Isdhexgal mise Is dhallanrog. (Integration mase Assimilation)

                 Isdhexgal mise Is dhallanrog.

  quotescover-JPG-16

 

Isdhexgal mise Is dhallanrog.

(Integration or Assimilation)

 

 

Masiibooyinka ugu waaweyn ee ummad ku dhaca waxaa ka mida inay ka firxadaan dhulkii uu EEBBE ku abuuray, gabbaadna ka doontaan dad ayan diin, dhaqan iyo hidde toona wadaagin. Dadka soomaalida ah ee qurbaha usoo megen-gelyo doontay siiba galbeedka, markii ay dhulalkan cagaha soo dhigeen, waxay soo dhex galeen badweyn u baahan si xikmadi ku jirto in looga dabbaasho, dadka aanu martida u noqonnay inta badan wax walba oo aadanaha ka dhaxeyn karay waanu ku kala duwannahay sida midabka, dhaqanka, diinta, dhar-xirashada iyo xataa cuntada.

Kala duwanaansho kasta oo jiray, waxay inoo muujiyeen soo dhaweyn, noona fureen irdihii aanu waddankaan cusub uga mid noqon lahayn. Shaqo ama waxbarasho kaad oontaad u madax bannaan tahay walow caqabado iyo midab kala sooc iska jiro, haddana nin iyo kartidii. Dadyowgan aanu martida u noqonnay naguma aanay qasbin inaan dhaqankooda iyo diintooda qaaddanno, xod-xodase waa iska jirtaa iyo indho-sarcaad dadka qaarkii jaraha mar horeba ka riday.

Sida caadada ah waddamadaan waxaa ka jira barnaamijyo loogu tala galay soo-galootiga cusub in lagu baro hab-dhaqanka wadanka, waxa u bannaan iyo waxa aan u bannaaneyn, waxuu xaq u leeyahay iyo waxa waajibka loogu leeyahay, xornimada qofka iyo doorashooyinka shaqsiyadeed ee u gaarka ah (sida guurka, kala tagga, diin baddalashada iwm), qaabka caddaaladda loogu kala baxo, wadada waxbarashada heerarkeeda hoose, dhexe iyo sareba loo maro iwm. Halkaa waxaa ka muuqatay fursad uu maangaabku u qaatay in haddii uu halkaan yimid uu yahay xarig lama sitaan, una bannaan yihiin wixii uu doono inuu walaaqo, isagoo hal-heys ka dhigtay wadanka la qabso oo xorriyadda lagu siiyay dhaqan geli.

Bulshadeennii qurbaha u soo hayaantay inteedii maan-gaabka ahayd waxaa isaga darsamay laba eray oo qalaad oo lakala yiraahdo INTEGRATION & ASSIMILATION ama (ISDHEXGAL AMA IS DHALLANROG) Erayga hore waa is dhex-galka bulshada sida in qofku luuqadda wadDanka barto, shaqaysto, qaabka waddanka looga dhaqmo tix-geliyo, shuruucda waddanka u hoggaansanaado iwm, laakiin macnaheedu maahan in lagu qasbay inuu tiisii ka tago, qofku waa samayn karaa inuu waddanka la qabsado isagoo ku faanaya haystana asluubtii iyo dhaqankii uu la yimid sida diintiisa, dhar-xirashadiisa, luuqaddiisa iwm. Erayga labaad waa midka ay maangaabku ku hoobteen, waxay u qaateen haddii ay halkaan yimaadeen in ay qasab tahay in la dhar yareysto, khamriga la cabo, la tamashleeyo, diinta iyo xishoodka laga dheeraado.

Waxaa jira, Bahalyar oo adduunka oo dhan ka caan ah, waxaana la yiraahdaa” JIRJIROOLE” jirjiroolaha waxaa uu caan ku yahay, inuu hadba geedka ama meesha uu joogo midabkeeda yeesho, tani waa awood isaga alle siiyey iyo hibbo u gaar ah, balse qofka bani aadmiga ah, waa ku ceeb inuu is daadraaciyo oo ka guuro, wuxuu ab iyo isir ka soo jeeday, qofka Dhaqankiisa, Hiddihiisa, Afkiisa, Cuntadiisa iyo Hab nololeedkiisu waa mid u gaar ah, dadka adduunka jooga waddan walba dhammaantood isuma eka, haddana awoodda illaahay waxaa loo kala duway, muuqaalka shaqsiga ah iyo maankaba.

 

Haddaba haddii aysan dadku labada walaal ahi, ka mideysnay, cugashada iyo jamashada midabyada dharka ay xidhaan, sideebaa laba quruumood oo kala duwani isugu badhxami karaan?

Is dhexgalka waxaad ka heli kartaa, aqoon cilmiyeed ballaaran, sida oggaanshaha, habdhaqanka bulsheed ee dadkaas, qaabka ay u dhaqmaan, u macaamilaan, qaabka ay u xaliyaan khilaafaadkooda, qaabka ay u fulliyaan qawaaniintooda iyo ballama ay galaan, daacadnimadooda, naxariistooda, dadnimadooda, xaqdhawrkooda, martisoorkooda.

Way fiicantahay inaad wax wanaagsan ee aan dhaqankaagii horre iyo diintaada wax u dhimay ka barato, balse maaha waajib inaad is dhalangedido, oo aan muuqaalkooda iyo socodkooda yeelato,

Lebiska ama hu’ xidhashadu waa tilmaan aad kaga sooci karto qofka kale, bal eeg hareerahaaga waxaa dhacaya, waddamada aasiyaanku intooda badan waxay geed dheer iyo mid gaaban u koraan si aan habdhaqankooda bulsho ugu milmin kan dadka ay u yimaadeen, waana tan sababta, nin hindiya oo awoowgiisii shanaad Galbeedka ku dhashay inuu Afkiisana si fiican ugu hadlo, leeyahayna dukaan ama maqaayad cuntooyinkooda lagu iibiyo.

Wuxuu yiri Hal abuur Cabdiraxiin Hilowle Gabaygiisa Dhallanrog maruu kaga hadlayey, habdhaqanka bulsheed ee Soomaa

  1. Dherigaan dhardhaaradu sineyn, Dhinac usoo ciirye
  2. Dhaqankaan dadkuna dhawraneyn, Dhimayey maantaase
  3. Dhabaabacada orodkaan la dhimin, Dhaawac waw halise
  4. Dhidibada dhiskaan loo adkayn, Waa dhacaa abide
  5. Dhalanteedka ruux aaminaa, dib ugu Dhaanteeye
  6. Dhadhamada adduun waa markaad, Dheefsataa samo e
  7. Dhunkaal iyo dharkayn lagama helo, dheregyo iidaane
  8. Dhiradhabato weeyaan dadyahaw, Dhaqan shisheeyaade.
  9. Dharka iyo hugaaga naflaha, lagu dhex maaxaaye
  10. Dhawaqiyo afkaaga dhigaal, lagu dhiteystaaye
  11. Dhaqaalaha intaad leedahaa, lagu dhegnaadaaye
  12. Dhulka meesha kuu gaarabaa, Lagu dhaqnaadaaye
  13. Dhaxan kaama jiro shay kalood, dhoof ku soo galaye
  14. Dhuugiyo hargahaan deebinaa,Dhaama suudh xidho e
  15. Dhaldhalaalka beenta ah inaan, dhaafna baa wacane
  16. Dantoon dhidibno baa nagu haboon, dheelitirideede
  17. Dhaxalkii awoow iyo hidahaan, Dhabarka saarnaaye.

 

Ilbaxnimadu maaha inaad luuqaddaada ka faanto ee waa inaad ku faanto, maaha inaad dameer dhaan-raacay noqotee waa inaad dhaqankaaga ku dhegenaataa, goono gaaban iyo surwaal daba ka dhacaya dadnimo iyo ilbaxnimo ma keenaan, liidnimayse keenaan iyo isku kalsooni la’aan. Waxaase wax walba iiga daran dadka nuucaa ah ee doorsoomay way ka dhib iyo dood badan yihiin kuwa waddanka iska leh ee aanu martida u nahay, mar alle iyo markaad kulantaan wuu ku eedayaa oo magacyo jeebkiisaa oo uu kuula baxay kuugu yeerayaa sida xagjir, reer baadiye, ma gudbe, cunsuri iwm.

Su’aalaha aan mar walba is weydiiyo waxay yihiin oo kaalay kii dullooba muxuu u jecel yahay inuu bulshada inteeda kale baadiyeeyo?? Maanay ogayn hoogooyinkan baas xornimada siisay inuu sidaa u dhaqmo in ay qofka kalena siisay siduu u dhaqmo?? Xornimadu ma san iska galis baa oo tayda dulliga ah igu raac baa?? Biyahaaga xoorta leh ka dharag anna soo caano geel booskaas ma gashan karo??

Ma qasab baa inaan nolosha isu si u aragno?? Ninba tiisa maanuu masuul ka ahayn?? Halkaa ka hay anna tayda faraha kala bax, aan dhiishayda culayga leh iyo shaalkayga watee.

 

Maxamed Xaaji Xasan

kacdoon@gmail.com

 

SHEEKOOYIN