Jacaylkii Darwiish W/Q: Aqwaan Xasan Jidhi

220px-mahmouddarwish

Jacaylkii Darwiish

Maxamuud darwiish wuxuu ahaa qoraa gabyaa diblomaasi reer falastiin ah, hadal yaqaan wuxuu ahaa Ku caan baxay sameynta suugaanta carabta gaar ahaan qasiidooyinka, waxyaabaha uu darwiish noloshiisa caadiga ah necbaa waxaa kamid ahaa meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida suuqyada iyo shirarka, wuxuu ugu sii necbaa inuu tago goobaha xafladdaha lagu qabto. Darwiish wuxuu aad u jeclaa inuu wax qoro iyo inuu qaxwada/ koffeega cabo,

Maalin ayaa darwiish waxaa xaflad ku casuumay nin ay saaxiibo ahaayeen. Wuxuu xafladdi tagay isagoo aanan niyad u haynin balse doonaya inuu saaxiibkiisa ku qanciyo. Laakiin waxay wax walba is badaleen marki uu darwiish indhaha ku dhuftay gabar ka mid ahayd dadka goobta jooga  ahaa oo aad usoo jiidatay, indhaha ayuu la raacay gabadhi iyadoo la sheekeysanaysa gabdho kale oo ay wada socdeen, kaddib xafladdi waxay dhammaatay darwiish oo aanan ogeyn inta saac uu goobta joogay, habeenki markuu gurigiisa tagay wuxuu aad uga fekeray sida uu gabadhaas maalin kale ula kulmi lahaa, darwiish wuxuu waydiiyay saaxiibkiis inuu garanayo gabadhaas, balse saaxiibkiis oo maalinkaas gabdho aad ubadan ay marti u ahaayeen wuxuu u sheegay inuusan xasuusan karin.

Maalinkaas kaddib darwiish dabeecadiisa way isbadashay wuxuuna sameeyay qaab walba uu gabadhaas ku arki karay, wuxuu dhigtay xaflad aanan wax magaca lahayn wuxuuna ku casuumay dhammaanba dadki maalinki hore joogay xafladdi ka dhacday gurigi saaxiibkiis, way imaadeen dadki oo dhan balse ma aysan imaanin gabadhi uu darteed xafladda udhigay. Kadib darwiish wuxuu dhigtay xaflad uu ugu magac daray inay dhalashadiisa tahay, Wuxuuna ku casuumay isla dadki hore, way imaadeen dhammaantood, balse gabadhi ma aysan imaanin, kaddib darwiish xafladdo badan oo uu midba magac jeebkiisa ah ubixiyay qarash badanna uga baxay ayuu dhigayay mana jirin wax isbadalay. Markaas wuxuu darwiish qoray qasiidada caanka noqotay ee lamagac baxday “intidaar” (sugitaan) taasoo erayada lagu xasuusto ay ka mid ahaayeen.

" ma jiro jaceyl u eg jaceyl, ma jiro habeen u eg habeen"

          (Heesta intidaar/ Maxamuud darwiish)
Waxaan ku riyoodaa inaan arko wajigaada, aragtidayda sida badda oo dagan xilliga qorrax dhaca.Wajiyada dadka waxaan kusoo xusuustaa wajigaada, balse wajigaada wuxuu ixasuusiyaa wax walba.Marka ay diyaaraduhu qarsoomaan ayay shimbiruhu duuli doonaan ayagoo aad u cad cad waxay garbahooda ku tirtiri doonaan raadki diyaaradda, taas waa xornimo"

Waa jaceyl Ku imaanaya sida gugaca, kuna tagaya sida biriqda!!Maxaa kafiican shilka, maba lahan wax sugitaan ah.Qalbiga hadduu is daboolo waa sida birta, ma xanuunsado oo ma aadaaro.

Kan fikira wuu qaldamaa, kan gabya been ayuu sheegaa, kan aarsiga usocda wuu daalaa, kan wax jecelna wuu sugtaa!!

Haweenka oo dhan waxay erayadayda u yihiin sahay jid mar ah, balse adigu waxaa tahay dhuuxi qasiidada.Nabadgelyo dushiisa ha ahaato jaceylka maalin uu imaanayo, maalin uu dhimanayo, maalin uu asxaabtiisa badalayo”

Fanaaniin badan oo caan ahaa ayaa maqlay inuu darwiish allifay qasiido aad umacaan waxayna kacodsadeen inuu u aqriyo beejaj kamid ah si ay ugu luuqeeyaan balse darwiish wuu diiday wuxuuna yiri ” waa arrimo xaqiiqo ah waana sir shakhsiyeed”

Kadib darwiish markuu xanuunsaday waxaa loo qaaday maraykanka si loogu sameeyo qalliin dhanka wadnaha ah, inti uusan saalada qaliinka fuulin wuxuu qasiidadi u aqriyay fanaanka caanka ah reer lubnaan ee lagu magacaabo marcel khaliifa kaas oo ku luuqeeyay iyadoo laxan macaan la saaray, balse darwiish nasiib uma yeelan inuu dhagaysto qasiidada oo laxamaysan, qalliinki ayuuna ku geeriyooday sanadki 2008. Waxaana lagu aasay magaaladi uu wax badan yuhuudda kula dagaalamay ee ramallah…

W/q. Aqwaan xasan jidhi cape town. South africa

SHEEKOOYIN