Isbedeladi la soo maray W/Q. Ahmed Hayow

 

quotescover-JPG-63

Xadaarada Hogaamiye Kooxeedyada, waxay keentay dagaalo baahsan oo aan joogsi iyo jaho laheyn oo la kala garan waayay maxaad u dhimaneysaa! yaadse u dhimaneysaa?! waayoo wuxuu ahaa dagaal intuu Laf soo dhaafay oo Jilib soo dhaafay oo Jifo soo dhaafay Qoys hoose soo gaaray, dagaalkaas oo qofka aad magaca afaraad wadaagtaan ay suurtagal tahay inaad maalin isku jihaadaan, badbaadadi naftu waxay ku soo ururtay inaad bugcad yar ku badbaadi karto, waayoo halki ugaarta laga ugaarsan jiray waxaa bedeshay in dadka laga ugaarto, wuxuu qofku u dhimanaayay magaciisa iyo sababta uu reer kale uga dhashay, asagoo aan awood u leheyn inuu doorto qabiilka uu ka dhalanaayo, ayaa wuxuu u dhimanaayay muxuu Ilaaheey kaaga dhaliyay reerka aan dagaalsan nahay, noloshi oo dhan waxay ku soo aruurtay in yool lagu jiro oo aad xaafadaha qaarkood tigi karin, isbadelkaan wuxuu noqday isbedel kala qoqobnaan ah, wuxuuna noqday mid uu saaxiibkaa ku badbaadin karin, waxaa si fiican loo bartay reerka ilaa jifada hoose si loogu badbaado markay ku weydiiyaan mooryaanta xaafadda, haddii kale waxaad ku khasbantahay inaad baratid reerka saaxiibka aad la joogto si aad mooryaantooda uga nabad gashid, haddii aadan ka dhalan kuwa UN loo bixiyay oo meel kasta ku badbaada, inkastoo waxa ay wataan laga dhoco.

Calankii Buluuga ahaa oo Xidigta lahaa waa la iloobay, xafiis dowlad warkii haba sheegin, waxaa lagalay marxalad aad moodeeysid in dowlad la’aan la noolaankaro oo aan loo baahneyn, waa xadaaradii Stone age oo kale, waayoo Hogaame kooxeedyadu waxay gar isku siiyeen inay reerka difaacaan, kana difaacaan inay dhisanto dowlad loo dhan yahay, hogaamiyeyaashu waxay heleen kalsooni aanay cidna weydiisan, cidna kala tashan mustaqbalkooda iyo mustaqbalka dalka Hooyo, waayoo qofka aan raali ka aheyn khadka cagaaran ma gudbi karo, meel uu ka aadana mayaqaan, sidaa daraadeed waxaa lagu khasbanaaday in daladaas hogaamiyaha lagu hoos jiro, haddii aad isaga tagtana waa inaad xiro qaxooti iska xaadirisaa oo aad ku sabartaa waxay UNHCR ku siiyaan iyo xoogaaga ay kuu soo diraan kuwa dibadaha ceyrta ku qaata, haddii aad rajo Sponsorship suge tahay ama aad ka raja qabto inuu UN ku qaadaayo oo aad kaar qaxooti leedahay, dadkaas waxay farxad u billaabataa marka magacooda la soo dhejiyo oo dhoof loo diyaariyo, oo ay ogaadaan inay ceyr ku qaadan doonaan wadamada reer galbeedka, taasina waxay noqotay mid ay ummadi qaranka laheyd ay dalkoodi uga haajiraan, gar ayayna u yeesheen inay qaxootinimo bad iyo beriba ugu tahriibaan, magaaladi ay tagaanna waxay kala kulmaan iska nasiibsadaan, dadka qaarkood meeshi ay tageen waxay ku noqotay kud ka qax oo qanje u guur, haddii aan baddu qaadin ama beriga aanu bahal ku cunin.

Wuxuu dhaqan gadoon ku dhacay qeybihii Bulshadu ka koobneyd oo dhan,haddii oday dhaqameed lagu ogaa inuu geed iyo gar u joog ahaa, wuxuu Isubedelay inuu cimaamad warfiyo oo Hogaamiye Kooxeedka u soo aruuriyo wiilal ay dabka ku shidtaan,haddaba maxaad ka filan kartaa ubixi dalka u soo baxaayay oo laga rabay inay wax u bartaan, haddii ratiga yar uu kan weyn saanqaadkiisa yeesho, waxaad ka filan karto ayaa ah waxa midka weyn uu noqdo, dhalinyarada qaarkood waxayba u qaateen in shaqada lasheegaayo ayba tahay tan Aabe ku soo koriyay oo ah intuu subixii Qori qaato inuu Isbaaro u shaqatago.

Meerto nololeedki waxay ku soo koobantay bililiqo, isbaaro ama xoogaaga xawaaladaha ay soo dhigaan qurbo joogta, kuwaas oo noqday miftaaxi nolosha, qoyski qof u maqanyahayna ay biilka heli karaan, biilkaas oo laga soo qoondeeyay lacagti Ceyrta loo qaadanaayay, waloow ay jiraan kuwo la soo shaqeeyay oo lagu soo xakaaray.

Ciidamadeeni Qalabka siday oo dareyska gashanaa, waxaa bedelay kuwo waxay doonaan gashan oo qoryahoodu amaanka u furan yahay, meelkasta oo aad ka fiiriso howlmaalmeedki bulshada waxaa ku dhacay jahawareer, dhismayaashi dowladda waxay isurogeen degaan ladegan yahay.

 

La soco qeybta…..4aad.

 

 

SHEEKOOYIN