Iidsan oo suubban!

Iidsan oo suubban!

Maamulka, qorayaasha, shaqaalaha iyo dhamaan howl-wadeennada mareegta iyo madbacadda LAASHIN waxay hambalyo ku aaddan Ciiddul-Adxada u dirayaan dhammaan shacabweynaha islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaan gugaan dhammaadka ah ee 20-ka maalin ay ka dhiman tahay Eebbe uga baryeynaa bulshada Soomaaliyeed inuu nabad ugu dhameeyo midka dhalan-doonana uu barwaaqo iyo baraare ula kowsado, ciiddaan teedana kalena Eebbe nagu wada simo, annaga oo nabad ah. Sannadkaan iyo sannaddo kale oo badanna waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajaynaynaa inay ku gaaraan fayoobi iyo falsamaan, dhibka guudna ay uga raystaan.

Maamulka iyo guud ahaan bahda mareegta iyo madbacadda LAASHIN waxay dharaaraha ciidda Arrafo (Ciiddul-adxada) ee sannadka 1443/H kuna beegan; 9-7-2022 farxadda iyo reyn-reynta la wadaagayaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Bahda LAASHIN waxay idin leedahay; bash-bash, barwaaqo iyo baraare ku ciida.

Ciid wanaagsan! (Ciiddul-Adxa)

SHEEKOOYIN