaalo ah oo nolosha miyiga si wacan u garanaaya.Waalidkood oo mar aan dhaween tii rabbi u timid ayay dhaxal uga heleen neef sac ah oo riman, neefkaas oo ay ugu magac dareen NAFIS.

Nafis wax la sugaba waxaa la gaaray xilligeedii,waxa ayna dhashay Wayl, taas oo markii ay kortay iyana dhashay Wayl kale.Wayishan dambe ayaa waxa ay noqotay mid jacayl badan loo qaaday oo loogu magac daray  HAARA. Xoolaha reerka waa ay sii tarmeen.  Neef  kasta oo lo’da reerka ka mid ah marka uu dhalo dibi waa laga gowracaa si ay caanaha neefkaas irmaan loo nuujiyo oo loogu koriyo Haara.

Haara waxa ay noqotay neefka loogu dhaqaaleyn badan yahay xoolaha kale. Marka la daajinayo ama la waraabinayo Xoolaha waxaa loo hor mariyaa Haara. Lama xiro sida Xoolaha kale. Waxa ay noqotoy sidii qof  ka mid ah reerka oo Raashinka cidda ayay wax ka cuntaa. Haara way weynaatay,waa ayna rintay. Jacaylkii loo qabay ayaa sii kordhay,waana laga ilaaliyaa xoolaha kale in ay dhib u gaystaan.

Waxaa loo tolay haan weyn oo caanaha looga liso marka ay dhasho. Hanka ugu weyn ay cidda lahaayeenna waxa uu ahaa in laga helo caano farabadan.Waxa ay noqotay neef loo riyaaqay oo raja waynna laga wada sugayo.Tolow Haara maxay dhali doontaa? Miyay ka caano badnaan doontaa xoolaha kale ileen way ka dhaqaalo badnayde? Mise caanaba ma yeelan doonto? Su’aalaha reerku is waydiinayo ayaa sidaas noqday. “Allow amuuraha sahal” ayuu aabahay dhihi jiray!!

Haara dhashay,waliba neef Wayl ah, lakiin maxaa dhacay? Hankii loo qabay lagama helin oo way caano yaraysay. Dhammaan qoyskii way ka caroodeen, ileen rajadii loo qabay waa lagu hungoobaye. Haara waxaa lagu daray Xoolihii kale, subaxa hore marka Xoolaha la daajinayo xerada ayay kasoo booddaa si ay iyadu Xoolaha kale uga hor marto daaqa iyo waraabinta. Miskiin dheh!! Ileen waxaad barato waa baaskaa.  Durba waa laga celiyaa waliba ayadoo la hiifayo marmarka qaarna la dilo oo Xoolaha loogu daba mariyo. Iyada oo la tusaalaynayo wixii laga filayay Haara iyo sida uu xaalkeedu noqday ayaa waxaa la yiri:

Wallee Haaraay.

Hab laguu qabay.

Haan laguu tolay.

Oo lagaa helin.

Aad la hoogtay.

Aad la horan tahay.

Oo la haartay.

Hadaan usoo daadago dulucda sheekadan, waxa ay ka tarjumaysaa shacabka Soomaaliyeed. Dowladii ay wada sugayeen,misna u sabraayeen oo hamuunta ay u qabeen waa mid hadda raja xumo kusii socota. Allow adigaa talo ku filan!

Shacabkan dulman ee diifta la taahaya

Shacabkan dulman ee dirirtu aafeysay

Shacabkaan qaxootiga dawarsada

Shacabkaan badweynta la degtayy

Shacabkaan damiirkoodii la iibsaday

Shacabkaan danaystuhu afduubta

Shacabkaan dibadaha ku lumay

Waxa uu in badan sugaayay hamuun weyna u qabay dowlad ka daryeesha oo dalkooda ka dhicisa cadawga dhacaya.Waxaan ka baxnay kumeel gaar,waxaan helnay dowlad loogu magac daray (FEDERAAL). Annaga wali ma aanan fahmin waxa loola jeedo Federaal, Toloow ma toban calan hala qaataa? Ma qoloba qeyb ha goosataa? Ma dhowr madax hala yeeshaa? Anigu ku wareeraye adna ma ila wareertay?

Shacabkii Soomaaliyeed wuu sii cararayaa, badihii ayay buuxiyeen oo waxaa quuta malaayga badweynta.Qaarna dowladaha dariska ah ayaa dab ku shiday. Dhalinyaradii waxbartay fursado shaqo ma helaan, shaqadii banaanna waxay noqotay reer hebel ma tahay iyo yaa ku yaqaan?

Ugu dambeyn, aan is waydiinee dowladda Soomaaliya rajadii  loo qabay  sow ma noqon HANKII LOO QABAY  HAARA?.

Qalinkii: Fartuun Xassan Cagay

Gaalkacyo-Soomaaliya

Email: luulxl2@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/qaali.xasan.5?fref=ts

SHEEKOOYIN