Horta yaa abaalgala hadduu jirase yaa gudi? Q.24aad W/Q: Xuseen “WADAAD”

Horta yaa abaalgala hadduu jirase yaa gudi? Q.24aad 

Maxaad Cali, Isagoo dhankakaxsan ayuu yiri: Maandhaay xaa dhacay (Xaa jiro)? seey wax yihiin?
Raxmana si deggen oo qaboow ayay ku tiri: Aabow halna ee, adiga xaa ku hellay? Ma fiicnidoo? Waadigaan soo sasaye!
Maxaad Cali: Haa maandhaay, xoogaa aan indhaha is galshaan u mudaa maahee dhib kale ma jiro.
Raxmo : Aabow, waxaa yimid oo joogo Abtiyoow, ee soo bax u imaaw.
Raxmo, kolkeey intaas is dhaafsadeen aabowgeed ayay gadoon ka tiri, kuna noqotay kobtii uu abtiyoow fadhiyay, waxeeyna ku tiri: aabow waa soo kacshay, waana noo imaahaa.
Abti Axmed Madaxa ayuu ruxay uun ee jawaab kale ma bixin, waxuuna sii watay tasbiixsashadiisi, isagoo ku tasbiixsahaayo tusbaxiisi 99 loowga ah. Kistoo muggoow amusnaay tusbaxana jalaw jalaw ka sii siiyay, ayuu Raxmo weydiiyay: Ka warran maandhaay waxbarashadaadii ma aadda mise?
Raxmo: Maya Abti ayaantaan xoogba yaa u helo middaas, hawlahaan kalaan la xarbeeynaa uun, abti. Gabadhu waana runteedoo Miidaaba iskuul xoog u hesho, waa Adduunyoo,adduunyana hawli kama dhamaato.
Raxmo yareey iyo Abtigeed oo goobtii weli isku wareysahaayo ayaa waxaa qolka ka soo hadaalay oo ka soo baxay Maxaad Cali, oo weli illan dharkuu dibadda uga yimid, waxuuna u soo dhaqaaqay dhankii ay fadhiyeen gabadhiisa iyo abtigeed, intii aanu soo gaarin ayuuna ku soo bilaabay : Abtiyoow Asalaamu calaykum.
Xaaji Axmedna, rabtuu fadhay ayuu jus ka yiri kana hor tagay seeddigiis, isagoo leh: Wacalaykum Salaam Eeboow.
Odayadu waxeey isu salaameen ,si ka duwan sidii ay kolkii isugu dambeysay ku soo kala tageen, waxaa wejiyadooda ka muuqday farax iyo hiloow, waxaad u qabtay in mid kastaahi geestiisa isu canaantay, gardarrana isu saaray, taasoon ka garan karnay sidii xushmadda, wanaagga iyo gacaltooyada leh ay isugu haanyoodeen.
Maxaad Cali, ayaa ku yiri: Abti ii fadhiiso.
Isagana kursi kale oo ay Raxmo yar soo hordhigtay ayuu salka saaray, waxaana dhex maray wareysi kooban, waxuuna u dhacay sidaan:-
Xaaji Axmed: Maxaadoow, bal ii warran? see xaal yahay? igana Raalli noqo, inaan kaa soo daahay.
Maxaad Cali: Abtiyoow, waa la roonyahay, inkastoo dhiba badani iska jiraan, ka daranaase dedan, ee Rabbi ha saqiro arrimaha.
Abtiyoow, arrinkii Wiilka ,weli waa saad ku ogeyd, oo weliba la leeyahay arrinkiisa waxaa la wareegay Xeer ilaalinta, maxkamad ayuuna sugaa, Alaabti maqneyd iyadana waa sideedii oo weli wax lama haayo, mana u mudaayo in la helaayo, waxaa uun raja ka qabnaa Sopraloogooyinki in la soo saaro kuwa kale, waa kaas hee xaalki aad ogeyd.
Xaaji Axmed: Maxaadoow, Xoolo adduunyo dhib ma leh, ewelba waa la tacbay, minii illaah kuu roonyahay haddana waa uun la tacbaa haddii la nool yahaye, Wiilkana arrinkiisa waa iska soo dhamaahaa e, xaa kaloo kaa cusub adiga?
Maxaad Cali: Abtiyoow, waxaa kaloo igu cusub in maanta shaqada layga soo burshay, booskeeygiina cid kale la keensaday, taasaa igu cusub iyadana, Gurigana xoog xumaa nagu heyso aniga iyo Gebertaada Raxmaa, oo iyadana nala dhiban.
Xaaji Axmed: ar Maxaadoow, horta, aniga iga raalli noqo, adoo dhiban ayaan kuu gefay intaan dhibka ku heysto kula qaybsan lahaa, ee bal i cafi eebooboow? Midda kale, Kutubo waa qof dumara, oo aan xamili karin arrimaha is dul koray oo ah xarigga wiilka iyo dhaca guriga, Hadda iyadana gurigeeda ay ku soo naqee, ee eebooboow bal sabar, sabarkana kaasho,
Arrinka wiilka xiran, waxaa i soo gaaray in meelo kale looga jiro, oo arrinkiisa soo dhammaahaayo, beledkana waa laga wada ogyahay inuu gardarro u xiran yahay, waxaana ku jiro Garyaqaan Abuukaate caana oo la wada yaqaan oo ay u qabatay Maammo Dahabo kheyr allaha siiyo e. Maamma Dahabo, waxa ay is yaqaanaan oo warka gaarsiisay Xaajiyo Batuulo. Mugga xaajiyoow ,arrinkaas aan u dhaafno Maammo Dahabo, iyadaa la tacaaleyso e, ee arrinka shaqada seey wax u jiraan?
Maxaad Cali: Xaajiyoow, ma helo, beryahaanaan ka maqnaay dhibkaan jiro dartiis, waana u farriin diray masa helo seey wax yihiin.
Xaaji Axmed: Maxaad, taas dhib ma lahan waa xalismee, maxaa yeelay adiga Dawlaad u shaqeysaa, shaqadana lagaama burin karo, waa isaga soo noqoheynaa arrinkaas.
Xaaji Axmed, Markii uu intaa yiriba, waa istaagyay, waxuuna yiri: Maxaadoow, gurigaan ku naqaa, waana soo naqaa anoo wado Kutubo ee waa noo saas.

La soco qaybta 28aad
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN