I Arkaay I Arkaay i Qariyaa ka dambeysa W/Q Saciid Muuse (Ustaadka)

 

I Arkaay I Arkaay i QariyaaDanyeer

 

Waxuu ahaa Dirac magac ku leh bulshadii uu ku dhax noolaa, kuna caan baxay geesinimo iyo adadayg, taasi waxaa u dheeraa xoogga iyo kartida uu dhashay.

Bini,aadanka qaarkiis nimcada uu eebbe siiyo waxay ku siyaadisaa inuu isla weyn iyo Cantar ka qaaddo , ninkaa is mahdiyay si naba waa looga ammaan heli waayay, waxuuna ahaa mid maddal kasto ama shir kasto ka istaago oo intuu cod dheer ku qayliyo yiraahdo “Yaa illa lagdamaayo?” illayn waa ninkaa jeeniga weyn oo bannaanka yaalee, markii hoos loo wada jeedsado oo cid hawaysato la waayo,ayuu intuu booraxbooraxleeyo go,iisii garabka saartaa oo isaga dhaqaaqaa goobtaas. Waxayse ugu darnayd maalin uu dumaashidii Caasho xoolo ula arrooriyay laas eey beesha cabto.

Waxay ahayd xilli duhur ah, cirkana uu kicin ku jiro oo hoggo kaliileed la joogo, markuu laaskii xoolihii ka waraabsaday ayaa waxaa dul yimid xayn daanyeer ah oo aad u harraadsan una soo arrooray laaska, Daanyeertii harraadsanayd ayuu biyihii ka horjoogsaday waxuuna billaabay inuu dhardhaqasho iska galo, dhawr mar ayeey dumaashidiis ku tiri, War hebelow bahaa’inkan ha cabeene uga leexo” wuuse diiday oo intuu madaxa ruxay ayuu ku yiri, “Waa ka habartood” xayn kale oo daanyeer ah ayaa iyana soo biya doonatay, markii ey arkeen in laaska uu u diidan yahay ninkan xanniinyaha gubayo,ayeey daanyeertii shir dagdag ah qaateen, waxaa iska xulleen labaatan Muun oo uu midiba kan kale ka tab iyo xeelad badan yahay, waxaana loo soo ruqaansaday dhankiisii.

Dumaashidii oo wili halkeedii taagan, ayuu Horjoogihii ugu soo horreeyay muunkii daanyeer ee la soo xullay ayaa dhankiisa u soo laafyooday,”Aniga wey kan, Adiguna soo soco; hebel ood kibir ku ogaydna waa uu isu diyaariyay dirrirtaa, hirrigtii horreetaba waxey ninkii iyo daanyeerkii iskula boodeen cirkaa intii hawada la iskula maqnaa ayuu odagii is yiri, darro ku qabo, dhuunta ayaase qanniinyo lagala helay, xoogaa ilbiriqsiyo ah, goortii margaygiisa laga raaracay, ayaa loogu daray sabbaaxad, oo inta isagii dhamaa lala seexday ayaa dhanka buuran loo wilfiyay, labadii Muun oo kii hore dabajoogtay ayaa isku mar isu qabtay oo sey dharbaaxo ugu wadeen dhabandhaw ku ridey, waxuu dhar xirnaana waxey raaceen ciddiyahii daanyeerta, isagoo qaawan oo dhulka lagu rafinayo dhiiggana hawda hayo,Ayuu u qayshaday dumaashidiis “Caashaay birta, Caashaay birta” oo uu ula jeeday tooridiisii oo ku xirnayd suun uu iska furay markii uu xoolaha shubayay.

Maayadaaba dhaqaaqi kartay, halkaas baa ninkii lagu rafaadiyay naf go’i waaysana looga tagay, Daanyeertiina biyahoodi ayeey iska doonteen.Dumaashidii oo fiirin la’ rafaadka ninka qabsaday ayaa garbasaarkeedii dhuunta uga xirtay, halkiina ka soo rorojisay.

Isagoo edeb leh, oo sidii qof dhowr aqoolood wax cunin, meel fog ka hadlayo, ayuu dumaashidii ku yiri,” wax kasto oo xoolo ah sheego, laakiin ii ballanqaad inaadan i sheegin oo arrintan faafin” dumaashidiina weey oggolaatay ballan qaadkaas.

Ninki markuu jabadkii tagay ayaa la weydiiyay, dhaawacan xun ee ku yaalo halka uu ka soo gaaray, markaasuu yiri, “Raxan libaax ah oo xoollaha soo weerartay baan ka shabiyay, Shantoodiiba waan ka takhalusay anigana dhaawacan xun bay i soo gaarsiiyeen” maalmo dhawr ah ayaa loogu yeerayay “Shan dille” illayn ballan dumar meel ma gaaraysee waxaa dhawrkaa maalmood dabadood sheekadiisii fashilisay dumaashidii, sheegtayna waxii meesha ka dhacay, Maalintaa kadib cid walba waa uu u jabay, waxaana loogu yeeri jiray “Hebel Daanyeer” Maddal danbana kama istaagin.

I ARKA, I ARKA, I QARIYAA, KA DANBEYSO!

 

W/Q  Saciid Muuse  (Ustaadka)

SHEEKOOYIN