Hayb iyo Kalgacal Q3AAD W/Q; Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Hayb iyo Kalgacal Q3AAD.

 quotescover-JPG-19

Oday Sabriye waa nin waayo arag ah, dareemayana xaalka ardeyda iyo isbeddelka magaalada, wuxuu yidhi: “Waxba kama qabo, ee goormaad billaabaysaan?” Guuleed ayaa yidhi” Beri u maleyn maayo, laakiin habeen dambe ayaan go’aan buuxa ku soo siinayaa”Sidii ayaa Guuleed iyo Oday Sabriye isku afgarteen kuna soo kala tageen.

Waxaa jirtey sababaha ugu darnaa ee Guuleed ku kelifayey inuu raadiyo Gaadiid u gaar ah ardeyda, sida caadada ah baabuurta markay ka baxayaan goobaha laga raro, waxaa jira rag ka mid ah maleeshiyaadka oo ka qaadan jirey lacag loo yaqaan “Leejo” waana baad la sharciyeeyey, waxayna gaadiidka dadweynaha u sameeyn jireen inay   safaan oo miilo ka dhigaan, si  marba mid baxo siday u kala horreeyaan, oo hadba kii gadaal ka yimaada sugo inta kuwa kale baxayaan, taasoo nidaam ahaan qurux badnayd baajisayna in  gaadiidleydu diriraan ama damacxumo dhacdo,  waxaa kale oo halkaas ku jirtey in Bas weliba  helo rakaab buuxa  oo uusan qadin wadaha baabuurka iyo hantiilaha baabuurkuba.

Waxaa iyaduna jirtey in  wiil darawal ah oo ay is yaqaaneen Guuleed iyo ardayda walaalihii iskuulka dhigan jireen,  uu maalmaha uu shaqaynayo ardayda ku caawiyo inuu iskuulka u dhaweeyo, maxaa yeelay, marinka iyo wadada ayaa ahaa mid kala xidhxidhan oo markii laba KM waxaa joogay   koox maleeshiyaad ah, oo joojineysa Baska iyo dadka saaran, waqti badana ka lumisa, haddaba wiilkan darawalka ah ayaa u asxaan fali jirey ardayda si aysan u daahin.

Ardeyduna waa jeclaayeen wiilka oo maalinta uu xaafadooda ka shaqaynayo,  baskiisa ayay  iska buuxin jireen,  waxaa  dhacdey maalin maalmaha ka mid ah, in Baskii wiilkii  Xayeysi oo dhawr ka horreyso goor subaxnimo ah ilaa 7dii subaxnimo ayaa ilaa toboneeyo arday ah koreen oo sii fadhiisteen, way ogaayeen baska iney laba bas oo kale ka horreyso , balse,  waa baska qudha ee  geeya  isagoo iyaga dartood uga leexda jidkiisa,  iskoolka hortiisa ” Naftani waa nin u roon raacdee,  ardaydii waxay isku raaceen inay baska wada fuulleen iyagoo muraadkoodu yahay inuu  hadhoow sii dhaweeyo iyaguna sugaan inta baabuurta ka horeysaa   baxayso ee miilada  ku jirta.

Ardeydii oo baskii dhex fadhida  ayaa  waxaa u yimid horjoogihii maleeshiyada meesha  goobta  basaska laga raro” Istaanka” oo ku amrey iney ka degaan baska baxayana ay fuulaan, arrintii ayaa buuq dhalisay oo ardaydii ayaa u sheegay inuusan Baskani baxayn laakiin uu iskoolka u dhaweeyo ayna sugayaan ilaa laga gaadhayo waqtigiisa, laakiin horjoogaha ayaa ku dhego adaygey, arrinta waxaa iyaguna ku lug lahaa gaadiidleyda oo farta ku soo fiiqay, horjoogaha oo awoodiisa adeegsanaya ayaa yidhi,   hal qof kuma hadhi karo   waa inaad baska taagan halkaas fuushaan, ardaydii waa isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan sababta ay u saaran yihiin iyo inay ka cabsanayaan inay daahaan, waase ka diiday, ileeyn maba oga mana yaqaan waxay ka hadlayaan wax muhiimadana kuma hayso iskuul laga daaho ama laga maqnaado.

Ka dib, Guuleed oo ay  ehel ahaayeen ninka horjoogaha ah, isna yaqaanaan , ayaa isku dayey inuu isagu diido bal inuu xitaa tolnimada ugu naxariisto, waxaase dhacdey arrin lama filaan ah, taasoo keentay in Guuleed markuu ku adkaystey degi mayno, xoogna naguma dejin kartid oo nagama fiicnid ayuu horjooge Cali awr   intuu xanaaqay   qorigana soo rogtey   oo ku aadiyey Guuleed oo  keebka qabtay kuna riday xabbad, nasiib wanaag,   xabbadii a ma dhicin ee waa KADIBTEY, balse, waxaa ka dhex tafatey mid kale oo isla tolkooda  ah, kana mid ah maleeshiyada Cali Awr  aadna uga xumaaday in wiilka adeerkii la handado, ayaa qori ku qabtey meeshiina waxaa ka dhashay buuq ilaa dadkii deegaanka oodhami isku soo baxeen, arrintiina odayo gaadhay,  Odayadii ayaa yidhi,  Ardayeey  aada iskoolkiina,   Guuleedoow adigana  gartaada  waa la gelayaa ee iskoolkaaga  aad, ninkaan waa ku dilay,  waxay leedahayna waa laga qaaddayaa,  Cali Awr markaas meeshii waa laga kaxeeyey, si aan  aanno kale iyo  dagaal kale uga dhalan,  ardaydiina  waxaa loo ogolaaday xitaa inuu baskoodu hormaro.

Guuleed maalintaas dhimasho waa ka badbaaday” Alla dilaa dhinta” waxaana dili lahaa dadka kii u xigey, bal maxaad ka filaneysaa mid aan ku aqoon dan iyo heellona ka lahayn? Inuu wax dilona aysan waxba la ahayn oo kala fududahay xabbada sigaar ah ee uu shidanayo.

Dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo is biirsaday,  ayaa ka mid ahaa   arrimaha keenay in Guuleed iyo saaxiibadiis  raadiyaan  xal ay uga badbaadayaan, Maleeshiyaadka iyo halista kooxaha is diidan ee magaalada kala  qoqobtay. Maalintii xigtey ayaa laysu yimid oo waxaa  la sugayaa waa Guuleed iyo wuxuu  soo gudbiyo.

Guuleed markuu Dugsigii tegay waxaa laysku wada arkay Biririftii (Nasashada gaaban) ka dib Guuleed oo laga war sugayey wuxuu keenay arrin xiiso leh, wuxuuna ardaygii u sheegay inuu u tegay Oday Sabriye, kana soo dhameeyey arrinkaas.Ardayda badankoodii ayaa aad ula dhacay markay maqleen Oday Sabriye waayo waa Nabaddoonada deegaanka nin ka mid ah, Baabuurkiisana laguma saqajaamayo oo meelo ka daran kana halis badan ayuu ka shaqayn jireen, kolkaasaa si wadajir ah loogu sacbiyey.

Wuxuu kale oo Guuleed u sheegay in qiimo dhimis uu Oday Sabriye u sameeyey Ardeyda oo ah, 3000 iney hal mar dhiibayaan, sii socod iyo soo socod, taasoo halkaas ay uga soo baxday,   Koob shaah ah iyo Xabbad sanbuusa u baaqatay Ardeygii, Arrinkaasna waa loo qushuucay, waana laysku raacay, isla meeshiina waxaa laga sheegay in ay diyaar tahay 18 qof, waxaa kale oo la cayimay, waqtiga la soo baxayo 7:00 Arroornimo oo gaw ah waqtiga la noqanaya inuu noqdo, 12: 00 Duhurnimo oo Gaw ah.

Waxaa loo xulay arrintaas Gudi ardayda ka mid ah, waxaana loo igmaday gudoonka Guuleed oo la yidhi: Adigaa u xil saaran hawshaas, wixii xadgudub ah ee ka yimaada ardeydana go’aan ka gaadhaya, sidoo kale, qofka waqtiga ka dabamara in lacagta badhkeed laga qaadayo maalinta koobaad, maalinta labaadna iyadoo dhameystiran, qofkii xanuunsada ama arrin kale ku dhacdona, inay ardeydu booskiisii buuxiyaan iyadoo la daboolayo baahida jirta iyo heshiiska Oday Sabriye inuusan burburin.

Guuleed wuxuu habeenimadii ku noqday, Oday Sabriye gurigiisa oo si fiican loogu soo dhaweeyey, wuxuuna u sheegay Oday Sabriye inay isla casheynayaan si wanaagsan ayaa loo marti soorey, waana sheekaysteen, Oday Sabriye wuxuu aad ula dhacay, habsamida iyo garaad badnida Guuleedyare, wuxuuna ugu bushaareeyey, in aaney isaga lacag laga rabin, oo uu yahay dhexdhexaadka labada dhinac.

Subixii waxaa billowdey, Baabuurkii waxaana goobtii isugu yimid 22 Ardey oo habeenimadii warka la gaadhsiiyey, markaan waxaa u badan wiilal, maadaama ay hawsha billaabeen, Wiilashu, gabdhaha kuwo walaalahood la socda maahine, ma jirin Gabdho badan.

Laba subxood markii la arkay ardeydan sida nadiifta ah u tegaysa, Iskoolka ee Gaadhiga u gaarka ah wadata ayaa waxaa lays waydiiyey, ma hay’ad baa ka bixisa mise wax kale ayaa jira, ugu dambayn waxaa la soo oggaaday xaqiiqda, waxaana u yimid Guuleed arday gaadhaysa 20 kale oo codsanaysa in Bus kale loo keeno.

Guuleed haddana wuxuu u gudbiyey Codsi kale Oday Sabriye iyo liiska Arday oo dhammaan wada qoran, Oday Sabriyena mar kale ayuu soo dhaweeyey waana ka yeelay, in Subax walba labada Bas ee uu leeyahay ay qaadi doonaa, xitaa haddii midkood xumaado inuu saaxiibadiisa kale uga keeni doono Bas oo aysan marnaba baaqsan doonin, wuxuu kale oo ku boggaadiyey ardey kala duwan oo guryo iyo reero kala duwan ka yimid oo ku mideysan oo dantooda si wadajir ah u qabsanaya.

Ma joogsan arrintii, Guuleed wuxuu noqday shaqsiga ugu caansan Iskoolka, oo wiilal iyo gabdhaba si isku mida u yaqaanan, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhayey, ardeyda dalabka iyo codsiga ku soo biirayey, Taasoo Guuleed Buug u samaystay  una noqotey  arrin   uu ku ogaado waxqabadkiisa  iyo kartidiisa.

Haddana Xaalku waa ka gudbay in lacag la’aan lagu qaaddo, baabuurey badan ayaa u timid Guuleed kana codsatay inuu fursadaas la soo socodsiiyo iyagoo u ogolaaday, lacagta saddex qof maalin walba,hadduu u soo dhameeyo ardayda, xitaa markii dambe waxaa dhacdey in Xaafaddo ay ka mid yihiin, Xaafadaha, Xamar jadiid, Huriwaa, Suuqa xoolaha, Kaaraan, Boondheere, Inuu gaadiid ay ku yimaadaan u sameeyo oo baabuurey badan iyo ardayda uu isku xidho ilaa Barnaamijkii noqday mid iskuullo ka hirgala oo ay ku daydaan.

Guuleed wuxuu kale oo sameeyey, lacagtii dilaalka ahayd ee loo ballan qaaday inuu ardeyda aan haysan ama ay ku adkayd iney joogto u helaan baabuur raaca, uu ku beddelo booskooda oo lagu qaaddo lacag la’aan, taasoo gudiga oo dhami isku raacdey, in saddexda qof ee la qaaddayo la soo xulo si xog ogaalnimo ah, arrintan waxaa isla ogaa Gudiga iyo Guuleed oo keliya, waayo waxay ka cararayeen in dadka qaar ku dhaliilaan ama ku daacayadeeyaan dan yarnimada iyo caawimada la caawiyey ardeyda, maadaama ay dadku isku garaad ahayn.

Aragti iyo dedaalkii Guuleed ee dhinaca gaadiidka ku saabsanayd waa hana qaaday, balse, dhinacii ammaanka iyo nabadgelyada waxba iskama beddelin oo colaadii iyo dagaalkiina iney ka sii darto maahine kama aysan ka soo rayn, magaaladuna weli sidii ayay u kala xidhxidhantahay.

Guuleed hawshuu billaabay waxay gaadhay in ardayda iyo Baabuureydu ku heshiiyaan, in xitaa bil loo bixin karo lacagta, waxaana taas kelifeysay inay u fuddeyd waalidka iyo qoyska iney halmar siiyaan lacagta baabuurka ,maadaama dadka qaarkood laga biili jirey dibaddaha ama aysan maalin walba haynin lacag kaash ah, taasoo qiima dhimis badan ku jirto, Celcelis ardaydii inuu tago Iskoolka 20 Maalmood oo noqonaysaa 600 kun, hase yeeshee markii dambe laga dhigay, Ardeyga halmar bixinaya, 500 kun, waxaana laga raystay soo daahitaankii iyo werwerkii dhinaca Gaadiidka dadweynaha.

La soco qaybaha dambe

 W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

SHEEKOOYIN