HORTA KULKU MAKU GAAREY ? W\Q: Ismaaciil Axmed Xuseen ( Ismaaciil Nafyar)

6498172-Business-man-on-fire-and-ice-cloud-Stock-Photo

HORTA KULKU MAKU GAAREY?

Asagoo dhallinyaro ah buu ka tagey dalka, wuxuu qaxootinimo u doontey mid ka mid ah dalalka Yurub. Markuu dalka ka tagey muunan aqoon kala qoqobka, qabyaalladda iyo ku qaraabashada magac qabiil leeyahay. Xittaa wuxuuu ka xishoon jirey inuu afkiisa soo mariyo “Qabiilkee tahay?”. Wuxuu cagadhigtey meel shaqada la qabtaahi tahay ogaanshaha qof walba qabiilka uu ka dhashay iyo in ruuxaas lagu qiimeeyo qabiilka uu ku abtirsado.

Wuxuu galay dugsi lagu barto aqoonta qabyaalladda iyo kala qoqobka, bilowgii hore waa ka la qabsan kari waayey,in muddo ahse ka dib waa ka la qabsaday si qoto dheerna u darsaa daruusta jeer ay u noqdeen quuti-daruuri, waa asaga qalanjabiyey, qaatayna shahaado sare,gaareyna darajo aysan gaarin qayrkiis. Iminkadana waa ka dhaqan galinaya aqoonta uu bartay, maalintii danbe waa ayada ay soo shaac-baxdey buuq iyo qaylo ka taagan magaaladiisii, Magaaladii uu ku soo barbaarey ee dalkii hooyo. Buuqu wuxuu u dhaxeeyaa Dawladda iyo siyaasiyiin qabiilkiisa ku abtirsada, Waa asaga la kala baxay buuggiisii qabyaaladda, baalashana rogey, barbaarta reerkiisana ku baratansiiyey ineey bunduqyada qaataan oo qabiilka badbaadiyaan, waa asaga duubaya muuqaalo yar-yar oo qiiro qabyaaladeed ka muuqato, kuna qaylinaya “ Tollaayeey, tollaayeey, waar ka kaca meesha oo qabiilka xorreeya”.

Muuqaalada yar-yar ee uu soo dhigayo baraha bulshadu ku wada xiriirto waa ayaga isaga soo daba dhacaya sidii rasaastii, qayb ka mid ah asxaabtiisa iyo qaraabadiisa baa uga digey qurunka uu walaaqanayo, waa asaga ku gacan sayrey, hawshana sii laba jibbaarey, maalintii xigtey waa ta dibadbax qalalaaso wataahi uu ka dhacay magaaladiisii, waa ta waddadii bartamaha dhagaxaan lagu gooyey, waa ta taayaro la gubey, Waa ta isku socodkii gaadiidka iyo kii dadkaba ay dirqi noqdeen, waa ta daarihii ganacsiga la shiidey, waa ta barbaartii uu baraarujinayey iyo Booliiskii baladka ay barqo cad is heleen, waa ta faraha la isula tagey, waa ta qoryo la isku adeegsadey “qush” “qac” “dhuk”. Waa ta qaylo is qabsatey. Waa ta barbaartii ay kala yaacdey. Waa ta meeshii dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhaceen.

Waa ta xabbadii doolaalo ugu tagtey inan yar oo ardayad ah, waa ta ay dhulka ku dhacdey, hadii lasoo kor dhoobtayba, maxaad ii dhiibatayba mar hore bayba ka takarisay, Haddii dhinacyada la eeg-eegay oo la is weydiiyey “ War yaa garanaya”, cid garaneysaba waa ta la waayey.

Cabbaar kadib waxaa yimid barbaar kasoo baxsadey goobtii dibadbaxa, wuxuu arkey meesha la tuuman yahay, waa ka kusoo leexday, haddii uu soo dul istaageyna, illin bililiq haka soo tiraahdo, asagoo hadalka gef-gefayana si boobsiis ah ha u yiraahdo “ Een… een waa Xaliimo- yareey, waa Cabdi walaashii”. Cabdi waa ninka aan ka sheekaynayo, xoogaa kadib inantii hooyadeed meeshii ha timaado, waa ta qarracan darteed marna horey u dhaqaaqda, marna gadaal dhawr taako dib u celisa, mar kalana hareeraha eeg-eegta. Ayadoo ilmadu ay daankeeda qoysay, waa ta marna qaylinaysa, mar kalana ashahaadanaysa, waa ta hooyadii inanta dhashay ay bilowday fara taag-taag sidii ruux qac ah, dadkana ka dheeraatey.

Isla durbadiiba waa ta barbaartii dibadbaxa dhigtey ay bilaabeen baahinta muuqaalo yar-yar iyo sawirrro laga soo qaadey goobtii dibadbaxa iyo hareeraheeda, waa ta gabal ka mid ah sawiradaas ay gacanta usoo galeen Cabdi oo dhinaceyga midig fadhiya, waa ka bilaabey daawashada sawirada waliba mid mid, hadde waa mid mid u daawanaya, waa ta qosol uu la dhacey ilaa gaws-danbeedyadiisu bannaanka yimaadeen.

Ogoow oo waxa uu ku faraxsanyahay waa qalalaasaha magaaladiisii ka qabsoomey,wuxuu sawirrada daawadaba oo midba mar rogaba, waliba asaga oo farxad iyo qaylo ka dhaceyso, waa ka uun shibta xuley, hadal danbana aan ka waayey, haddii aan eegayba, waa ta wiilkii qoorta dheeraa luqunta isku ceshadey, madaxana foorariyey sidii in tunka looga taagan yahay, wajigiisii qurxoonaana waa ka aad moodo inuu qolof dhacsadey, qarracanka iyo murugta ka muuqata darteed. Waa aniga usoo dhawaadey oo fiir-fiiriyey sawirro uu gacanta ku hayey. Midkii u horreeyeyba waa inan yar oo meyd u muuqata, waa aniga naxay, dhidid waaweyna fagax iga soo yiri. kii ku xigey baan eegay, mise waa habar dhabanka haysata, dhafoorkeedana murugo laga dheehan karo.

Waan dareemay waxa Cabdi qarracanka ku ridey ineey mashaqo qaraabada ku timid tahay. Si aan taas u hubsado, waa aniga weydiiyey, waa ka isaga oo gar-gariiraya cod hoose ku leh: “Waa walaashey oo maanta ku dhimatey qalalaasihii iyo hooyo oo qarracan darteed ku dhow ineey waalato! Waa ka iga ag dhaqaaqey oo meel xoogaa ii jirta yuruursadey sidii Yaanyuur wax naadineysa. Waa asaga madaxa foorariyey ee fikiraya oo misana fikiraya, afkuna juuqda gabey. In cabbaara haddii uu hoos eegayey igana aamusnaa, waa ka hadda isoo qooraansadey asagoo qarracan iyo murugo ka muuqato. Waa asaga si jil-jileec ah iigu leh “ Ninyahoow haddaan qaadan lahaa taladii asxaabteyda, maanta ma aan qasaareen, walaasheyna micno la`aan kuma qudhbaxdeen, hooyadayna sidii ruux qac ah faraha ma taag-taagteen”. Waa aniga ugu jawaab celiyey “ Mararka qaarkood waxaad u baahantahay inuu ku qaniino Mas, si aad u ogaato xanuunka iyo kharaarka ay leedahay qaniinyada Masku”. Intaas kuma dayne, waa aniga ku digtey, ereyadaanna ku karbaashey:

  • Barbaartii aad kicisee
  • Kabiirka aad u ahaydbaa
  • Cabdow  kaartadaadii
  • Ku kadeedi keligaa.
  • Kasabka iyo dheeftii
  • Kibirkaagu keenaad
  • Kurba kugu  abuuree 
  • Kolkaan kaaga digaye
  • Ka joog aan lahaaba
  • Waadigii ka boodee
  • Is kibraaminaayee
  • Karku maanta adigan
  • Ma ku  gaaray wiiloow.

 W\Q: Ismaaciil Axmed Xuseen ( Ismaaciil Nafyar) Email: nafyar33@gmail.com

SHEEKOOYIN