Hayb iyo Kalgacal Q5AAD W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr

quotescover-JPG-19

Hayb iyo Kalgacal Q5AAD

Sidii ayay isku ku kala tageen, waxaana halkaas laga gaadhay xal weyn, dhinacii wadada iyo gaadiidka, waxaa sidoo kale hawshoodii shaqo u fududaatay gaadiidleeyda.Waxaa jirtey in ardeydi is baratey oo Bas walbana qayb gooni ah raaci jirtey, sii fican ayay ardeydii isu barteen isuna dhexgaleen, waxaa jirtey in Basku kulmin jirey wiilal iyo gabdho, intii isu guryo dhawba, gabdhahana waxaa jirey kuwo aad u firfircoon oo furfuran   talada ardeyda iyo isku xidhkana wax ku lahaa.

Gabdhahaas waxaa hormuud u ahayd, gabadh la odhan jirey Ubax. Ubax waxay ahayd gabadh kaftan badan oo aad u garaad badan, ardeyduna ay aad u tixgelin jireen, waayo waxay ahayd gabadh karti badan saamayn badana ku leh ardeyda dhexdeeda.Waxaa inta badan is xifaaleyn jirey Ubax iyo Guuleed, ma jirin sheeko gaar ah oo labadooda ka dhaxaysey, waxayse ahaayeen Saaxiibo isku dheer, oo wadaagga sirta iyo waxyaabo badan waaney isku xan qarsan jireen, isuna xog warrami jireen. Dhinaca gabdhaha wixii ka gala Guuleed wuxuu ka dhigan jirey gaashaan iyo gabaad, halka iyaduna ay wiilasha weerarka kaga yimaada kala tashan jirtey.

Guuleed wuxuu ahaa nin aad ugu dhiiran haasawaaha iyo shukaansiga gabdhaha, inkastoo ay qaar badan wax isku tuurtuureen, haddana ma jirin qof ay aad isugu dheeraayeen, waase u fududeyd inuu ku dhiirado la sheekaysiga iyo dhexgalka gabdhaha, labadan dhallinyarada ah, Guuleed iyo Ubax ayaa had iyo jeer Faan iyo booli xoofto ka dhaxaysay waana isu gabaaragurdeyn jireen, iyadoo midba midka kale awoodiisa shukaansi iyo haasaawe u bandhigayo.

Haddaba waxaa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah, in gabadh ay   dugsiga gaarka ah(Private) wada dhigan jireen Ubax aadna u ahaayeen dad isugu dhaw dhinaca saaxiibtinimada iyo ehelnimadaba ay usoo wareegtay, Dugsiga sare ee ALMAZAL waxaana sababtaa iska lahayd oo ku qalqaalisay Ubax.

Gabadhan waxaa la yidhaahdaa Ugbaad waxaanay aad isugu dheeryihiin Ubax,   maalintii ugu horreysey markay Baska soo fuushay iyadoo ku lebisan dharkii iskuulka, horrena aan loo aqoon,   ayaa lays weydiiyey hoostana laysaga baaqay, hase yeeshee, waxaa gartey Diini oo xaafadoodu u dhaweyd, wuxuuna sheegay inay Iskool kale ka soo beddelatay maantana tahay maalintii ugu horreysay.

Ugbaad waa gabadh dhererkeedu buuxo, jaah qurxoon iyo joogna isku darsatay, waa gabadh gu’geedii 16aad gashay, heenso iyo hubqaadna alle isugu daray, waa dhab in dhaayaha arkaa majeeranayaa, wiil kasta oo muuqeeda u jeeda maankiisu is weydiinayo quruxda iyo habsamida alle u uumey, waa gabadh aan caato weyda ahayn, balse, dhuuban oo dhexyar, dhabanno dhilan oo leh, ilko cadcad iyo cirid madoow, bushimo madoow oo aad eebbe si wanaagsan isu saaray, suniyo waaweyn iyo indho cadcad ma waaweyna mana yara haddiise ay ku soo eegto, waxaad moodaysaa inay waaweyn yihiin, waxay leedahay jinniyado iyo soo jiidasho, wejigeeda waxaa ka ifiya farxad aad moodo iney muusooneyso oo kuu ilko caddeyneyso, waxaa gabdho iyo wiilalba mashquuley oo ay la ashqaraareen waa quruxdeeda.

Markii Baska laga degay ayaa Guuleed si kaftana u yidhi, Ubaxeey maanta   allaab aan u baahanahay ayaa jirtee ila soco, markaasey intey fahantey ujeedkiisa tidhi:“ Alaabtani maaha mid dheeldhel lagu helayee cago dhigo wiiloow”Ugbaad arrintaas dhegaheeda waa maqlayeen, waxse kama fahmin, balse, iyadoo tixgelineysa codsiga wiilka ayay tidhi:“ Guuleed saw maaha wiilkaad iiga sheekaysay ee aad isku fiicnaydeen, maxaad ugu diidaysaa wuxuu rabo, haddaadba awooddo? Koley waa Buug ama wax la mid ahe?

Ugbaad waxay u haysataa ineysan waxaa laga hadlayaa dhaafsiisneyn baahida ardeyda, lacag yar ama buug iwm, balse, maba oga in hadalku iyada ku foogan yahay, oo waxaa lays weydiinayaa iyada tahay.

Guuleed ma hadhin ee mar kale ayuu biririftii gees ula baxay Ubax, wuxuuna weydiiyey inay warbixin ballaadhan ka siiso, qoftan aadka u quruxda badan ee haddana soo jiidashada leh. Ubax ayaa ugu jawaabtay:

“ Guuleedoow tan maaha mid aad gaadhi kareyso, hana u maleyn kooxihii aad qabo iyo day ka dhigi jirtey ee aad marba dhinac u hoggaamin jirtey kugu daba faylsanaa, maaha mid kaftan iyo wax la mid ah lagu xero gelin karee   ninyahow cago dhigo” Iyadoo qoslaysana way ka dhaqaaqdey.Guuleed oo hadalkaasi mari la’ yahay una arka caraadin iyo xiisa gelin, ayaa yidhi:

“ Anigu waan ku weydiiyey keliya! Balse, si fiican ayaad iigu qalqaalisay, waxaase igu ballana inaan dumaashinimo kuu baro, qosolna waa u raaciyey”Ubax ayaa soo laabatay oo tidhi:

“ Iska daa dumaashinimo ee haddii walaaltinimo ay xitaa kaa yeesho, weligay wax dambe kugu lama murmayo, waxaanad noqon doontaa nin aan ka dambeeyo oo aan u qiro wuxuu doono inuu samayn karo”

Guuleed ayaa sheekadii aad u xiiso gelisay, waa wiil dhallinyaro ah, kuna jira waqtigii noloshiisa ugu macaana, wuxuu rumeysan yahey, inuu wax walba oo uu u dhaqaaqo qaban karo, waana nin aad isugu kalsoon,   wuxuu aad ula yaabay oo is weydiiyey, war heedheh ma gabadh la qabaa ama mehersan maxay sidan oodhan kuugu qaaliyeynaysaa? Wuxuu u ballanqaaday inuu bil gudaheed inta is baro weliba bari doono iyadoo dumaashinimo u aqoonsan, awoodiisa ragganimana tusi doono Ubax.Ubax ayaa si jeesjees ah u tidhi:“ Iyaa ma tiri aboowe? Waa ku sugeynaa ee ha soo daahin, Aragaanee waaba isku yareysee, waxaan ku leeyahay saddex bilood ayaad haysataa ee ha lagu arko”

Guuleed wuxuu maalintaa u dhiila dhaansaday sidii uu marka ugu horreysa u heli lahaa xogta Ugbaad, isla markiiba wuxuu mar kale weydiiyey Diini, isagoo aad u dhararaya xogta xagiisa ka jirta.Diini ayaa intuu qoslay yidhi: “ Saaxiiboow qoftan ma sahlana, in badan ayaan arkayey, weligey ma arag iyadoo qof aan Ubax ahayn la socota, wiilna daa hadalkiisa, xaafadda oodhan waxaa looga yaqaan, BEEBEE, marka reerkooda xitaa maaha kuwa deriska macaamil la leh”Guuleed ayaa qoslay oo yidhi:Maxaa  tidhi: “BEEBEE qoftaan waaba caato oo ma buurna ee maxaa laga wadaa BEEBBE?”Diini ayaa intuu qoslay yidhi:

“ Maaha sidaas ee BEEBEEGA waa daboolan yahay, mana arkeysid waxaa gudihiisa ku jira, sidaa awgeed iyadana arrinkeedu waa mid qarsoon oo aan cidina ogeyn xogteeda rasmiga ah, laakiin maxaad ii daalineysaa, Ubax maad wareysatid iyadaaba   aad ugu dhawe?”

Guuleed ayaa uga sheekeeyey Diini isaga iyo Ubax waxaa dhex marey, qosol iyo kaftan ka dib waxaa la kala galay   fasalladii, balse, Guuleed markaas wuxuu ahaa maqane jooga oo waaba nin ka baxsan Fasalka waxa aadna moodaa Hoggaamiye ciidan oo dejinayaa kaarto dagaal, wuxuu rogrogo arrintii waxa u soo baxay inuu horta helo Ugbaad telefoonkeeda.

Isagoo aad u daahsaday inta Jarasku dhacayo ayaa bannaanka loo soo wada baxay, balse, Guuleed wuxuu soo abbaarey Ubax oo la tagaan Ugbaad, intuu gacanta ka qabsaday ayuu sidii xeerkoodu ahaa weydiiyey, meesha uu kala xidhiidhi karo ama iney telefoonkeeda siiso, haddaaney hayna u raadiso.Guuleed maanta weji kale ayaa la baray, intey qosol goos goos ah ku dhufatay ayay tidhi: “ Waxaa iiga kaa muuqda guuldaro, durtaba aniga miyaad igu soo jiireysay? Dhegayso telefoon waan ka hayaa kumana siinayo, tan kale wax caawimo ah xidhiidhkaas ku saabsan haygu imaan ileeyn sharad ayaa meel inoo yaalle”

Guuleed ayaa madaxa iska xoqxoqdey ka dibna waxaa ku soo biirtey Ugbaad oo dushaa kala socotey sheekadooda, balse, aan ogeyn qofka la qalayo ee loo shawrayee lagu sharatamey inay iyada tahay, markay u timid ayay u sheegtay inuu Baskii soo dhawaaday, lana gaadhay waqtigii ay bixi lahaayeen, waxaana la sugayaa Baskii xaafadda u qaadi lahaa, markii Baskii la fuuley ee ardaydii wada kortey baskiina dhaqaaqey, ayuu Guuleed wuxuu billaabay xaduur iyo hadal tiro wuxuuna yidhi: “ Intuu baskii is dhextaagay,   waryaadha wiilal gabdho waa inaan qalbi furan ku soo dhaweynayaa gabadhan quruxda badan ee aynaan magaceeda aqoon, balse, qoftii na bari lahayd dadka ka qarisay kana xigsatay waa Ubaxe, waxaannu wadajir kuu leenahay walaal soo dhawoow”

Ugbaad ayaa uga mahadcelisay si kooban waxayna dhahdey, Mahadsanidiin dhammaan, Magacaygu waa Ugbaad, idinkana?Markaasaa Baskii buuq iyo is barasho, qof weliba is xaadiriyey, halkaasna Guuleed waxaan magac ahayn kama helin kamana raacin.

Guuleed arrinti kama hadhin ilaa muddo Toddobaad ah ayuu ku maqnaa siduu u heli lahaa, gabadhaas, wuxuu quus ka joogsaday inuu iyadoo keligeed ah la hadlo, xitaa marar uu isku dayey,   waxaa loo muujiyey weji adayg iyo hadal kooban in laga dhaqaaqo, isagoo ku xisaabtamay iney Ubax hawshaas ka dambayso, maadaama ay sharad galeen, teeda kale marka Baska lagu jiro, sheekada iyo kaftanka iyada waxaad moodaa in lagula ballamey dhegaysi keliya ka ahoow, ma jirto fursad keliya oo laga helayo ama hadal ay ku darsaneyso, haddii wax la weydiiyana, Haa iyo Hee , Hmmm, ayay warcelinteeda ku koobeysay.

Guuleed waxa uu mar labaad awoodda saaray inuu raadiyo telefoonkeeda,   kadib isagoo fadhiya xaafadooda ayaa waxaa soo marey wiil ay saaxiibo yihiin oo u shaqeeya shirkadda telefoonka , Salaan iyo is wareysi ka dib, ayaa Guuleed waxaa ku soo dhacdey feker ah war maad weydiisid Saaxiibka Khaalid, arrinta ku saabsan telefoonka wuxuu ku yidhi isagoo fursada ka faa’iidaysanaya:“ Khaalidoow, horta ma ogaan kartaa lambar kasta xaafadda uu ku jiro ? mise waxaa laga ogaadaa keliya xarunta?

Khaalid ayaa yidhi:“ Haddaad ii sheegto waddada aad ka rabto Lambarka guriga, haddii uu shirkadayada yahay waan ogaan karaa”Guuleed ayaa hoosta kaga duceystey ilaahay shirkadooda ka dhig.Ka dib, ayuu tilmaan u galay, ilaa uu gartey gurigii una sheegay in uu isagu xidhay, balse, haatan uusan aqoonin, ee marka uu tago, Laynka iyo xarunta laga haggo ee uu ku xidho qalabka lagu oggaado xadhkaha gala guriga inuu ogaan karo”

Guuleed arag inuusan maanta heli kareyn, balse, waxaa lagu ballamay Jimcaha inuu warbixin uga keeno. Khaalid ayaa weydiiyey; “Sharci ahaan waa qalad inaan ku siiyo ee ma ii qishi kartaa maxaa kaa soo galay?Guuleed ayaa intuu qoslay yidhi:

“ Niyaw shabaq ayaa iigu daadsan, Lambarkuna wuxuu igu noqday Cambar, marka adigu waxaad tahay maqaalinta keliya ee aan ku heli karo shabaqaasna aan bannaanka ugula soo bixi karo”Waa la wada qoslay,   Khaalidna wuxuu yidhi:

“ Hawshaas waa hawsheyda, ee igu halee inaan kuu keeno, ismana aynaan arag ismana aynaan maqal haygu ceebayn haddii lagu weydiiyo xageed ka keentay.

La soco qaybaha dambe

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN