Jamashadii qaadka W/Q: Cabdi Nuur Waddani

Jamashadii qaadka,

quotescover-JPG-39

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan ku nooleeyn tuula ah oo ku taala miyiga, waxaan ahayn aniga iyo wiil aanu aad saaxiib u ahayn, da’deenu xiligaas waxay ahayd inta u dhaxaysa 15 jir 16 jir, waxaanu ku jirny da’da barbaarka   loo yaqaan, waxaanuna ahayn Tuulojoog.

Inkastoo tuulooyinka ay jiraan kuwa ballaaran oo leh dhammaan agabyada magaalo laga helo, reer miyiguna usoo safraan, haddana anigu waxay nolashayadu u badneyd tuulo joognimadas.

Tuulada waxaa la keeni jirey Jaad( Qaad) dad deegaanka ah iyo kuwa socotada ah ee tuulada daneysiga u yimaadaana waa cunaan, inkastoo aanu joogto u iman jirin, maqalkiisa iyo arragiisuna waa nagu koobnaayeen.

Maalinkii dambe ayaa aniga iyo saaxiibkeey, waxaan jammanay geedka qaadka la yiraahdo, sababta aan u jammanayna waxaay ahayd, horta anagu halkaas meelna uma dhaafi jirin, sidaan ugu dhalanay ayaana u joognay qaadka afka uunbaan ka maqalnaa se inuu macyahay iyo xaraaryahay war uma hayno.

Iyadoo arrintaasi jirto, haddana waxaa xiisaha iyo jammashada nagu beeray baa ahayd, iney tuulada imaan jireen, rag iyagu magaalooyinka kale ka tegay sida xamar iyo meelo kale, raggaas oo markeey sheekeysanayaan ayaa markasta waxaa sheekadooda soo gasha, hadda ka hor anoo marqaamaya ayaa dhibkaas igu dhacay, ama hadda ka hor marqaan baa igu kala go,ay asaan saas wax yeelay, dabeedna anaga marqaankaas ayaanu aad u danayneyn qaabka uu u egyahay iyo marxalada la gelayo haddii la murqaamo oo ahayd mid aanu saadaalin kari weynay.

Aniga iyo saaxiibkeeyna waxaan isku waafaqnay inaan marqaankaas ka war jerino oo aan qaad helno, tuullada waxaa la keeni jirey sidaan horre u sheegay qaad dalaabaad ku socda oo dadka jooga in yar baa qaadka cuni jirtay, kaaga darane annagu waxaannu ahayn arday, sidaa awgeed haddaan dalbano, cidna noo keeni mayso cidna naga iibin mayso.

Dadkuna tuuladu waa kuwa nawada yaqaan, haddii waxaas nagula arkana waalidka ayaa noola sheegayaa, halkaasna dhib ayaanu kala kulmi karnaa, allow maxaa dhib na heesta, mudo ku dhaw hal sanno ayaan aniga iyo ninki saaxibkey ahaa waxaan raadineynay qaad sidii aan ku heli lahayn sidoo kale u marqaano.

habeen habeennada ka mid ah, ayaan maqaayad shaah ugu soo leexanay annagoo dool uga nimid meel tuulada ka baxsan, maqaayaduhu Nal kama shidna waxaa la adeegsadaa, “ Matamigis ama Tiriig” oo koronto kama jirto, Maqaayadi ayaan soo galnay waxaana ugu nimid nin dhab(derin) meesha taalo si wanaagsan isu kala baxshay, tiirsimo qurxoon samaystey oo uu ku dangiigo, waxaana hortiisa yaa, Bac oo ugu jiro qaad, Tarmuus(Falaas) Shaah u yaal waxaa kale oo ag fadhiday gabadhi maqaayada gadeysay.

Markaanu soo galney meel ninka agtiisa ayaan fadhiisanay, waxaanuna ka dalbaney gabadhii iney noo keento walaal laba koob oo shah ah welibana caddeys ah, waana noo keentay, ninka meesha ku qayilayaa isagu maba joogo in maqaayada la soo galay iyo in kalana war uma haayo, waxaadna moodaa wuxuu la hadlayo ineey gabadha dhaafsiisanyihiin, hase yeeshee gabadha oo lafteedu oo ahayd qof furfuran ayaa waxay warka uga koobeeysaa si quman.

Meel hortiisa ayaa Ganbar u yaal waana iska dhoola caddeeynee, warkeeduna wuxuu u badan yahay, haye, ii wad, iyo qosol ay ku kabeyso   waa yaab ayeeyna kusoo goysaa sheekada, waa nin qaad, meel fadhi wanaagsan iyo gabadh isugu helaye qudbadiisa ayuu si aan kala goos lahayn isga wataa. laba kelmed haddow sheegana waa dhaaranayaa, toloow yaa u dirtay?!

Bacda qaadku ugu jiro meel xageena soo xigta ayeey u taal, xoogaa laama ahnna ayuu inta kala baxay gabadhi xageeda usii ribanaya, khaakh iyo khuukhna waa ku haayaa oo afkaa ka buuxa, jammashadii qaadka noo heysay ayaa anagana si fiican noosii qabatay gowsaha ayaana na salliilyoonaya, si hoose ayaan isula hadalnay ineynaan fursadaan iska deyn ayaana isku raacnay, si farsameysan ayaan bacdi usoo qaadnay inta macaawisyadeeni madaxa gashanay ayaana gabadhi lacagti lasii marnay, shaaxina sidiisi ayaan uga tagnay.

Ninkii qaadka la cunayey iyo murqaankiisiiba waa dhacney, annaga cawada farxad farxad dhaaftey, oo marqaanki aan intaas oo sano raadinayney ayaan helnay, isagana waa u murugo iyo jab, , iridka maqaayada haddaan kasii talaabeynay qosol ayaan jabsanay bannaanka ayaana ku dhacnay.

Markaanu cabbaar soconey ayaan meel bacaada oo aad u qabaw magaaladana ka baxsan ayaan geedki baas la tagnay dabeedna inta bacdi dhega jabsanay, ayaan daaqmo bilaawnay, wax kale oo noo wehliyaana ma jiraan, biya iyo shaah intaba, waxaa habeenkaa is mutey annaga iyo geedkaan u jeel qabnay.

In caabara ayaan geedki wadnay nin kastana wuxuu ninka kale waydiinayaa saaxib ma marqaantey? waxaa xiiso aad aad nagu haya, helida iyo ka warkeenida MURQAANKA. Waxaannu isugu warcelino maya ee adna saaxiib ayaan isugu jawaabeynaa, wixii aan wadnaba mar ay saqdhexe tahay afkuna engegay ayaan geedki iska tuurnay anagoo wax marqaama aysan gacanteena ku jirin, carada iyo niyad jabkuna noo dheeryahay.

Waxaa aad uga xumaaney inaan helin arag murqaankii, intaas ka dib aniga iyo saaxibkeey waxaa billawnay inaan is waydiino su’ aala ay ka mid yihiin saaxib halkoow marqaanki naga aaday? iyo ma helo saaxibe! inaan iska dhaafno ayeey ahayd, mar mar waan is eednaa oo midba midka kale ayuu eed dusha ka saaraa, oo waxaan is dhahnaa:

“ In dhibtaan nagu dhacdo adaa ka danbeeyay iyo adaa ka danbeeyay, halkaasna waxaan aniga iyo saaxibkeey uga sabarnay wixii qaad la lahaa, oo aan aragnay faa,iidadiisa”

Waxaan sheekada usoo qaatay ayaa waxay tahay, in dad badani maanta ku hammayaan oo xiiso u qabaan wax aysan gadaashooda ogeyn, haddii caawa la siin lahaana ay shalay iyo xaan ka jershay qabsa lahaayeen.Anigu waa ku faraxsanahay inaan waxaan jantey una jeelay arko oo aan layga sheekayn, balse, waxaa fiican wax walba inta aadan jamman haddana inaad is weydiiso, muxuu kaala maqanyahay? Maka maarantaa? Ma dhibaa kuugu jira mise dheef?

 

W/Q: Cabdi Nuur Waddani

SHEEKOOYIN