HEESTII LUMBUMBA | Cabdinaasir-Xiddig

HEESTII LUMBUMBA

17-dii Jannaayo ee sanadkii 1961-dii waxaa guud ahaan dadka reer Afrika u soo yeeray war aad u naxdin badnaa, war uu qof kasta oo afrikaan ihi la qadiimooday, war argagax iyo han-jab ku riday ruux kasta oo danaynayay gobanimo-ku-noolaanshaha bulshadii ay Yurubiyaanku ku habsanaayeen ee Afrika.

Waxaa maalinkaas gacanta gumaystahii Biljimka iyo kabaqaadyadiisii ku baxay ra’iisulwasaarihii iyo hoggaamiyihii gobonimodoonka ahaa ee reer Koongo naftiihure Patrice Lumbumba (2-dii July 1925-tii -17 Jan 1961-dii) kaasi oo lagu tilmaamo in uu safka hore uga jiray hoggaamiyaashii qaaraddeena u kacay kuwoodii ugu waddanisanaa, uguna milgaha waynaa.

Heestaan oo ah mid qofkii dhagaysto uu la jiriiracoonayo waxaa curiyay suugaanyahankii waynaa iyo waddanigii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Eebbe Wayne ha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde (1920-1973) kaasi oo caan ku ahaa u taagnaanta qaddiyadda dadka midabka madaw ee waayadaas xusulduubka ugu jiray sidii ay iskaga qaadi lahaayeen heeryadii dhawr boqol jirsatay ee gumaystihii reer Yurub.

Heestaan oo hillaadii uu abwaanku curiyay geeridii halgamaa Patrice Lumbumba wax yar ka dib ayay wada qaadayaan abwaan Timacadde iyo qaar ka mid ah hooballadii kooxdii qaranka ee Waaberi, kuwaas oo codkooda kugu deeqsiinaya heestaan aragtida Pan-Africanisimka xambaarsan ee muujinaysa heerka uu gaarsiisnaa garaadka iyo wadaniyadda bulshadii Soomaaliyeed ee waqtigaas.

Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde, wuxuu tuducyada koowaad ee heesta ku muujinayaa in mudane Lumbumba uusan dhiman ee uu dhuuntay, ruuxdiisii iyo aragtidiisiina ay dadka Afrikaanka ku sii dhaxnagaandoonto waligeed, wuxuuna leeyahay:

“Lumbumba ma noola mana dhiban

Muuqiisaa la waayay mooyaane

In uu maqan yahay ha moodina.”

Kaalintiisii ayuu muujinayaa, asagoo tilmaamaya in ay adag tahay in la buuxiyo booskii lama-buuxiyaanka ahaa ee uu uga jiray halganka ay dadka reer Afrika ugu jiraan helidda gobonimo iyo madaxbanaani, waxaana ka mid ah erayada uu arinkaas ku muujinayo:

“Madax buu noo ahaa mudnaa jirayay

Miyay kaalintiisii madhan tahay?”

Mar kale ayuu noo muujinayaa sida geeridiisa looga argagaxay iyo sida qaaradda Afrika uu gabbal baasi ugu dumay, ka dib waayidda mid ka mid ah ubaxii u soo bikaacay ee Patrice Lumbumba, wuxuuna yiri:

“Dadkoo maqlay baa ka murugoodoo

Maankiyo maskaxdaa na wada roganeey.”

Wuxuu tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaa dadka reer Koongo ee uu sida gaarka uga baxay halgamaa Patrice Lumbumba, una sheegayaa in jabka ku dhacay uu yahay mid wada gaaray dhammaan bulshada midabka madaw ee dunida ku nool, gaar ahaa qaaradda Afrika, yirina:

“Madawgoo dhami waa idinla meeloo

Koongooy maanta waa midkaas qudh aheey”

Wuxuu caddaynayaa in dadka reer Afrika aysan is-dhiibidoonin ka dib geerida Lumbumba, halgankuna uu sii socondoono Lumbumba gadaashiisna ay soo bixidoonaan jiil sii hijiya hiigsiga iyo himilooyinka xaqa ku taagan ee Afikaanka, wuxuuna yiri:

“Middiiddin iyo magan ahaan maynee

Miyaa nala maquunin karayaayeey? “

Ugu dambayntiina wuxuu digniin u dirayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay dhagartii lagu dilay naftiihure Patrice Lumbumba wuxuuna xusuusinayaa in aan la illaawidoonin dambigaas aadka u wayn ee ay gaysteen, maalin uunna ay dhadhamindoonaan garsoorka, asagoo yiri:

“Maangaabyada meel naga dhacay iyo

Ma moogin godobtaas nagaga maqaneey”.

 

Xigasho:

Barta YouTubeka:

Bashir Maxamud.

Ahmed Mursal.

The African News Network.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig.

SHEEKOOYIN