Jamhuuriga Maraykan & Soomaalidu Waxay Iska Shabahaan 4.5! W/Q: Axmed-Assad

 

pizap.com14572691099551

Jamhuuriga Maraykan & Soomaalidu Waxay Iska Shabahaan 4.5! W/Q: Axmed-Assad
Kaftan-dhable Lagu Qumbacan Karo Hadaan Biyo Lagu Liqin!
“Waxaa iswaydiin mudan siday 4.5ta beelood ee Soomaalidu ula kala safan doonnaan 4.5 beelood ee Jamhuuriga! Tolloow, ma waxay la safan doonnaan nin duul-duul badan oo cunsuri ah, laakiinse xor ah. Mise waxay la safan doonnaan qofkay hadba soo xushaan mukhalasiintu oo ay sida jinka uga dhex hadlayaan? Mise, waxayba xeerin doonnaan maahmaahdii Bulxan & Gurxan ee ahayd, “Doqon La Leeyahay, Duuflaal Xor Ah Baa Dhaama!”
Jamhuuriga Maraykanku wuxuu ka koobban yahay 4 beelood oo waawayn iyo beel nus lagu sheegay. Waxaana ugu tun weyn beesha reer Trump oo ay ku xigto beesha reer Cruz, kadibna reer Rubio, Kadibna reer Kasich. Beesha shannaadna waxaa la yiraahdaa reer Carson.
Waxaa odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka beelaha Jamhuuriga lagu xerayn doonnaa qolka shirarka ee degmeda Khaliif-land (Cleveland) bisha July 18keeda ee 2016. Waxaase shirkaa durba kalsoonidii kala laabtay beesha 5aad ee reer Carson oo iyadu dhaliishay habka saami qaybsiga beelaha, kuna eedeeysay soo xulayaasha ergooyinka wax-is-daba-marin iyo sad bursi ku aadan tirada oday-dhaqameedyada lagu xerayn doonno Khaliif-Land.
Afarta beelood ee ugu waaweyn Jamhuurigu waxay hayb ahaan ka soo kala jeeddaan, 2 timo-madaw ah iyo 2 timo-cawl ah. Tima-madoobayaashu waxay isku sii yihiin jufo hoosaad la yiraahdo Kuubbaan, halka ay reer timo-cawlna u kala baxaan Jarmal iyo Jeek.
Tirada guud ee ergooyinka beelaha Jamhuuriga ayaa noqon doonna 2472, taasoo beeshii xeraysata kala bar tirada ergooyinka oo ah 1237 ay doorashada qaranka ku matali doonto magaca beel-weynta Jamhuuriga. Waxaana hadda ugu cadcad reer Trump oo ku doodaya in darbi dheer laga dhiso xuduudka Maxico si loo joojiyo tahriibayaasha, Muslimiinta soo galootiga ahna la hakiyo. Haseyeeshee, wuxuu belo ku dhigay, markuu yiri, qadiyadda Falastiin & Israa’iil dhexdhexaad ayaanu ka noqonaynaa, waayo Jamhuuriga waxaa siyaasadda dibadda u meeriya mukhalasiinta taageera Israa’iil ee AIPAC oo hadda ku dawkhsan sidii loo ragaadin lahaa odaygan yaabka leh ee ku amar diiday!
Si kastaba ha ahaatee, waxay beesha Jamhuuriga foodda is dari doonnaan bisha November 2016, beesha kale ee Dimuquraadiga taasoo ah buluq-baash ka kooban jufooyin badan oo laga tiro badan yahay oo isbahaystay. Jufooyinkeedana ay ka mid yihiin, Madawga, Isbaanishka(Timo-Madaw), Yuhuudda iyo beelaha kale ee la hayb sooco sida, Muslimiinta, Carabta, Laga-roonayaasha, Araweelooyinka (feminist) iyo dadka qunyar-socodka ah (liberals).
Beesha Dimuquraadiga waxaa odayaal-dhaqameedkeeda badankooda xeraysan doonna Hillary Clinton oo ay qarashka ka bixiyeen tijaarta mukhalasiinta ah ee caalamka maamulaa. Halka odayga Yuhuudka ah ee Sanders-na ay kaalmaynayaan dadka maasaakiinta ah, shaqaalaha, iyo dadka sinaanta jeceli.
Odaygan waxaa looga bartay inuu miskiin-caawiye waligii ahaa, taasoo aad u werwer gelisay bumbo-weyneyaasha daneeya in Bariga Dhexe qoor-sagaaro lagu sii hayo! Waxayse u muuqataa in dhawaan dambaslaha lagu dari doonno, waayo jufada Madawga ayaa u hiilisay Hillary Clinton oo ay ku abaal marinayaan siday Obama ula shaqaysay doorkii horre!
Isku soo duuduubboo, reer Trump oo isagu lacagta jeebkiisa ka isticmaalaya waa loo maaro la’ yahay, halka Hillary-na u muuqato mid beesheeda safka hore kaga jirta.
Lakiin, waxaa iswaydiin mudan inay 4.5ta beelood ee Soomaalidu la kala safan doonnaan 4.5ta beelood ee Jamhuuriga! Tolloow, ma waxay la safan doonnaan nin duul-duul badan oo cunsuri ah, laakiinse xor ah oon ciddina wax u higaadin karin. Mise waxay la safan doonnaan qofkay hadba soo xushaan mukhalasiinta waaweyn ee Jamhuuriga & Dimuquraadigu oo ay sida jinka oo kale uga dhex hadlayaan?
Mise, waxayba xeerin doonnaan maahmaahdii Bulxan & Gurxan ee ahayd, “Doqon La Leeyahay, Duuflaal Xor Ah Baa Dhaama!”

W/Q: Axmed-Assad M.M. Awaare

SHEEKOOYIN