Iidsan iyo ayaamo suubban!

Iidsan iyo ayaamo suubban!

Guud ahaan bahda Hoyga Raadraaca Dhaqanka Iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee LAASHIN madax iyo maamulba waxay guud ahaan ummada Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo bahda aqriska iyo qalinka leennahay: “Iidsan iyo ayaamo suubban!”

Waxa ay bahda Laashin ugu hambalyeynaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta barkhadeed ee Ciid weynta CARRAFO. Waa maalin ku weyn bulshada islaamka ee carra-edeg ku nool isla markaana ay si guud ugu dabbaaldegaan una dammaashaadaan.

Bahda Laashin ayaa waxa ay idin leedahay; barkhad ku ciida, bashbash ku ciida, baraare ku ciida barrin kasta iyo beled kasta oo aad joogtaan.

Sidii aad hore nooga barateenna waxaan dhawaan baahin-doonnaa oo aan dib u daari doonnaa qoraalladii toolmoonaa ee Diinta, Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta aan ku hormari jirnay haddii Eebbe oggolaado. Haddii aad heyso qoraal bulshada waxtar u lehna waxaad nagu la soo wadaagi kartaa imeylka LAASHIN ee ah: laashin77@gmail.com

Maamulka LAASHIN wuxuu idin leeyahay: Iidsan iyo ayaamo suubban ku iida. Ciid wanaagsan.

SHEEKOOYIN