Hiilkeeda i haqabtirey! W/Q: Sagal Jaamac Maxammed.

pizap-com14748965183201

Hiilkeeda i haqabtirey

Muddo sannad ah annaga oo is moogan baan ku kulanay goobta basaska, baska taga xaafadda aan deganahay baa wuxuu ka soo dib dhacay xilliga bixitaanka, sidaa awgeed waxaan isku yara gaabiyay kursi dhawr qof oo kale ay ila wadaagayeen. Xilli roobaad baa la joogay, qarqaryo daran baa jirtay, qaboow daraadiis waxaan u gariirayay sida qooleey  baraag ku dhex dhacday oo kale.

Aniga oo dherersanaya imaatinka gaariga ayuu si canaan ah Cigaal igu yiri:  ”Maxaa ku dhexfadhiisiyay rag iyo dumar ajaanib ah?, kaalayoo halkaan imoow aan isweheshannee”, Indha adkaa ninka baan si hoos ah u iri aniga oo indhaha ka mirrig mirrig siinaya, dhoola caddeyn been ahna tusinaya ayaan aqbalay codsigiisa.

Salaan iyo kaftan dheer baan isweydaarsanay. waxaan ka dareemay isbeddel weyn, waan aammini waayey in uu yahay ninkii  aan garanayey. Waxaan la fajacay sida uu isku taagtaagaayo hadba kuleetiga shaarka u toosisanayo iyo labiska qaaliga ah ee lagu farsameeyo shirkadaha ku xeesha dheer soo saarista naqshadaha ugu dambeeyay ee dharka raggu xirtaan.

Kaaga darane Mobile casri ah oo aanan ku garan jirinna wuu sitay. Hadalkiisa ayaa i cajab galiyay iyo sida xog-ogaalnimada leh ee uu iiga warramayo xaaladda dalkeena hooyo ee soomaaliya, taasoo isugu jirta mid horumar iyo mid kaleba balse dhanka horumarka iyo wanaagga u badnayd.

Aad baan u xiiseynayey hadalkiisa iyo lasii joogistiisa, indhaha iyo feejignaantayda oo dhan ayaan xaggiisa wada aaddiyay, sida aniga oo daawanaya riwaayad xiisa leh oo horteyda lagu jilayo, hadba weydiimo kala duwan ayaan u dhexgelinayey si uu u fahmo in aan la socdo sheekadiisa iyo halka uu wax marinayo.

Waxaana waydiimahaas kamid aheyd;  maxa noloshaada iska baddelay?, Inta uu qoslay ayuu iigu jawaabceliyay : “Nin nasiib badan baa hela waxa aan helay.”,  Waa iga da’ weynaa waana ka qajilayay in aan xog dheeraad ah sii weydiiyo isaguna ima uusan deeqsiin waxa uu ka wado.

Maskaxdeyda hawl buu geliyay, hadba waxa aan isku dayayey inaan weedhiisa marba dhinac u  macneysto balse kuma aanan guuleysan inaan macne toosan u helo!, oo sidee loo macnaysan karaa horta? Illeen waxa kaliya oo uu ii sheegay waa inuu helay wax uu helo nin nasiib lehe, waxaasna iima uusan sheegine?.

Necbiyaa dadka qaabkaan oo kale u sheekeeya ee haddana aadan ku dhicin inaad si kalsooni ah u waydiiso halkii mugdi kaa galo, waa kan i hor fadhiyoo kale.

Tan iigu daran baa ahayd inuu idhaafshay baskii aan raaci lahaa intaan afkiisa eegayey dhegahana u raaricinayey sheekadiisa, waxaan ku qasbanaaday in aan sugo ku kale oo imaan doona.

Waxaa kulmay ogaanshaha in baskii aan sugaayey uu i dhaafay iyo ninkii oo talefoon usoo dhacay, asna war kaleba ma galin ee qofkii soo wacay ayuu la hadalkiisa meel iga yara durugsan la istaagay.

Nasiib-xumo markaan cid i mashquulineysaa majirto oo inkaarqabihii waqtigeyga iga lumiyay waa kaas mobile-ku usoo dhacay ee halkaas uu la taagan yahay.

Dhagta ayaan xaggiisa u sii raariciyey si aan u dhuuxo waxa uu ka hadlayo, balse  kaliya waxa aan maqlay:-

”Marxaba waan kuu hiloobay gacaliso,Waxaan u xiisay hawadii diirranayd,Beerta nabadda & Huteelladii aan waqtiga wacan ku wada qaadan jirnay,Baararka cunnada iyo bilicda qurxan ee xeebta Liido,ee magaalada Muqdisho, Iyo Carfooneey aga joogistaadii aadka u hagaagsanayd.”
Intaas kadib hadalkii ayuu hoos u dhigay oo si aanan maqli karin ayuu u hadlaayey, laakiin anigu gartay in Cigaal la galay oo wax aanan ogayni ay ku soo kordheen.

Markuu soo miyirsaday, ayuu igu soo noqday, yirina ”Cafwan! Anoo aan fasax kaa qaadan baan talefoon qabtay kuna dheeraadaye”.

Dhegba jalaq uma siine Joornaal baan isku maaweeliyay, hadba baal baan u ged-gedinayay. War baa ka hiraanhirsiinayey, anna ma qodqodo oo kuma adkeeyo inuu ii sheego.

Intuu kacay ayuu aaday dukaan waddada geeskeeda kale kasoo jeeda, soo noqoy oo haddana booskiisii soo arrumay, wuxuu ii soo taagay Kafee kulul iyo macmacaan baakadeysan, iguna yiri ”Bal aan is kululeyno beerkaaba bannaanka na yimide”. Waan u mahadnaqay kaddibna adeeggii uu ii keenay ayaan meel ku xashaystay, kuna iri waxaan lasoo bixi marka aan meel munaasab ah tago hadda dariiq beynu joognaa dariiqna wax kuma cuni karo’e.

Si geesinimo leh ayaan markaan u iri  ‘’5 daqiiqo kadib waan baxayaa oo basku inuu mar kale iga tago ma ogolaan karo, koley adigana cidda aad sugeysid adaa taqaanid ee si fiican iigu warran?’’ Waxaan kaloo u raacshay  ‘’waan ogahayoo wax kugu cusub waa jiraan oo markii lagu soo wacay ayaan wax badan ka dhadhansaday hadalkaagii’’.

Intuu si kal iyo lab ah u qoslay ayuu ii raacshay haddana ”Gaanjibad baad tahay wallee!’’.
Anna  warba kuma soo celin ee baagaddeydii inta dhabta saartay ayaan afkiisa eegayaa kana sugayaa warcelinta waydiintaydii.

Waa kan warka ii billaabay, asagoo markaan si fiican ii fahmay garwaaqsadayna inaan doonayo inaan ogaado waxa rasmiga ah ee noloshiisa kusoo siyaaday.

‘’Ina adeer waad ogtahay inaan kala tagnay xaaskii carruurta ii dhashay ee dalkaan aynu wada degganayn muddaba, kaddib meeshaan waan ku wareeray oo waxaan aaday dalkii soomaaliya anoo is leh soo yara nafis oo naqaska iska soo saar iyo ciilkii ay i badday carruurteyda hooyadood.

Waxaan aaday ciiddii aan waayaha badan moogaa iyo carrasankii aan ku dhashay ee Rabbi hibbada noo siiyay, baadiyaha ayaan usii gudbay waxaana miyiga soo joogay celcelis ahaan muddo laba bilood ah, anigoo si aad iyo aad ah u macaansanaya joogi taankeeda.

Waxaa  igu nastay dhammaan reerkeenna oo waxaan noqday nin ka qayb qaata canaabta iyo hawsha adag ee miyiga taal ha noqoto xoolo raacis, waraabin, naq-raacin iyo qaar kaloo badane, si kale kuma garatide geeljire ayaan noqday anoo aad iyo aad ugu faraxsan waliba, kuna jira xusuus waayo hore oo lasoo dhaafay ah ee qusaysa korriimadaydii hore ee miyiga.

Maalin barakeysan ayaa waxaa ii yimid oday aan qaraabo nahay wuxuuna iga codsaday in aan beesha u matalo kursiga baarlamaan ee beeshu ka heshay maamul goboleedka ka dhisan deegaanka beeshu ay deggan tahay.

Dalkii sidaad ku  ogeyd ma ahan, horumar baa ka bilowday, maamul Fedaraali ah ayaa dalka laga dhisay.

Shaqadaas magaca leh misna sida fudud aan ku helay waxa ay ii sii fududaysay inaan is barano xaaskeyga cusub ee Carfoon, waxay ahayd islaan saddex carruur ah haysata balse aad aragtida hore moodayso gabar ugub oo siddeed iyo toban jir ah, walee waan u qiray in ay tahay garoob gabar ka roon ah.

Waxa aan ka maqsuuday sida maamuuska leh ee ay u dhaqmeyso, sida ay u af gaaban tahay, sida ay dhaqaalaha u tashkiilayso, cabasho la’aanta u caadada ah, daryeelka, damqashada iyo sharafta  ay ii heyso.

Hadda ayaan hubaa inaan helay qof aan isku qalanno, quruxdaan iyo haybaddaan aad arkeyso iyada iigama ay horreyn, waxaa kasii daran quruxdaan, qalbi ahaan nasteexada aan dareemayo, maskaxda ayaan ka nastay kana raystay murankii tii hore inkaari haku dhacdee.

Dadkii aan isku loodka aheyn ayaan hadda dareemayaa in aan la sinnahay qaarna aan kaba sarreeyo, laakiin sannadkii hore inaan la sinnaado iska dhaafe xitaa nolosha kuma rajo weynayn oo waxaan ahaa nin gool libaax oo irmaan xero ugu jira.

Waxaan oran karaa Carfoon waa ay ii HIILLISAY, waliba hiil i HAQABTIRAY!.

Halkaas markuu sheekada ii marsiinayo ayaa baskii jinni soo istaagay! Waan ku qasbanahay inaan ka tago maadaama kii hore aan ka haraynakan kama hari karo maxaa yeelay waan daahsanahay, sidii ayaan ku macsalaameeyay anoo ka xun inaan ka tegay asoo iigu sheekaynayey si qiiraysan.

W/Q: Sagal Jaamac Maxammed.

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.