HORUMARKA DUNIDU KA SAMEYSAY CAAFIMAADKA W/Q Khadra Addow

who

HORUMARKA DUNIDU KA SAMEYSAY CAAFIMAADKA

Ururka Qaramada Midoobay waxa uu shaaciyay qorshaha kunka sano oo ay saxiixeen 191 waddan ee ka tirsan ururkaas sanadkii 2000, waxa eyna hohgaamiyasha caalamku go’aamiyeen iney la dagaallami doonaan saboolnimada, gaajada, dudurrada, jahliga, nabaad guurka deegaanka iyo midabtakoorka haweenka, si loo gaaro hadafyada sanadka 2015.

Sanaddadan dambe dad badan ayaa u le’day cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, sida cudurrada wadnaha, macaanka, cancerka. Waxa halmar faafay cudurro sababay dhimasho aad u badan sida cudurrada Ebola iyo Zika virus.

Dhinaca caafimadka horumar aad u weyn ayey ku tillaabsatay dunidu, waddammada qaar waxa ey gaaren bartilmaameedkoodi, halka kuwa kale ey dib u dhaceen. Xitaa waddammada sameeyay isbadalka yarkaa, waa kuwa ey haleeleen cudurro, dhaqaalxumo iyo dagaallo. Waxaa ka mid ah horumarkas laga gaaray dhanka caafimadka:

 

  • Inta u dhaxeysay 1990-2013 waxaa hoos u dhacay xaddiga carruurta ey heyso nafaqaxumada ayadoo kasoo dhacday 28% noqotayna 17%, oo sii gaartay 16% sanadkii 2015.
  • Waxaa is badal weyn laga sameeyay badbaadinta carruurta, oo ka mid ah guulaha ugu sarreeya ee laga gaaray horumarka caafimaad, ee caalamka. 25tii sano ee ugu dambeysay dhimashada carruurta ka yar 5 sano waxa hoos loo dhigay 49% (ayadoo ka soo dhacday 90 dhimasho 1000ki cunug sanadkii 1990 ilaa ey gaartay 46 dhimasho sanaddii 2013), Waddammo badan ayaa meelsare gaarsiiyay daboolidda tallaallada sida; tallaalka Jadeecada, waxa qaatay 84% carruurta adduunka ee da’doodu u dhaxeyso 12-23 bilood, dhimashada cudurka jadeecada waxaa hoos loo dhigay 78%.
  • Dhimashada hooyooyinka hoos ayey u dhacday guud ahaan dunida 45%, walow 89 waddan ee ka mid ah kuwa ugu badnaa dhimasada hooyooyinka sanadkii 1990, 13 ka mid ah waddammadaasi eysan sameyn wax isbadal ah ayaga oo sare u qaaday kaliya 2% sanadihii 1990-2013. Tirada haweenka ah ee u dhimanaya dhibaatooyinka la xariira uurka iyo dhalmada hoos ayaa loo dhigay 45% (ayada oo ka soo dhacday 523000 oo dhimasho sanaddii 1990 ilaa ey gaartay 2890000 sanadkii 2013). Saamiga haweenka helay xannaanada xilliga uurka ugu yaraan halmar waxa ey ahaayeen 84% sanadihi 2007-2014, sidoo kale kaliya 64% haweenka ayaa helay xannaanadi loo baahna ee ah booqashada dhaqtarka afar mar xilliga uurka. Ayadoo meel sare laga gaaray in haweenka xilliga dhalmada ey helaan qof ku taqasusay dhalmada waddammada badankood, kaliya waxaa hela adeeggaas 51% haweenka qaaradda Africa iyo waddammada soo koraya.
  • Sanadkii 2013 qiyaastii 2.1 milyan oo qof ayuu haleelay cudurka HIV- taas oo hoos u dhacday marka loo fiiriyo 3.4 milyan ow cudurku ku dhacay sanadkii 2001. Dhammaadkii 2013, 12.9 milyan oo qof ayaa helay daawada kaalmaatiga ah ee cudurkan ee ART( Antiretrovirval Therapy).
  • Guud ahaan xaaladaha cudurka mallaaryada (duumada) hoos ayey u dhacday -ayadoo aheyd 227 milyan oo qof sanadkii 2001 waxaa eyna gaartay 198 milyan dhammaadkii 2013. Walow uu cudurku sababay dhimashada 584000 qof. Qaaradda Africa ayaa ah meesha uu sida aadka ah uga jiro eyna ka dhacday dhimashada 90%. Taas oo micnahedu yahay in hoos loo riday cudurkaan duumada 47% sanadkii 2013. dadaallo dheeraad ah oo la sameeyayna waxaa lagu guuleestay, in hoos u dhaca la gaarsiiyo 57% sanadkii 2015.

Cudurka Qaaxada (TB) waxa uu haleelay 9 milyan oo qof, waxaa la hakiyay faafitaankiisa 41%, waxaana hoos loo dhigay dhimashada uu sababo cudurkaanu 45% guud ahaan dunida. Cudurka Juudaanka waxaa laga ciribtiray 119 waddan oo ka mid ah 122 waddan oo uu cudurku ka jiray.

 

F.G: Qormadan markii u horraysay waxay ku soo baxday WARGEYSKA GOBOLLADA DEXE.

 

W/Q Khadra Addow

SHEEKOOYIN