INTEE NALOON WADAA? W/Q:- Abdulle Abdi kariim (Abka)

INTEE NALOON WADAA?


Waxaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan fajac ku noqotay wax aan ab iyo isir u laheyn, sida kufsi wadareed carruur loo geysanaayo, meyd la gubaayo, guryo la gubaayo beer la gubaayo, wadaad tuug ah  arday is qarxinaayo  waaba yaabbanahay ee INTEE NA LOON WADAA?. Intaas waxaa noo dheer Soomaali NGOleey ah oo dhiigga ummadda nuugeyso, ajaaniib waddanka duullaan ku ah oo aan heybtooda la aqoon uu hurmuud u yahay ruux soomaali ah si kasta ha ugu adeegee, ha ahaado ganacsade siyaasi, oday dhaqameed isku sheege wadaad u eke HALAAGGIYO DHIBKII DHACAY LOOMA KALA HARIN ee intee naloon wadaa?


Haddaba dib aan u yara noqonno  burburkii dowladdii kacaanka 1990 kii kaligeed ma burburin xataa dadnimadii waa burburtay. Ilihii dhaqaalaha kaabayaashii caafimaadka iyo meel walba  waa ay burbureen. HALAAGGII IYO DHIB WIXII DHACAY LOOMA KALA HARIN dad , duunyo duggaag. Nin Cali dheere la yiraa oo beri aan reer Yaman is laheyn ayaa furaha i siiyay meesha ay iska qaban la’dahay ee aan idinka la wadaago oo diiradda saaro halkaas. Waxa uu yiri: haddaad aragto nin qori AK47 wato oo aamusan wuxuu arko dilo aan weyso u dhowrneyn waa laba mid, mid kasoo fakaday isbitaalka waallida iyo mid ciil ku kor ahaa oo aarsi doon ah, labadaba ma yaqaannaan sababta ay wax u dilaayaan kan ciil ku kor ka ah waxaa laga yaabaa in la yasi jiray ama ciyaalka xaafaddu ay baad ka qaadi jireen. Waxaa meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbeyntii waa la isku dhex walaaqan yahay. Waxaa kaloo meesha ka baxay wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda warfaafinta iyo hanuuninta daweynaha labadaas wasaaradood waxa ay ahaayeen labada wasaarad ee u xil saaran fayo dhowrka bulshada.


Dayicii meeshaas ka dhashay waxa uu sababay in ummaddii Soomaaliyeed ay noqdaan “pay as you go” si kale aan u dhigo ku shubo oo ka shubo. Dadkii u baahnaa in ayaga la dabiibo caafimaad ahaan oo qaar garbaha loo guduudshay (garaaddo) qoryana loo dhiibay waxaad ka filataa waa in uu ku dilo carruurtana kaa kufsado kugu falo wax walba illeyn ruux fayoow maaha kan xakumaana ma dhaamo waa qacda dhaqanta oo hunguriga labo taako yahay. Kaaga darane qaarna madax ayey kuu noqdeen  ayaga oo xoog isku doortay iyo laaluush,  waxaad ka filataa waa inuu hooyadiis kufsado meydkeedana gubo, wax weyn kuma ah illeyn ruux fayoow ma ahan ee ma dad kale ayuu u naxayaa? wa maya! Aan kaa dhax galo warka su’aalna ku weydiiyo qofka madaxda kuu noqonaayo MAXAA LAGU DOORTAA? jawaabtana iga hoo kuna dar intaan ka tegay:

  • Waa inuu caafimaad qabo.
  • Diin leeyahay.
  • Danbina hore uga galin Dalka iyo Dadka.
  • Inuusan arag xummeyn.
  • Waddani inuu yahay.
  • Karti inuu leeyahay.
  • Codkar inuu yahay iyo qaar kaloo badan.


Marka inta aan ku mashquulin  ma liibaanayaasha aan lagu liibaanin ee falalka argagixisada ah sameynaayo aan is weydiinno sababta ka danbeysa. Aniga ahaan waxaan qabaa haddii qodobbada soo socdo lagu baraarugo in dhibku uu hakan lahaa. Sababtoo ah fal walbo oo la sammeeyo dhallinyaro ayaa ka danbeysa oo awooddooda la adeegsadaa. Aan diiradda saarno afar waxyaalood oo muhiim ah.

  • Manhajka waxbarashada.
  • Wacyi galinta bulshada.
  • Abuurista shaqooyinka.
  • Fayo dhowrka noolaha.


Waxbarashadu waa muhiim in aqoonta la kobciyo maaddi iyo diinba, balse, nin fikirkiisu ku saleysan yahay dil dhac iyo gaaleysiin hadduu koox koox meel ugu ooto kuna hana qaadaan howshaas waa ay soconeysaa. Dhallintu in ay shaqo la’aan ahaadaan  asagoon is ogeyn ayuu qowleysatada u galayaa  kol haddii uu caadeysto dilka, dhaca iyo kufsiga. Waxa uu ku sugan yahay baadi cad mana sahlano inuu saaxiga keeno oo waxa uu u baahan yahay meel lagu daaweeyo iyo wacyi galin dheeraad ah. Eeg afartaan aan kor ku xusay waa isku xiran yihiin waa difaaca bulsho la rabo inay jirto oo jiilba jiilka kale u gudbiyo wanaag nabad xasillooni caddaalad sinnaan, isku soo duub intaba diinta ayaa na fareysaa. Haddaba aqristoow waxaa nala gudboon qof walba meeshuu joogo inuu sharafka iyo karaamada Soomaaliyeed ilaaliyo ka noqdo wixii qaldan wadajirna looga hor tago xummaha.

 
W/Q: Abdulle Abdi kariim (Abka)

SHEEKOOYIN