Hufnaanta waayaha socotada ah! W/Q: Jamaal Abdinaasir

Hufnaanta waayaha socotada ah! W/Q: Jamaal Abdinaasir

Waayaha iyo ifafaalaha waa kala jaad oo mar waayahu wuxuu taageeraa ifafaalaha, marna ifafaaluhu waayaha buu casriyeeyaa hadba waxa go’aan garasho u gooya xaaladda la dul sabbanayo. Haddii la fasiro nolosha doomaha loo raaco oo kolba sees la iska taago waxaa kuu dillaacaya barakac la yaab leh! Eeg oo waxaad dib u eegis ku eegtaa bad mareennadii taariikhda waxay waayo ku sarqaameen inay soo oddorosaan caalam aan muuqan iyo waayihiisa nolol, sida sahmin taariikh oo halka la sahminayo lagu tuhmayo, sida in ilbaxnimo nolol laga soo guursado ama in kayd nolol iyo taariikh loo dillaaciyo nolosha la noolyahay. Badi waxay diraaseeyeen wakhtiga ugu habboon ee la sahan tagi karo iyagoo ku shabbad gareeyeen dabeelaha iska duul-duula ee suura gelinayo doonta dul sabbanayso badda oo hadba dhinac u liicaysa.

Dabayshaas waxay suura gelisaa inay dhaqaaq macquul gal u riddo halka jihada iyo rog-rogga dabaysha ay ku sarqaanto raaxada badda si umuurta la doonayo ay u hirgaliso.

Haddii la innoo sawiray nolosha waa doon, hadda ma doonta baa raaxo inoo aragta oo nolosha xaqiiqadeeda ama jihadeeda ina tusta? ama jihadu way sargoysaa oo noolaha baa sifeeya tirada doonta lagu raacayo si loo ogaado halka noolaha iyo nolosha ay iska qabtaan. Kuwa ku guuleystay badda oo u gudbay halka jihadooda ahayd, waxay ku andacoonayaan in Eebbe badbaadiyay ( hadde waa sax, farriintu waa xag Eebbe) laakiin ma sifeyn karto hufnaanta saxda ama xaqiiqada doonta ay sidato iyo hamuunta doonta loo sawiray. Lama oran karo godka doonta waa laga gudbayaa ama halka la rabay waa la gaarayaa ilaa caddaymo maan-gal ah lala yimaado.

Mid aynu isla garanno oo waakhtiyadii tahriibtu ku wallaceen u cararka halka ay sawirteen u kuur galkeeda. Haddii hal doon lagu wada fuulay tiro qiyaas aan lahayn laakiin ay daruuri u arkeen in lagu wada fuulo, micnuhu uma doodayo cadadka doonta lagu raacay laakiin waxan eegmo ku hayaa nolosha loo carbaabiyay in loo kuur galo doonta. Ujeed mala haan karto in doon lagu xarriiqo nolosha iyo waayaheeda si loogu gudbo wareerka iyo walaaca dhabta ee laga cararayo.

Doomuhu iyagu uma saftaan inay kala dhiciyaan rafaadka iyo waayaha aan is baddalin laakiin waxay u saftaan in ay sifeeyaan gulufyada isku weerara rafaad iyo ifafaalo.

Wadciyadu haddii aad la sheekeysato waad ka bogan oo reexaantu sida ay u carafto oo kale baad u carfan, haddese caraftii haddii majaraha ay u qabato doomo nolosha u ekaada kaliyaata sida loogu shaqaleysiiyay in rafaadka loogu gudbo laakiin aysan ku sheekeysan nolosha iyo noolaha.

Fasiraad badan haddii loo qaato nolosha iyo noolaha waa jihayn garasho u baahan, hubbaanti waxaan ka qaataa nolosha iyo noolaha in ay ciyaarta wadaan si xaraaradda wadciyada iyo xaqiiqooyinka ay u hoos maraan, si kasta markii labadaa guluf ay isu xarriiqaan bood-boodka iyo rafaadka ay humaag gareynayaan, waxaa dillaaca goortaas guluf kale oo la yaab leh, iyaguna waxay is dul taagaan cabbir iyo garasho wacnaan si ay u xaalufiyaan qiyamyada aan dhabaha saxda ah aan taagneyn kaliyaata nolosha xaraarad u yeela.

Micno kastaa ujeed baa seeska u taaga, ujeed kasta fasiraaddiisu waxay soo martaa micno. Nooluhu waa micno ku dul sabbeeya waayaha uu imaatanka ku yahay, se’ nolosha waa ujeed fog kuna halbeeg tirsata sifooyin iyo waayo soogalooti oo amarradooda ay ku dul ciyaaraan noolaha.

Waxa soo rukuucay dadka u safray shisheeye waddan waa fursad hirgalkeedu suura gashay, ma u malaynaysaa xeerarka iyo tusmooyinka ay kuu sheegayaan? Hadda dadkaas waxay ku soo dul barteen rafaad badan, kolkaas ka dib way u suura gashay. Maxaa xigay! Isla dad kale oo og asxaabtaas rafaadka ay la socdaaleen, iyagu way iska indho tireen waxay ka duulayaan sida ay ku tagi lahaayeen oo doontaas u raaci lahaayeen. Dooddeennu kuma sallaysna maxay u aadeyn, waxay ku salleysan tahay nuxurka aasaasiga ah ee nolosha ku marsiinayso.

Dadkii way carareen kol kaas ka dib rafaadkii iyo silicii dad buu reebay dadna wuu suuragaliyay halkaa marka ay marayso, baa waxaa soo dillaacay dadkii oo u gudbay sida iyagu ay sheegtaan raaxo iyo waji cusub. Waa halkeede, waxaan eegeynaa dhumucda iyo salka waxa loo cararay inay ka sifo iyo qummanaan badan tahay waxa ay hadda ku sugan yihiin. Haddii kol kale aad is aragtaan wuxuu kaaga sheekeyn rafaadkii iyo waayihii xanuunka badnaa, isagoo ka nimcaysan waxa hadda uu ku sugan yahay.

Maxaa suuragaliyay ifafaalaha uu taagan yahay, isagoo ka jilleecaya sifadii iyo noloshii uu soo maray. Micno uma yeeleyno in uu ku baraarugo ama xasuusnaado kaliyaata waxaan abuuraynaa gunta waxa loo farxay iyo suuragalnimada waxa halbeegiyay. Waxaan iskula qummanahay xaaladda aan ku sugannahay iyo ruux kasta sida noloshuba ay u doortay badi waa wacnaan in nolosha iyo ciyaarteeda laga sal gaaro laakiin garashadaas badanaa masoo deg-degto oo sida ciyaaraha la dheelo oo kale kolkii ilaaliyaha (refreega) uu taxadir uusan ku sameynin ama qalalaaso uu ka fuliyo ciyaartu ay dadka ciyaaraya aysan ku baraarugin, maxaa sababay? Xadraynta waxa la falayo baa ka weyn waxa lagu baraarugayo, hadduu ruux been kuu sheego laakiin beentaas ay u muuqato mid doorasho kuu furi karto badi kama door bideysid runta muuqata.

Maxaa qurxiyay dadkaasi noloshooda? 

Hubbaanti waxaan ku baraarugay dadyow u il-furan xamaaliga nolosha in ay ka sabab fog tahay waxa la xamaalayo ama la xamaali doono.
Markii hore haddii ay doon soo raaceen, qiimo intee la eg bay doonta noolahaas ku qiimeyneysaa. Marka qiimahaasi ma abuuri karto qiimihii lagu soo bacrimiyay ruux kol-kii uu dhoobada lagu ciyaar siinayay. Waa halkeedii, waxaan garasho u cuskan karnaa xeeladda suurageliday in ifafaalo loo gudbo in ay ka micno badan tahay u jeedooyinka u dagsanaa nolosha, halkaa waxaa inoogu soo if-bixi karo qiyamka ay u taagan tahay nolosha, waxaa se soo bixi karo noolaha iyo macnaha uu u taagan yahay iyo safiirnimada uu kaga taagan yahay nolosha. Waxaan horay usoo kala qaadnay laba dhinac oo seeska u taagay dhabnimada iyo caqliga nolosha inay yihiin.

1: micnaha noolaha: oo aan ku sifeynay asalka waxa la kala saarayo inay fasiri karto wax micno ah, kolkaas ka dib bay suura gelidaa waxa laga duulayo iyo booska loo socdo.

2: ujeedada nolosha:

Ujeedada nolosha waxay dhinac socotaa oo sifeysaa micnaha noolaha, waxay jeegada qabataa micnaha kolkaas ka dibna waxay ku qaraabataa inay hareero socoto noolaha.
Waxaan fahmi karnaa iftiin kasta inuu bar-bar socdo iftiin mug weyn oo aan muuqan, laakiin isku hiilaya ama isku iftiimiya.

Waxaan isla garan karnaa dadku inay ka qaraab doontaan silaca iyo rafaadka iyagoo u il-fiiqan dambeedka raaxada, haddii hal aragti aynu usoo qaadanno:

(Wax aan loo dhibtoon lama dheefsado)

Aragtidani waxay gunta abbaaraysaa in fal kasta loo carbaabiyay ama la sameyn doono inuu ka horreeyo rafaad iwm, ka dibna dheefta ay dambeyn doonto. Badi, raaxadu waxay ku jirtaa rafaadka oo caksi aan muuqan bay isku yihiin, waxaa aragtidani markii loo eego cilmi nafsi ahaan waxaan arkaa dadyow soo maray rafaad iyo sillic, markii uu ka guul gaarayna wali ku jira rafaad ma oran karno ruuxa waa jirran yahay ama maanka baa loogu jiraa, kaliya waxaad eegtaa fursadda ku jirta sillica iyo rafaadka inay ka garasho iyo fursad badan tahay raaxada. Hadda ruuxii kaaga ma sheekeynayo rafaadkii kaliya wuxuu kaaga sheekeynayaa hadda xaaladda uu ku jiro. Haddii dhinacyo badan aan is dul taagno waxa saameynaya ruuxaas ama duul kaas inay qeyb ka tahay qodobadan:

1: bii’adii oo fahami waayay ruuxa 

2: garasho uu ku garan waayay halka jihadiisu ahayd.

3: korrar dareen oo ku soo hadaaqay ruuxa iyo iwm.

Intaas waxay caddeynayaan waxa ruuxa u suura geliyay inuu ku dul sabbeeyo doon.

Nolosha wax mug leh ma sidato ilaa bini’aadamka u samata bixiyo waxa ay fali lahayd. Haddii farxadi soo wajahdo duul ama ummad, wax su’aala ah kama imaanayaan waxa loo farxayo, laakiin su’aashu waa in loo barakiciyaa meelaha dul-duleelada ku jiro si jawaabo su’aaleysan loo helo. Rafaadku waa isku tago wuxuu millicsanayaa magacyo, kolkaa buu abuurayaa fal. Halkaa waxaan ka soo if-baxayo magac u taagan dhacdo dhan oo sidato waayaheeda. Ifafaallo isaguna waa magac isu tagay, isaguna wuxuu is dul taagayaa inu majaraha u qabto wax ummadi farxinayo isagoo ka duulayo ficilka uu sameynayo ama ummadi sameyneyso.

Maxay ku kala duwan yihiin labadaa umuurood?

1: rafaadka isku magacaabay inuu u taagan yahay magac kali ah laakiin garashadu kolkii loo beego inuu sito dhacdo weyn, isagu mar kastaa wuu dacwoodaa oo ruuxa waxaad arkeysaa oo leh waa dhibaateysanahay oo walmlaac iyo rafaad baa i haya ku leh jeero badan.

2: ifafaaluhu wuxuu isaguna sitaa magac loo xariiqay dhacdo weyn oo ummadi kasoo kabsadaan si ay u halbeegiyaan ilbaxnimo. Isagu wuxuu ku dacwoodaa in uu la’yahay wax uu shaqaaleysiiyo si keydka uu u hayo ugu firdhiyo dadka ama ummadda. Badi dadku uma tillaabsadaan jihada farxadda oo way ka wareegtaan oo waxay iskugu wacdiyaan in ay kala horreeyaan farxadda iyo rafaadka, waana xeelad aan loo beegin garasho. Fursad kastaahi waa in summad loo sameeyaa si fursadaasi aysan kuu gees-marin laakiin haddii fursadii ay soo dacwooto oo albaabka ay soo garaacdo laakiin aan laga furin dhibteeda ayey leedahay, ama laga bogan.

Wax kastaahi waa in loo il-furnaadaa oo wax kastaahi waad sameyn kartaa kaliya wax walina meel haku nisbeyn oo farxad meel baan ugu tagayaa ha oran, rafaadkana meel baan ugu tagayaa ha oran. Ogoow bini’aadamka wax kastaahi isaga baa gacmihiisa ku fala, marka abuur oo nolosha iyo aragtiyaheeda ama loo sees dhigay kaliya ha ku abtirsan ee la imow aragti kuu gaar ah oona kuu suura gelido waxa aad rabto ama aad faleydo.

Wabillaahi toowfiiq

W/Q: Jamaal Cabdinaasir

SHEEKOOYIN