HORTA AYADA QUR’AAN SAARA! W/Q: Cabdifitaax Maxamed Xaambe

pizap.com14688655538331

HORTA AYADA QUR’AAN SAARA

Haweeyo waxay ku dhalatay dhulka hodan-ka ku ah, hawada macaan, Badda, Beeraha iyo xoolaha noolna ee kala duwan leh ee “SOOMAAALIYA” inkastoo halka Eebbe ku abuurey ay kulansatay waxyaabo badan oo aasaasi u ah, noolaha Aadmig ah. haddana ma aysan calfan nasiibna uma aysan yeelan in ay ku negaato, halkii ay ifka uga soo biirtay, markii dagaalo iyo deganaasho la’aani daashadeen deegaankeedii ayey doorbidey in ay macansiito meel kale.

Haweeyo ayadoo hana qaad ah ayey hayaan dheer ka dib soo caga dhigatay carriga Ingiriiska, waa ay guursatey, waxaa WEYNE ugu deeqay Hadiyad qaali ah waxayna noqotoey hooyo ku curatey wiil.

Haweeyo goortaas waxay u ahayd nolol cusub maadama ay ahayd hooyo heshay ilmihii ugu horeeyey, lama soo koobi karo jaceylka iyo jamashada wiilkeeda koobaad, dhowr magac ayey huwisay lakin waxaa dhaqan galay ugu dambeyn Hanad in loogu yeero.

Hanad wuxuu ahaa ilmihii ugu horeeyey laakiin muusan noqon ilmihii u dambeeyey, waxayna Haweeyo dhashay ilmo badan oo wiilal iyo gabdho leh Hanad ka dib.Muddo dabadeed waxaa dhacday Haweeyo iyo ninkeedii in ay kala tagaan waxayna noqotey hooyo 9 caruur ah korisa iskuna qabata masuuuliyaddii Aabbe iyo Hooyo.

Haweeyo waxay ahayd hooyo dadaal badan, howl kar ah, habeen iyo maalin waxay maanka ku haysay sidii ay heer sare u gaarsiin lahayd ilmaheeda. Haweeeyo yaraanteedii Soomaaliya ayey ku soo qaaddatey, waqti badana wuxuu uga lumay hayaankee/geedii iyo qaxii, markii ay Ingiriiska timidna waa guursatey, waloow ay ahayd qof dadaal badan, laakin, qaab nololeedka dalka ay ku timid soo galootiga wax badan kama aysan fahansaneen, waxayna ilmaheeda u kori jirtey qaabkii loo soo koriyey oo asagu ahaa qaab wanaagsan, laakin waxaa la wada ogsoonyahay meel walba hab nololeed gooni ah ayaa ka jira, mararka qaarna la iskuma dabaqi karo. Haweeyo waxay xoogga saartay sidi ay ilmaheeda keyd iyo hanti ugu samayn lahayd, waxay beeqaasimaa wax walba oo soo gala ayadoo qorsheynaysa in aysan ilamaheedu meel cidla ah ku soo dhicin markii ay waxbarashada dhammeeyaan ama haddii loo baahdo in ay ka waddo ama ka kaxayso Ingiriiska oo ayadu u aragtay dhul aan ku munaasab ahayn in ay ku sii nagaadaan. Waa sida waaliddiin badan oo Soomaali ah ay la qabaan Haweeyo, waa Safar aan loo socdaalin in badan oo dadkeenna ka mid ah.

Muddo badan oo ay aruurinaysay lacag ilmaheedu ka aradnaayeen waxay guri ka iibsatay Imaaraatka carabta, inkastooy weli dagaan u tahay Ingiriiska.

Hanad wuxuu gaaray Dugsi sare waana 15 jir, waa wiil ku wanaagsan waxbrashada, hooyadii waa ixtiraamaa inta badan, ha yeeshee maadama uu galay da’dii kala guurka uuna u sii dhawaanaya dhanka dhallinyarada hana qaaday, wuxuu doonayaa in uu xirto wax walba oo ilmaha la fasalka ah ama aynigeesa ah xiranyihiin, dharka, kabaha, mobile-da iyo agabyada kalaba, wuxuu hibanayaa in uu helo hadba nuucii ugu dambeeyey si la mid ah carruuraha Caddaan ah ama dadka ladan, wuxuu jeclaa lahaa in jeebkiisa shilimaad ku jiro uuna wax ku iibsado mar walba. Waxaa u sii dheer in uu intaas in la’ eg uu la doonayo ilmaha la dhashay ee ka wada yar.

Hooyadi Haweeyo waxay ku fakaraysaa haddii aad caloosha u buuxiso calal ayada markaas la qurxoona ay u xirto, in aan cidi ka sareynba carruurteeda, wixii ay ku ciil bixi lahaydna waa ayada HAGBAD/AYUUTO galisay si ay ay hanti ugu tabacdo. Haweeyo waxaa kaloo culays ku haya oo mar walba ku soo laalaabta in Qaaraan iyo qeylo dhaan ay ka jawaabto, lakin kuma baraarugsana in dalabka aan joogsiga lahayn ee dhanka xawaalada ka imaanaya mid ka muhiimsan uu hoos yaalo, umana muuqato haadaanta ilmaheedu ku sii socdaan ayagoo raadinaya lacag ay baahiyahooda iyo waxa ay jecelyihiin ku daboolaaan.

Hanad si uu dhaqaale u sameeyo wuxuu bilaabay ku biiray dhallinyarada iibisada maandooriyasha nuuca loo yaqaan ” Xashiishka ama bac-bacleyda” waa nuuc ka ganacsigeeda iyo cabisteedaba aan laga ogolayn dalka ingiriiska iyo inta badan caalamkaba laguna mutaysto xarig, tii oo ay dheertahay in la isku shirqoolo waxaana is dila dadka iibiya maandooriyahaan. Tiro aan yarayn oo wiilal Soomaaliyeed ah ayaa ku naf waayey dilal ka dhashay maandooriyahaan waana dhibaato waalidiin badan saamaysay oo ku kala sugan Waqooyiga AMERICA iyo YURUB dalal ka mid ah, waana dhibaato ilaa haatan taagan.

Haweeyo inkastoo aysan wiilkeeda ku ogayn inuu bilaabay iibinta maandooriyaha Xashiishka, hadana waxay dareentay in isbadal wayn uu soo galay wiilkeda, waxayna aragtay in uusan ahayn Hanadkii hore ee waxbarashada ku fiicnaa gurigana waqti habboon imaan jiray markuu iskuulka ka soo laabto. In badan waa ay waanisay laakin warkeeda wax kama badalin ayana halka howshu ka xuntahay ma aysan fahansanayn.

Welwel badan ka dib waxay go’aansatay in ay Qur’aan saarto, in Allah u dajiyo wiilkeeda oo ayada markaas ula muuqday in uusan fayoobeen. Waxay u yeertay wadaado Soomaaliyeed. Ka dib markii sidii caadada ahayd ay cuneen sooryadii loo sameeyey ayaa loo yeeray hanada bal si QUR’AANKA loogu bilaaabo, hooyadiina qolka waa isaga baxday.

Hanad oo ahaa nin yar laakin aad u garaad badan ayaa yiri;” waxaan rabaa in aan wax yar idin sheego ee fursad ma I siin kartaan?”

Culamadii ayaa ku war-celiyey ” haa”

Hanad ayaa ka sheekeeyey arrimaha haysta iyo in uusan caafimaad daro qabin, lakin ay la soo darsayn xaalado uu ku qasbanaaday in uu xal u raadiyo, wuxuuna la wadaagay dhammaan wax walba oo noloshiisa, tan walaalihis iyo midda hooyadi ku xeraan, wuxuuna carabka ku dhuftay in aysan waxba ugu oolin guri Imaaraatka Carabta laga dhisay laakin asaga iyo walaalahiis u baahany ihiin in ay helaan waxa jaalkood haysto farxadna wax ku bartaan, halkii marka ay iskuula tagaan niyad jab kala kulmi lahaayeen, wuxuu sheegay in naanaysto loogu yeero canug walba oo labiskiisu ka hooseeyo ardayda kale ee la fasalka ah. Ugu dambeena wuxuu hadalkii ku soo afmeeray Hanad Adeerayaaloow anigu quraan saar uma baahniye” Ayada ha la QUR’AAN saaro.” Hooyo hala quraan saaro.

 

Dulucda sheekada.

Qofku adduunka wuxuu ku leeyahay sida diintu noo sheegtay, wuxuu xirto ee ku labisto, cuno, iyo wuxuu isticmaallo, wixii kaaga soo hara waad kaysan kartaa, waxna waad ku qabsan kartaa, balse, ubadkaaga iyo ooridaada ha u qadin waxaadan ogeyn inaad calfan doonto, haddii kale sida Hanad hooyadii ayaa lagu quraan saari doonaa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

 

W/Q: Cabdifitaax Maxamed Xaambe

 

SHEEKOOYIN