Hoobalkii galbaday ee Cabdi Tahliil Warsame! W/Q: Axmed Cali Dirir

Hoobalkii galbaday ee Cabdi Tahliil Warsame


Cabdi Tahliil Warsame aniga magaciisa waxaa iiga horreysay codkiisa oo aan dhallaanimo ku bartay. Anigoo heesta (Onkod roobku ma daayo, anna taaha ma daayo) intaa ka bawsaday oo kolba halka ay iga ga qabawdo, sidii gaadhi dhiidhigalayna, ka saari kariwaayo (illeyn xaafaddayada lagu ma dhagaysan jirine) ayaa awoowgey oo maalin na soo booqday i maqlay. Awoowe ma jacayl baa ku haya, waa adigan Cabdi Tahliil heestiisii ku luuqaynayee? ayuu igu yidhi: Ma aan filayn in uu i maqlayo. Naxdin ayaan kala wareegay oo guriga ku cararay. Muxuu sameeyey? ayey ku tidhi: hooyo oo hadalkayaga qayb ka mid ahi ay kusoo duushay. Annagaa is og, ayuu ugu jawaabay: dabadeed  Awoowe ayaa ii yeedhay. Annigoo xishoonaya oo madaxa hoos u foorarinaya, ayaan soo baxay oo is-dultaagey. Awoowe Quraanka baro ayuu igu yidhi.`Maalintaas baa iigu horreysay Cabdi Tahliil Warsame magaciisa.

Heestaasi raad ayey naftayda ku leedahay. Markasta oo aan maqlo waxaan marti u noqdaa xasuus duugawday oo aanan jeclaysan. Awoowgey oo maanta iga hooseeya ayey ereyadaasi soo mirkiciyaan. Taladiisii ayaan haddana sii milicsadaa oo gawsdanbeedka ku adkaystaa. Allow u naxariiso. Gadaal ayaan ka ogaaday ereyada heesta in uu allifay Axmed Saleebaan Bidde. Laxanka iyo luuqdana in uu ku ladhay Cabdi Tahliil Warsame.

Cabdi Tahliil anigoo weyn ayaan muuqiisa bartay. Waxaan filayaa in aan ugu horreyn muuqbaahiyihii Soomaali ku hadla ee ugu horreeyey, intii aan garaadsaday ee muuqiisu hawada galo, bacdal burburkii Soomaaliya uu ahaa Radio and Television Djibouti (RTD) Kaas baa soo daayey; Isagoo heesaya oo heestii laygu qabtay qaadaya. Niyadda ayaan ka idhi: Cabdi ma kanaa? Barasho wacan. Araggiisa na maalintaas baa iigu horreysay. Nasiibdarrose weligay si caadi ah u ma aan arag oo lama kulmin.

Cabdi Tahliil waxaan kaloo ku xasuustaa, habeen aroos jirikaan Burco duleedkeeda ka dhacayey aannu tagnay innaga iyo rag kaloo aannu saaxiibbo nahay, in heesta Xoodaamo ee loo garan ogyahay (sida faras Xullaaloo) laga qaadayey, dabadeed mid naga mid ah ayaannu ku murannay. Ma xasuusto fannaankii aan ku khaldayaye. Waxaan isu la tagnay askarigii arooska, dabadeed  waa layga helay. Heestaas na sidaas baan  ku bartay. Wixii intaa ka danbeeyeyna casrigii moobillada ayaa la soo gaadhay. Waa xilligii laga baxay muranka, waxkasta na caddaynta loo helay. Dadkuna sida magnadku birta u qabsado ayaa ay heesaha u wada qabteen. Wixii waagaa ka danbeeyey, kolkol ayaan dhegaha ku culan jirey, marka aan firaaqo u helo.

Saaka ayaan geeridiisa ka arkayaa, iyadoo baraha bulshada la dhexmuquursiinayo. Run ahaantii ma rumaysan, waayo hore ayaa loo habaaray oo ay been noqotay. Dad xog-oggaal ah oo aan la xidhiidhay ayaa ii caddeeyey geeridiisa. Rabbi ha u naxariisto. Damal la hadhsado oo fanka Soomaalidu haddii uu qof yahay ku soo hirto ayuu ahaa. Wuxuu ahaa nin farabadan oo aynaan ka geyoon karin. Mullaxamayste, ereyada oo uu allifo, Fannaan, Muusishan  shaadh keli ah wada xidhan, bal adigu sawiro?! Oo qalbigaada bal ka raacdee. Ugu danbayn Cabdi codkiisii innaga ma dhiman, balse jasadkiisii ayeynu weyney. Rabbi godka ha u waasiciyo marxuumka, bulshaweyntii Soomaaliyeed ee uu ka baxay, samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.

W/Q: Axmed Cali Dirir

SHEEKOOYIN