Hodannimada Dalalka Muslimka. WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dahab

Hodannimada Dalalka Muslimka

Qabta 3aad

Kaydka khayraadka adduunka qaarkood

Khayraatka kaydkooda waxaa haya Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ , agtiisayna yaallaan oo cidduu doono ayuu intuu doono ka siiya, siduu ku yiri Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xijri سورة الحجر\ :

واِ أ ن مِ أ ن شَ أ يءٍ إِلََّّ عِأندَنَا خَ اَ زئِنُهُ وَمَا نُنَزِّلُهُ إِلََّّ بِقَدَرٍ مَ أ علُومٍ ) 21 )

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Shayna ma jiro ee waa illaa midkuu kaydkiisu agteenna yahay, oo aan ahaysiinaynna oo maamulaynna, shaygaasna kama soo dejinno in la og yahay mooyee oo ku dhisan xikmada Ilaahayالله (21).”

Encyclopaedia Britannica

Kitaabka maraykanka iyo Kanada lagu daabacay sanadka kun sagaal boqol toddoba iyo sagaashanka ee Encyclopaedia Britannica, mujalladka sideedaad, erayga “Mining” wuxuu dhigay kaydadka khayraadka dhulka ku jira oo lagala soo baxo qaarkood iyo siday dalalka ugu kala badan yihiin, wuxuuna yiri:

Kaydka batroolka adduunka

Kaydka batroolka oo dalalka adduunka ku kala jira, inta tan iyo hadda la og yahay waa sidatan:

Liibiya 2.3%

Ciraaq 10.0%

Kuwayt 9.5%

Sucuudiga 25.8%

Imaaraadka 9.8

Wadar 57.4%

Taas macneheedu waxaa weeye inuu Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ kaydka batroolka hadda la hubo boqolkiiba ku dhowaad lixdan uu ku jiro dalalka carabta ah.

Inta Aadan آدم\ dhalay carabta ayaa ugu khayr badan oo waxaa ka dhashay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo nin carab ah ahaa, carabta ayaana ugu horreeyey cid islaanta oo diintaan fidisa naftoodana u huray; Ilaahayالله Gurigiisa wuxuu ka dhisay Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\ oo ku taalla arliga carabta; Hadalka Ilaahay, oo ah Quraanka Kariimka ahna wuxuu ku dhigan yahay oo lagu soo dejiyay afka carabiga.

Adduunkana carab ayaa ugu hodansan, sidaan daraasaddaanba ka arkaynno. Geesinnimada, deeqsinnimada, runlownimada, aftahannimada, Ilaahالله ka cabsiga carabta, aaminnimada iyo inta kale oo dadka intiisa kale dheer yihiin oo ay uga sarreeyaan waa wax la hubo, taariikhduna ay dhigtay, halkaanse ma aha meesha looga hadli lahaa.

7

Waxaan tiradaan aan soo sheegnay ee batroolka ku jirin oo ka maqan batroolka ku jira Soomaaliya, Suudaan السودان\ , Jazaa’ir الجزائر\ , Yaman يمن\ , Masar مصر\ , Tuunis تونس\ , Siiriya سورية\ , Qadhar قطر\ , Cummmaan عمان\ , Baxrayn البحرين\ , oo intaasba ama hadda suuqaba lagu kala gato, ama aan weli lasoo saarin.

Sidaasuu Ilaahay Tacaala الله تعالى\ wuxuu batroolkoo idilba, in yar mooyee, siiyay Carabta.

Mar aan dalka Urdun tegay Badda Maydka ah البحر الميت\ , anigoo bisha Luulyo ee sanadka kun iyo sagaal boqol afar iyo sagaashanka jooga caasimadda Urdun أردن\ ee Cammaan عمان\ ayaan taksi u qaatay inaan soo arko meesha lagu halligay qawmu Luudh لوط\ oo ku taalla Badda Maydka ah

البحر الميت , ayuu ninka taksiga wada wuxuu i tusay guri meel cidlaa ka dhisan oo jinka Badda Maydka البحر الميت ah saaran wuxuuna ii sheegay inuu gurigaas leeyahay boqorka Urdun أردن\

Xuseen الحسين\ walaalkiis Xasan الحسن\ , halkaasna laga helay batrool. Runtana Rabbi ayaa og.

Marka tirakoobkaas lagu daro kaydka uu kitaabkaasu ku sheegay dalal kaloo muslim ah waxaan arkaynnaa sidatan:

Nijeeria 1.7%

Indonesiya 1.1%

Iiraan 9.3%

Wadar 12.1%

Marka saddexdaan dal oo muslinka ah kaydkooda lagu daro kaydka la sheegay ee dalalka carabta wadarta guud waa 69.5%.

Waxaa tiradaan ka maqan batroolka iyo gaaska dabiiciga ah ee faraha badan oo laga soo saaro dawladaha islaanka ah ee Kazakhistaan iyo kuwa deriska la ahba oo qaaradda Aasiya ku yaalla.

Waxaa ayadana batrool badan laga helay Afghanistaan. Waxaa tirakoobkaas ka muuqata inuu Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ batroolka adduunka o idil, in yar mooyee, uuba siiyay dalaka islaamka, gaar ahaan dalalka carabta.

Kaydka batroolka dalalka galbeed, ayuu kitaabkaasu dhigay, waa:

U.S.A. 2.6%

Yurubta galbeed 0.4%

Gaaska dabiiciga ah (Natural Gas)

Aljeeriya 2.5%

Ciraaq 2.4%

Qadar 3.5%

Sucuudiga 3.9%

Imaaraatka 4.3%

Wadar 16.6

Iiraan 12.9

Wadar guud 29.5

 

Waxaa halkaas ka muuqata ayaduna inay dalalka carabta iyo muslinkuba leeyihiin dalool kaydka gaaska dabiiciga ah oo la shito oo uu kitaabkaasu wariyay.

Kaydka dalalka galbeed ee gaaska dabiiciga ah waa sidatan:

U.S.A. 3.6%

Netherlands 1.5%

Norway 1.7%

Romaniya 0.1%

Ingiriiska 0.4%

Yurub oo la isku daray waxaa ku jira 2.7% kaydka gaaska, maraykankana 3.6%. Waqtigaan hadda la joogana ingiriiska batroolku waa ka dhammaaday. Norway ayadana waa ku gabagabo.

Dhuxusha

Dhuxusha dhagaxa ah waxaa laga dhaliyaa xoogga korontada, warshada birtana waa lagu dhalaaliyaa, treennada iyo baabuurtaba shidaal ayaa looga dhigaa, guryahana waa lagu shitaa xilliga qaboobaha dalalka qabawga iyo barafka leh, oo dhankaas wuxuu beddel u tahay batroolka iyo gaaska dabiiciga ah.

Kaydka adduunka ee dhuxushuna waa sidatan:

Shiinaha 45.7%

U.S.A. 13.5%

Jarmanka 5.0%

Poland 2.5%

Ingiriiska 0.2%

Phosphate rock

Kaydka adduunka ee macdantaanna waa sidatan:

Marookko 63.5% (90% waxaa loo isticmaala bacrinta beeraha ama fertilizer)

Afrikada koofureed 7.5%

Urdun 1.4%

U.S.A. 13.1%

Yurub 00%

Macdanta Nickel

Kaydka adduunka ee macdantaanna waa sidatan:

Kuuba 20.3%

Indoneesiya 11.4%

U.S.A. 2.2%

Yurub 00%

9

Dahabka

Kaydka adduunka ee dahabkuna waa sidatan:

Afrikada koofureed 44.5%

U.S.A. 10.6%

Yurub 00%

Waxaan tirakoobkaan ku jirin dahabka ku duugan boqortooyada Sucuudiga, oo Al Shiikh Zaki Yamaani الشيخ زكي يماني\ markuu ahaa Wasiirka batroolka boqortooyada Sucuudiga sideetanaadka qarnigii lasoo dhaafay, wuxuu sheegay oo qalabka warbaahinta adduunka lagu baahiyay, aniguna anigoo arliga jarmanka jooga aan TV-ga ka fiirsaday isagoo sidaas ku hadlaya, oo yiri:

“Waxaan leenahay buuro dahabka laga qodo, oo haddaan dahabkaas dibadda u dhofinno aan ka heleynno maal ka badan maalkaan ka helno batroolka aan hadda dhoofinno.”

Markaasay dawladda Israa’iil أسرائيل\ waxay tiri:

“Waa dahabkii Sulaymaan سليمان\ oo annagaa iska leh!”

Zamanka Quraysh waxay dhoofin jireen waxaa ugu badnaa dahab iyo qalin markay aadayaan labadooda safar ee kulaylaha iyo qaboobaha ee ku xusan Suuratu Quraysh سورة قريش\ .

Dahabka cad (platinum)

Kaydka adduunka ee macdantaanna waa sidatan:

Afrikada koofureed 89.3%

Qalinka

Kaydka adduunka ee macdantaanna waa sidatan:

U.S.A. 17.1%

Macdanta Birta

Kaydka adduunka ee macdantaanna waa sidatan:

U.S.A. 5.9%

Afrikada koofureed 5.8%

Fransa 0.9%

Sweden 2.4%

10

Macdanta Tin

Kaydka adduunka ee macdantaanna waa sidatan:

Malaysiya 18.2%

Indoneesiya 11.2%

Ingiriiska 1.5%

Burtuqaal 1.2%

U.S.A. 0.7%

Waxaa tirakoobyadaas kaaga muuqata in dalalka, gaar ahaan yurub iyo ameerika, oo khayraadka la siiyay ay aad u yar yihiin.

Waaba tuu dhaqaale yaqanka ingiriiskaba u dhashay oo jaa’izada Nobel Prize lagu siiyey John Maynard Keynes yiri:

“Ingiriisku waa jaziirad yar oo sabool ah! Marka waa inuu ingiriisku barto inay sidaas sabool u yihiin, uuna sida dad sabool ah u noolaado.”

Macdanta Bauxite

La soco qaybta 4aad arbacada dambe insha allah 

 

 

SHEEKOOYIN