Isku day minyaro, dhakhtar baan ku mutaystay! W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge

1936309_888061754673711_7159891936177868320_n

“Isku day minyaro, dhakhtar baan ku mutaystay!”

Afarta lambar ee kolkay isu tagaan sidan u qorma “2016” ayaan wax is beddel ah dhexdayadda ka abuurin. Muddada gaaban ee lammaanaaha aannu ahayn, xidhiidh wanaagsan nama dhex marin. Hadduu cabbir jiri lahaa, lagu cabbiro jacaylka dadka ka dhexeeyaa intuu le’eg yahay, kaayagu wuu ugu liidan lahaa. Labada is jecel ee nolosha waddaagaa iyagoo lammaaane ah, siday u dhaqmaan si ka duwan ayaan u dhaqanaa. Haa, xitaa xayawaanku sidan  isu lama dhaqmaan malaha.

Jacaylka qalbiyadayadda xasuustiisu buuxisay, ka hor intaanaan isu sheegan, kii doonaaba ha ku horreeyee, sidan maan filanayn, ee degganaanshaha iyo is beddelka dadka ku yimaada ayaan filanayay. Jacayl kora oo sii hanna qaada ayaan rajaynayay, bal se intuu naaqusay ayuu nacayb isu beddelay. Dagaal joogto ah ayaan hadh iyo habeen ku jiraa, haddaan bannaanka joogo iyo haddaan gudaha joogaba.

Safar baan galaa, magaala kalaan tagaa si aan u kala nasano, maalmo ka dib ayaan u soo noqdaa si aan ula kulmo ama hadal macaan, eegmo deggan iyo gacmo naxariis leh si aan mid kood’un uga helo. Beddelkeedaan helaa, hadal qaraxa iyo indho kulul kolkaan dhagaha iyo indhahaba ka furaysto ayay gacan addeegsataa. Shan nabar oo kildhi hor boodayo markaan si faarsamaysan ugu gas-gaso ayaan hoosta ka galaa. Dhexda intaan iskaga duuduubo ayaan dhulka ka rujiyaa. Kursi, miis iyo sariir wax goobta ka dhow ayaan la raadsadaa, intaa aan sido nabaradu way igu laba dhacayaan, waa tontoobo waxba igama qaado, bal se waxa I damqada kuwo aan gacmaheeda ahayn oo ay biro iigu gaysatay sannado ka hor.

 Waan dhigaa oo dejiyaa, sheekaan u bilaabaa, illeyn dumar waa sheeko iyo baabahe, iyo hadalo macmacaan. Goortay degto ee debacdo ayaan wakhti wadda qaadanaa, oo saacado wadda joognaa. Habeenkaa idil ahaantii annagaa isku mashquulna, oo is marxabaysiina. Waagaa barya, qorraxdaa khaawisaad iyo dus-dus bilawda, daaqaday isku beegtaa, halkaasay naga saddexaysaa oo qolka ka wada iftiimisaa, annaguna waanu diirnaa, kolkaasaan dareenaa, mar baan wadda toosna, oo indhaha kala qaaadnaa, kolkaasaan is daymoonaa, oo isku soo durugnaa, oo muxibbo dareenaa, oo haddana kala didnaa, oo midiba dhankuu xiggo iyo kabihiisa hal-haleel ku xidhaa. Jidhkaanu is galiynaa, oo dhufays baanu kala galnaa, madaxanna waanu kala qarsannaa. Mid aan wax ba ka dhicin dagaalkii labaad ee adduunka ayaan u diyaar garoobaa. Hal ilbidhiqsi gudihii ayaan shan jeer laabta dhulka dhigaa, oo haddana galgalmaystaa. Sariirta rukunkeediyo koomadiinkaan isku nabaa. Wax kale kuma garatide Alxamdullilaah-da ayaa badata.

Hadal xun, cay iyo cambaarayn waxay i odhan lahayd xalay i tidhi, hadda wax uma hadhin ee daawe ama sarabbad wax ka yar doonan mayso, anna sidaan ku bixi lahaa kunna badbaadi lahaa ayaan falawgeed galaa. Kun iyo laba ka badan intuu alle i nabad bixiyay iyanna khasaartay oo nabaro illa wayday. Maalintaa maalin aadduunka igaga xumayd wali imay soo marin.

Orodkii aan gurigayga kaga baxay ayaan sakadayadii ku dhammeeyay, ta labaad intaanan gaadhin ayaan dharkaygii xidhay oo caadi iska dhigay. Surinkii labaad, wareeggii ku xiggay ayaan gaadhay. Waan is dajiyay, socodkaan toosiyay, dharkaan hagaajistay, xoogaa dhidida oo wajiga iga soo yaacayna shaadhkaygaan iska masaxay. Goortaan shan albaab dhaafay ee albaabka lixaad aan marayo ayay indhahaygu qabteen qof dumara oo sii jeeda. Waan ka jeestay, haddana waan ku jeestay. Waan is dhaafiyay oo haddana is dhaafiyay. Isha midig ayaan ku eegay, waan kala bakhaylay. Wajigaan gacmaha saaray. Laba farood dhexdood ayaan isha bidix ku beegay, waan ku xaday, oo ku dhiiraday. Alla cajiibsanaydaa! Maxaa wax dad kale iyada lagu manaystay. Waxa saarnaa oo wax ka waynaa ayaa ii saamixi waayay inaan intaa in ka badan ka meeraysto. Qalbigaa I yidhaa “Ma nimcadaas ayaad indhaha ka qadinaysaa?” markaasaan haddana istaqfurulaystaa oo shaydaanka iska naaraa. Buuqii iyo cadhadii aan ka soo qaaday xaaskayga waxaan ku ilaaway quruxdeeda iyo joogeeda. Qaabka ay u taagan tahay ayaan daawasho ula istaagay. Fara taagtaageeda ayaan xoogaa sii daawanayay. Qof kale ayay la hadlaysaa, bal’se qofka ayaa gudaha ku soo jira, iyadu’se bannaanka guriga oo albaabka ku beegan ayay taagan tahay, sheekadda ayay la waddaagaysaa qofka gudaha ku soo jira. Goobta oo waddo ahayd, guriga iyo gabadha oo aannan aqoon u lahayn ayaa ii saamixi wayay inaan sii daawado qoftan cajiibka ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge

SHEEKOOYIN