Illintii macaanayd! W/Q Farax Sakhaawe

13582291_1750546341888894_862751974_o

Illintii macaanayd!

Waa galab jimco ah. Jawiga wuxa uu ahaa saansaan roobaad, laakiin ma da´aynin roob sidaa u sii weyn. Waxaa dhacaysay leyr aad u macaan oo saxan saxo udgoon leh isla markaana ay la socotay dhibco yar yar oo roob ah, kuwaas oo ahaa kuwo markey kugu soo hooraan lagu aad xasilooni dareemayso. Waa goor Casar liiq a ah oo ma jirin wax cadceed ah, cirkuna waxa uu lahaa ceeryaamo iyo darruuro hoosiis oo ay indhuhu ku doogsanayaan . Jawi qof walba oo markaas joogay negaadi iyo nayaayir dareemayo ayuu ahaa. Waxaa go´aansaday, in aan aado xaafadda saaxiibtay oo dagnayd waddada Dabka. Kolkii aan soo labbistay ayaan u soo baxay bannaanka, oo ay neecaaw macaan ka dhacayso neecawdaas hoohadka ayaa ka imaneysay dhinaca badweynta hindiya ee ku xeeran gobolka banaadir.

Waxaan imid isgoyska Afarta Jardiino oo aan cabbaar ku sugayay gaarigii i gayn lahaa xaafadda ay saaxiibtay deggantahay. Goortii ay i dhaafeen baabuur aad u badan misna aan boos ka bannaanayn, ayuu markii dambe ii istaagay gaari buuxay kaas oo uu caawiyaha gaarigu ii sheegay, in uu boos bannaanyahay balse ay beentiis ahayd. Isaga waxaa u dan ahayd lacagta uu qaadanayo sidaas darteed ayaan kula murmay, in uu iga leexdo oo aan raacayn gaariga. Wiil ka mid ah dadkii baabuurka saarnaa ayaa maqlay dooddeenna ka dibna iiga istaagay booskiisa. Markii hore waxaan u haystay in uu wiilku yimid halkii uu ku hari lahaa, laakiin goor dambe ayaan ogaaday in uu ii hiilinayo. Cabbaar markii uu socday baabuurka ayay dagatay islaan agtayda fadhiday booskii ay ka kacdayna u tilmaamay yarkii taagnaa. Waxaan soo xasuustay in aan uga mahad naqin wanaaggii uu ii sameeyay, kolkaas ayaan u mahadceliyay. Sheeko ayaa labadeennii inoo billaabatay, is barasho dabadeedna waxa aan kala qaadannay nambarrada.

Wiil furfuran oo aan aad ula dhacay muuqiisa ayuu ahaa. Nin joog leh oo qaabdhismeedkiisa iyo hubqaadkiisuba qurxoonaayeen, wuxuu lahaa fool soo jiidasho leh oo ilqabatin leh, midabkiisu ma madoobeyn mana caddeyn wuxuu ahaa maariin, waxaana u jarnaa timihiisa qaab aad u qurxoon iyo gar yar oo wareegsan, ilkihii cadcaddaa ee uu iigu dhoolla caddaynayay ayaan aad ugu ashqaraaray. Waxaa kale oo aad iisoo jiidatay uduga dhankiisa ka soo baxayay oo aad ii saaqday. Intii aan joogay xaafadda saaxiibtay oo dhan isaga ayay maskaxdaydu ku fekeraysay. Saacad ka dib ayaan ka soo tagay saaxiibtay, oo aan imid xaafaddeyda. La kulankii wiilka iyo jawigii galabtaba waxa uu igu noqday mid lama illaabaan ah. Marba waxa aan fiiriyaa nambarka wiilkii tolmoonaa, oo ay wax igu leeyihiin wac haddana waan hamradaa oo kuma dhiirrado. Aniga oo sidaa uga labalabaynayo ayaa la gaaray salaadda Cisho. Qolka ayaan ka soo baxay si aan u tukado, dhowr daqiiqo ka dib ayaan dib ugu soo laabtay qolkayga oo uu ka dhex dhacayo taleefankayga. Kolkii aan fiiriyay lambarka i soo wacay waxa uu ahaa Maxamad. Wiilkii aan galabta isa soo barannay.Waxaan ku farxay wicitaankiisa, balse waan awoodi waayay in aan ka warceliyo taleefanka. Ma ogi waxa sababay. Waxaa i qaboobay labada gacmood oo aan ka jareeyay. Wuu is jaray taleefankii, haddana mar kale ayuu igu soo celiyay. Intaan geesinimo is ka baaray ayaan ka qabtay, is xaal wareysi iyo kaftan gaaban ka dib waxa uu iiga war bixiyay xaaladdiisa waxbarsho. Dhawaan ayuu ii sheegay in uu dhammeeyay dugsiga sarre, oo uu hadda rejeynayo in uu jaamacad billaabo. Sidoo kale ayaan aniguna u sheegay in uu ii dhammaaday dugsigii sarre, ka dibna si kaftan ah u waydiiyay sida uu u arko in aan hal jaamacad is la billowno.

Muddo baan si caadi oo walaaltinnimo ah u wada soconnay, laakin labadeennuba waan dareensanayn in aan is ka helnay. Galab galbaha ka mida ayuu iga codsaday in uu yimaado xaafaddeyda, waan ka oggolaaday sidii ayaana mar kale fool ka fool u kulannay. Balse, kulankani wax badan ayuu kaga duwanaa kii hore, waxa uu galabtaas ii sheegay in uu iga helay uuna i jeclaaday, laakiin xishood aawadiis kamaan jawaab celin. Hubaal, in aan qalbiga ka lahaa ´´Aniguba waan kaa helay´´, balse dibnaha xishood baa dabray oo ma dhihi karin. Waxa uu ahaa qof caqli badan, i fahma lagana dareemi karo qiimaha aan agtiisa ku yeeshay, sidaa darteed waxa uu igu yiri maaha muhiim in aad durbo jawaab i siiso isaga oo igula taliyay, in aan qaato waqti aan ku soo fekero.

Maalmo ka dib waan sii jeclaaday yarkii oo si rasmi ah ayaan uga aqbalay xiriirkiisii jaceyl. Waxaa noqonnay labo si dhab ah isku jecel oo is daryeela. Waxa aan qorsheysannay in aan hal jaamacad wada billoowno, aabbihiis ayuu ka codsaday in uu geeyo jaamacadda Muqdisho ka dibna waa uu igu soo war geliyay. Hooyaday oo ila rabtay jaamacad kale ayaan ka codsaday in aan galo jamacadda Muqdisho, iyadun waa ay iga oggolaatay. Markii ay soo dhawaatay in aan soo shubo lacagtii jaamacadda ayuu aabbahay la yimid qorshe aanan la socon. Waxa uu aniga iyo hooyaba noo sheegay in aan aadayo jaamadda dibadda ah, oo uu ii soo diyaariyay fiisaha. Hooyo waa ay ku faraxday dadaalka aabbe, balse aniga oo qalbiga ku haayo go´aankii aan Maxamad is la gaarnay ayaanan jaclaysan. Waxa aan aabbe u sheegay in aan jaamacad dalka ah rabo isaguna waxa uu ii sheegay, in arrintan uu kadis iiga dhigayay wax walbana uu soo diyaariyay.

Maxamad ayaan wacay oo aan ka codsaday in uu xaafadda iigu yimaado beri galab. Waxaa igu dheeraday inta uu waagu baryayo oo aan isagana u sheegi lahaa hadalka ka soo baxay reerkeyga. In aan Maxamad ka fogaado aad ayay iigu adkayd waayo waxa aan noqonnay labo qof oo aad is ku jecel. Xilligii uu iman lahaa ayaa la gaaray. Wuu isoo wacay si aan albaabka uga furo ka dibna u tilmaamay in uu fadhiga u sii gudbo. Hadalba waxa uu ku billaabay in aragtidayda ku faraxsan yahay, laba kala barisay kala war la´ee, hadalka aan u sheegi doono ayuusan ogayn. Is bariidin ka dib aniga oo ka xun hadalka aan dhihi doono balse aan ku qasabanahay ayaan u sheegay, si aad ah ayuu uga naxay isla markaana sara joogsaday. Istaaggiisa ayaan ka naxay iyo sida uu cabbaar u aamusnaa oo uusan iigu jawaabin. Dhowr daqiiqo kolkii uu taagnaa oo aan anna eegayay ayuu mar qura jilba dhigtay agtayda ka dib i yiri ´´Wax ma kaa codsan karaa´´, aniga oo ka yaabban waxa uu soo wado ayaan ka oggolaaday. Waxa uu ahaa dalab igu celiyay hadalka, oo aan garan waayay sidii aan uga warcelin lahaa. Guur ayuu Maxamad iga dalbaday! Markii uu arkay in aan hadlaynin ayuu is kaga laabtay booskiisa anna meeshaydii ku haray. Waxa ay inoo ahayd maalin murugo leh, midkeen ma uusan garanay wax uu dhaho waxa aana kala tagnay innaga oo sidaa u kala aamusan.

Farxaddii hore ayaa meesha ka baxday sidii uu u soo kordhay arrinkan bixitaanka ah. Feker iyo niyad jab ayaan daris la noqonnay. Anigu waxa aan ahay qof jawaab laga sugaayo, balse aan garanayn qaabkii uu ku jawaabi lahaa. Hubaal, in aan isaga jeclahay, balse, qorshaha iiguma jirin, in aan xilligan guursado isagana waxaa guurka ku dhaliyay cabsi uu ka qabo in uu i waayo.

Dhowr maalmood ka dib waxaa soo dhawaaday safarkaygii walina wax jawaab ma siinin isaga, balse waa uu dareensan yahay in aan garan la´ahay wax aan dhaho. Ma rabin in aan ka hor imaado go´aanka reerkayga ee waxbarashada la iigu diraayo guurna diyaar uma ahayn. Xaalkaygu waa laba daran mid dodo, iyada oo ay labo maalin ka harsan tahay safarkayga ayaan wacay, oo aan u sheegay in aan dhawaan dhoofayo walina aan jawaab uga hayn codsigiisa. Waxa uu ka laabtay codsigiisii hore ka dibna iga dalbaday, in aan xiriirkeenna xoojinno oo aan isla galno ballan adag. Halkaas ayuu midkeenba mid ka kale ugu ballan qaaday, in aan adkaynaynoo axdiga ilaa iyo inta ay inoo dhammaanayso jaamacadda.

Waxaa la gaaray subaxii aan u soo bixi lahaa dalka Maleysiya oo ahaa halkii ay reerkeygu ila rabeen in aan jaamacad u aado. Dadka ii raacay garoonka waxaa ka mid ahaa Maxamed waxaana hal hal laabta u galiyay walaaladey iyo asxaabteydii i sii sagootinaayay. Intaas ka dib ayay indhaheygu qabteen isaga oo si naxariis leh ii eegayo, oo ey ka muuqato sida uu uga xun yahay in aan ka ag dheeraado. Waxaan soo aaday xaggiisa oo aan ku iri niyadda kheyr u sheeg, sidii iyo si ka wanaagsanba waan kuu jeclaan doonaa. Cod aad ii qiira galiyay ayuu ku yiri ´´Ii ilaali naftaada waa nafteydee. Waana ku jeclaan doonaa inta aan noolahay´´. Waxaa la gaaray waqtigii aan xaroon lahaa dhankii diyaaradda ayaana u soo dhaqaajiyay. Dhowr tallaabo markii aan soo qaaday ayaan dib u eegay iyaga oo gacmaha ii ruxaya iguna leh nabadeey, waxaan sii jalleecay Maxamed oo ii nuux nuuxinayay faraha fooddooda oo aad mooddo in uu sii taac dhigayo. Waxaan ka soo jeestay anoo ka xun xaaladda uu ku suganyahay. Inti aan dhex soo ahaa oo dhan waxaa ii soo sawirmaayay waqtigii wacnaa ee aan soo wada qaaddannay.

Xilli habeen ah ayaan ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Malaysiya gaar ahaan caasimadda dalkaas ee “Kuala lumpur” Waxaa halkaas igu sii sugaayay reer uu aabbe la dardaarmay isla markaana uu ka dalbaday in ay igu simaan gobolka ay ku taallo jamaacadda aan billaabi doono. Muddo toddobaad ku dhaw oo aan ku mashquulsanaa is ka diiwaangelintaa jaamacadda waxaa la ii sheegay xilligii aan toos u billaabi lahaa. Dhallinyaro soomaali ah oo dhex deggan jaamacadda ayaan la degay. Waxaa igu adkaaday ku noolaanshaha halkan aan imid. Waxaan dareemayey cidlo. Waa markii iigu horeysay ee aan ka soo dheeraado reerkeyga. Ka soo fogaanshaha ehelkeyga waxaa ii dheeraa jaceylkii aan u soo qaaday Maxamed oo aan marnaba ka go´in laabteyda. Waloow aan dalal ka fog joogno haddana sidii iyo si ka ballaaran ayaan is ku jeclaannay is kana war haynaa. Wuxuu sanad idlaado oo uu mid kale dhashaba waxaa si isku mid ah u soo dhawaaday xiligii aan dhammeyn laheyn waxbarashadeenna. Maxamad oo dalkii ku dhammeenayo iyo aniga oo Malaysiya ku gabagabaynayo xafladdeydii qalin jebinta ayaana wada sugaynaa. Mar kale ayuu codsi guur iila yimid waana ka aqbalay laakiin waxaa aan ka codsaday in uu innooga dhigo marka aan isu imaanno wuxuu ii sheegay in uu doonayo anoo xaaskiisa ah in aan ku laabto Soomaaliya oo aheyd riyadiisa waana ku raacay.

Maalmo ka dib waxa uu ila soo socodsiiyay in reerkiisu ay i soo doonayaan. Aabahay oo aan ku wargeliyay arrinkaa ayaa aad u soo dhaweeyay kuna farxay. Labo reer ayaa midoobaya oo ay is barashana u biillaabanaysaa. Waxaa la go´aamiyay in maalinta jimcaha ah uu dhici doono meherkeenna. Waxa ay ahayd maalin maalmaaha iiga duwan oo aan dhowrayay in muddo ah. Safarkii aan dib ugu laaban lahaa Soomaaliya ayaan billaabay in aan u diyaar garoobo. Toddobaad ka dib meherkeennii ayaan goostay tigidkayga balse ma sugi karin ilaa iyo inta laga gaarayo xilliga bixitaanka.

Waxaan dareensanaadaba in uu waqtigu guurguuranayo waxaa la gaaray maalintii tilmaansaneyd ee aan u soo duulayay Soomaaliya. Labbisyadii ii yaallay ayaan billaabay in aan marba mid is ku fiiriyo, ugu dambayn waxaan u soo labbistay sidii caruusad oo kale si aad ahna waan is ku soo qurxiyay. Dhar wada gaduud ah oo aan jeclaa ayaan xirtay, qurux darteed aniga ayaa isgaran waayay.

Waxaa i sii caawinaysay faraxadda saaqsan jirkeyga oo aheyd mid wajigaygii u yeeshay dhoolla caddayn badan. Dhankii garoonka diyaaradaha ayaan u soo dhaqaaqay. Waqti badan ayaan ka soo hormaray xilligii ay diyaaraddaydu iman lahayd, garoonka dhexdiisa ayaan ku noqnoqdaa sidii qof aan lahayn dulqaad uu wax ku sugto. Guuxii diyaaradda ayaa ku soo dhacay dhagahayga goortii aan hubsaday in ay taydii tahay ayaan u dagdagay safka baaritaanka. Waxaan dhibsaday dadka tirada badan ee hore iyo gadaal iga taagan, waxaan rejeeyay in aan helo awood aan ku dhex jiiro. Ugu dambayn waxaan salka ku hubsaday booskii aan diyaaradda ku lahaa. Dubaay oo ahayd halkii aan kaga baddalanayay diyaaraddii Xamar i keeni lahayd ayaan saacad ku hakadey. Tiro aan xisaabi karin ayaan saacad gudaheed ku laalaabtay suuliga, si aan labbiskayga u saxo barfuunna is marinayay.

Waxaa soo caga dhigatay diyaaraddii aan sugaayay. Dhowrkii saacaddood ee u dhexaysay Dubaay ilaa iyo Soomaaliya ayaa wax walba iigala tira badnaa. Hiloow aad u ballaaran ayaa laabtaydii saaqay. Waxaan ku kalsoonaan waayay diyaaradda oo haddii aan baalal lahaan lahaa waxaan door bidi lahaa in aan duulo. Waxaa igu soo dhacdey heestii fannaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc:

  • Haddaad baadad leeyahay
  • Berri saw ma duuleen
  • Haddaad baaxad leeyahay
  • Badda saw ma jiidheen
  • Sow boqorkii caashaqada
  • Bartii uu ku noolaa
  • Kuma waabariisteen.

Waxaan sidaa u dhararsanaadaba ayaan ku baraarugay in aan soo caga dhigan rabno garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Waxaan imid halkii aan ku taamayay ee aan dhowrka sano ka maqnaa. Waxaan isu diyaariyay in aan u dhaqaaqo dhinacii looga dagaayay diyaaradda. Waxaan soo galay hoolka dadka lagu sugo aniga oo ka dhex raadinaya Maxamad, oo halkaa igu sugaayay. Wiilkii aan muddada badan kala maqnayn misna aan axdiga la galay. Indhahaygii oo isaga maahee cid kale aan raadinayn ayaa sheedda ka arkay isaga oo ii dhoolla caddeenaya. Aniga oo xaggiisa u boobsiinayo tallaabada ayay maskaxdaydu soo daadisay xusuus ku saabsan tan iyo maalintii aan is barannay. Balse waxaas oo dhan waa ay ka duwan yihiin maanta. Xilligaas waxa aan ahayn dad xiriir uu ka dhexeeyo ballana dhigtay, maantase waxa aan nahay labo ka dhabaysay ballankoodii oo is qaba. Xaggayga ayuu u soo saan boobsiiyay anna waxaan sii dheereeyay tallaabada. Si ay ku dheehantahay hilow jacayl, xiiso iyo boholyoow laabteyda degay ayaan hab isu siinnay. Qiiro farxadeed ayaa labadeenniiba nagu dul hoortay. Indhaheennii ayaa ilmo soo daadiyay. Midkeenba mid kale ayuu si xoog badan badan ugu dhegganyahay, in uu isagu i hor daayo ayaan sugayaa isagana sidoo kale. Ilintii ka hoortay indhagayga waxa ay xariiqmo u yeelaan shaarkiisa. Waxa ay ahayd ilin macaan oo aan ku raaxaysannay in ay naga timaaddo.

WQ: Farax Sakhaawe.

SHEEKOOYIN