Iyada iyo isaga: ka la rabid is ku raran! WQ: Bashiir M. Xersi

iyada-iyo-isaga-ka-la-rabid-is-ku-raran

Iyada iyo isaga: ka la rabid is ku raran!

 

Iyadu waxay rabtaa, falsami socod, isaguna wuxuu rabaa fawdo.

Iyadu waxay rabtaa, in uu fahmo, isaguna wuxuu rabaa, inuu faduul ku la joogo.

Iyadu waxay rabtaa, qalbi qurxan, isna wuxuu rabaa qolof qurxan.

Iyadu waxay rabtaa xiriir, isna wuxuu rabaa xirxirid!

Iyadu waxay rabtaa, xushmad, isna wuxuu rabaa, xaarxaaro.

Iyadu waxay rabtaa xurmad, isna wuxuu rabaa xagxagsho.

Iyadu waxay rabtaa xeerin, isaguna wuxuu rabaa xadgudub.

Iyadu waxay rabtaa, in ay kaafiso, isaguna wuxuu rabaa, in uu kadabjaro.

Iyadu waxay rabtaa, in ay koolkooliso, isaguna wuxuu rabaa, inuu kadeedo!

Iyadu waxay rabtaa, in ay XARIIR u gogosha, isna wuxuu raba, in uu XANAN u goglo.

Iyadu waxay rabtaa sinnaan, isna wuxuu rabaa ka la sarreyn! Naag! Kontonley!

Iyadu waxay rabtaa talowadaag, asna wuxuu rabaa, amar ku taaglayn iyo anaa iri.

Iyadu waxay rabtaa, in ay u go’do, isna wuxuu rabaa inuu la go’o oo go’doon geloyo, dadkana ka gooyo xigto iyo wadaay.

Iyadu waxay rabtaa xigto xiriirin dhan walba ah, asna wuxuu rabaa xiriir jarid iyo xumayn sokeeye.

Iyadu waxay rabtaa, qoys, asna wuxuu rabaa qoqob.

Iyadu waxay rabtaa guur, isaguna wuxuu rabaa gaabsi.

Iyadu waxay rabtaa aroos iyo alalaas, asna wuxuu rabaa, ayaamo uu ku danaysto.

Iyadu waxay rabtaa marwonnimo, isna wuxuu rabaa, inuu ka muraadsado.

Iyadu waxay rabtaa hooyonnimo, asna wuxuu rabaa hanfadnimo.

Iyadu waxay rabtaa ilmo iyo carruur, isna wuxuu rabaa adeegto.

Iyadu waxay rabtaa ubad (wiilal iyo gabdho), isaguna wuxuu rabaa wiilal kaliya.

Iyadu waxay rabtaa nabad iyo nolol, isugu wuxuu rabaa dirir iyo dagaal.

Iyadu waxay rabtaa, in ay weheshato, isaguna wuxuu rabaa, in uu is ka wareego uun!

Iyadu waa waxay rabtaa, inuu ku gacansiiyo hawlaha guriga, isaguna wuxuu rabaa, inuu ku daawado.

Iyadu waxay rabtaa in ay keli u ahaato, isna wuxuu rabaa inuu kun la wadaago.

Iyadu waxay rabtaa guri, isaguna wuxuu rabaa gododleyn.

Iyadu waxay rabtaa gacalnimo, isaguna gurrac.

Iyadu waxay rabtaa, in uu wax walba u noqdo, isaguna wuxuu rabaa, in ay wax walba ku/la noqoto!

Iyadu waxay rabtaa, in ay bilciso, isna wuxuu rabaa, in uu bahdilo.

Iyadu waxay rabtaa, in ay magaciisa raajiso -naagtii hebel- isaguna wuxuu rabaa, in uu ragaadiyo! “Tii ilmaha ii dhashay! Tii aan wada noolayn! Tii aan qabay!”

Iyadu waxay rabtaa, in ay sasabato, isaguna in uu sandulleeyo.

Iyadu waxay rabtaa, in uu rag ugu horreeyo, isaguna wuxuu rabaa, inay haween ugu hoosayso.

Iyadu waxay rabtaa, in ay u ceebqariso, isaguna wuxuu qaadaa dhigaa ceebteeda.

Iyadu u ma aragto CAWRO, isaguse wuxuu u arkaa CEEB!

Iyadu waa dheefisaa, isaguna intaa dhuuntuu hayaa. “QODQODE!”

Iyadu waxyar ayey dhadhamisaa, isaguna dhereg ayuu is la dhigaa!

Iyadu waa ay dhawrtaa, isaguna intaa waa dhibaa.

Iyadu u ma aragto qooqane, isaguse wuxuu u arkaa hilib bannaanyaal.

Iyadu ku ma aragto gogol ku roone keliya, isaguse wuxuu u arkaa ku galgasho.

Iyadu u ma aragto dareen keliya, isaguse wuxuu u arkaa darin uu ku jiifto!

Iyadu ma boobto naftiisa, isaguse barquu sida haadka ku degaa. (KUFSI).

Iyadu waxay rabtaa masuuliyad, isaguna wuxuu rabaa maaweelo.

====================================================

Ma sii wadi karee, aan intaa uga haro, haddi kale, dhigane iyo dhiganeyaal ayey isu badalee qormadii, aan muuqan ka qori lahaa.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN