JANKIS KHAAN Q.1aad. W/Q. Ahmed Hayow

quotescover-JPG-81

Isbarbar dhiga Mangooliya qarinigi 12aad iyo Soomaaliya Qarniga 21aad.

Taariikhdii Jankis Khaan.Q 1AAD.

 

Ambahaar Khan oo ay markaas cadaabaayeen Boqortooyaddii Reer Jiin, ayaa ku dhaartay inay Wiilashiisa Reer Maguul uga Aaridoonaan Sulaalada Jiin iyo Tataarka, wuxuu yiri: “Geesuyaasha cabba Biyaha Webiga Winaan oo aan aqoonin Cabsida iyo Isdhiibka ayaa iiga kiin aaridoona” wuxuu dhowrjeer ku celceliyay inay uga aaridoonaan cadaabka la marsiiyay iyo dilka loo geeystay.

 

Sannadii 1146dii ayay Ambahaar Khaan iyo Wefdi la socda u ambabexeen Dhulka Reer Tataar, si uu wiilkiisa ugu soo Alkumo gabar reer Tataar ah, laakiin Tiim Zong Madaxa Qabiilka Tataarka ayaa u gacan geliyay Imbaraadoorka Reer Jiin (Zii Zong) oo rabay in Nolol loogu soo gacan geliyo Ambahaar Khaan, sidaas ayuuna ugu gacan galay Ambaasadoor Zii Zong oo manexe ah, masaamiir ayaa lagu kawiyay (garaacay) Ambahaar halkaa ayuuna ku dhintay.

 

Sanado badan kadibwaxaa dhacday, niman Reer Tataar ah oo rabay inay isku diraan Qabiilada Kiyaan iyo Miyaarki ayaa waxay fursad u heleen inay weeraraan gabar aroosad ah oo la yiraahdo Kaarlin, taasoo loo galbinaayay wiil uu dhalay hogaamiyaha Reer Miyaarki, wiilkaas oo la yiraa Shaleedo, markaana waxaa arooska la marinaayay dhulka Reer Kiyaan.

Ciidamadi Tataarka waxay u soo direen nin ka mid ahaa oo markaa isugu sheegay inuu Reer Kiyaan yahay, wuxuuna safarki ku yiri: “waxaa i soo diray Yasogaay Zaciimka Reer Kiyaan, wuxuuna rabaa inaad Caruusadda isaga tagtaan” Shaleedo oo ahaa wiilka Caruusadda loo weday, wuxuu go’aansaday inay Kaarlin isaga tagaan oo ay 12 qofood madaxeeda u dhiman, laakiin Kaarlin ayaa tiri: “Shaleedo waxaan kuu maleeynaayay inaad tahay nin Seeftiisa igu difaaci kara” markaa ayay gaari faraski ka soo degtay oo Seef iyo Farax waydiisatay Shaleedo walaalkiis Shilingaar, balse Shaleedo oo arrintaa ka carooday ayaa Seeftiisa labaxay, ciidanki yaraa ee lasocdayna u hogaamiyay dagaalka, laakiin way ku Khasaareen waxaana si ciriiri ah ku baxsaday Shilingaar, kaasoo ay fursad u siiyeen inuu u qeeyladhaan tago Reer Miyaarki si ay balaayo uga dhex abuuranto Miyaarki iyo Kiyaan.

Isla markiiba Yasogaay iyo ciidankiisi ayaa ku soo baxay niman Fardo saran oo ku wareegaaya gabadh, markaa ayuu go’aan ku gaaray inay gabadha ka difaacaan, wax badanna kuma qaadan inay ciidanki ka takhalusaan, inyar oo ka baxsatay maahine.

 

Kadib Yasogaay ayaa Kaarlin ku yiri: “maxay nimanku ahaayeen? maxayna kaa rabeen?” Kaarlin oo aan weli hadlin oo indhaha taageeysa ayuu ku yiri: “nimanka dhintay miyaad wax ka taqaanaa?” Kaarlin ayaa tiri: “Ninkeeyga” Yasogaay oo yaaban ayaa kadaba yiri: “Ninkaaga!” Kaarlin ayaa tiri: “wakhti dhow ayaan isguursanay, haddana waa la dilay” Yasogaay ayaa yiri: “ninkaaga yaa dilay?” Kaarlin ayaa tiri: “Yasogaay” Yasogaay intuu layaabay ayuu yiri: “ma hubtaa inuu Yasogaay dilay?” Kaarlin ayaa tiri: “haa, waxaan maqli jiray inuu Yasogaay geesi yahay, laakiin waa nin mujrim ah” Kaarlin waxay u haaysatay inuu Yasogaay ku jiro kuwa ay ka difaaceen.

Nin ciidanka ka mid ah ayaa Kaarlin ku yiri: “annagu waxaan nahay Qabiilka Kiyaan, ninkaana waa Zaciimkeena Yasogaay” Kaarlin oo dhakafaartay ayaa tiri: “maadaa Yasogaay ah!” Yasogaay ayaa yiri: “haa” kadibna waxay fahmeen masiibada reerka loo sameeyay wuxuuna waydiiyay: “Magacaa?” Kaarlin ayaa tiri: “waxaa la i yiraahaa Kaarlin, Qabiilkeegu waa Ongela, ninkeeygu waa Shaleedo wiilka ugu yar Madaxa Qabiilka Miyaarki, walaalki Shilingaarna waa cararay, laakiin Idinku nafteeyda ayaad dadbaadiseen” nin ka mid ah Ciidanka ayaa yiri: “Yasogaay waatii aad dhihijirtay gabar aan Qabiilka Ongela aheyn ma guursanaayo, gabadhaana waa Ongela ee maad guursatid” Kaarlin ayaa tiri: “laakiin Aniga ninbaa i qabay….” waxaa hadalki ka dhex galay Yasogaay oo yiri: “ninkaagi waa dhintay, walaalkiina waa kaa cararay” kadib intay Kaarlin Faras saarteen ayay Xaafadoodi la aadeen.

Yasogaay iyo ciidankiisa markii ay ka soo laabteen degaanki Tataarka, ayagoo ku faanaaya kuna faraxsan Kaarlin oo aheyd gabadh qurux u dhalatay ayay soo dhaweeyeen Shacabki reer Kiyaan, ayagoo u sacaba tumaaya Hogaamiyahooda Yasogaay.

 

Waxaa Teendhadiisa ka soo baxay Talihotaay oo la yaaban sawaxanka dadka, kadibna waxaa uu waydiiyay Sashabiiki oo ka hor yimid: “maxaa ka dhacaaya halkaas oo lagu buuqsan yahay?” Sashabiiki oo cabsi qaba ayaa ugu jawaabay: “Yasogaay ayaa soo boobay gabadh u dhalatay qabiilka Ongela oo aad u Qurxoon, wuxuuna ka soo boobay qabiilka Miyaarki” wuxuu u raaciyay: “orod oo isdiyaari” Talihotaay ayaa waydiiyay: “maxaan isu diyaariyaa?” Sashabiiki ayaa ku yiri: “dagaal isu diyaari, waayoo waxaa uu soo boobay gabadh loo waday wiil uu dhalay hogaamiyaha Miyaarki, wayna imaanaayaan si ay Yasogaay uga abaalmariyaan” Talihotaay oo aan dheg laqabto laheyn ayaa ku soo baxay ciidanka halki loogu baroordiiqaayay guusha ay soo gaareen, wuxuuna si toos ah u yiri: “Yasogaay ma waxaad reerkaaga u dulleeyneeysaa naag darteed? ma waxaad rabtaa in aad reer Kiyaan u soo jiido dagaal dabadheeraada?” Yasogaay oo qoslaaya ayaa ugu jawaabay: “war bal hadal, ma waxaa ku cabsi gelinaaya seefaha ragga reer Miyaarki?” waxaa uu yiri Talihotaay: “ma waxaad rabtaa inaad balaayo fara badan noogu soo jiido naag aad soo boobtay?” Yasogaay ayaa yiri: “annagaba wax badan oo aana ha ayaa nooga maqan Miyaarki” Talihotaay ayaa ku amray: “si dhakhso ah u celi gabadhaan” Yasogaay ayaa ugu jawaabay: “mayeelaayi oo sideen u yeelaa darteed? yaana yeela mataqaan taas?” wuxuuna u raaciyay: “waxaa yeela nin fulay ah sida adiga oo kale” Talihotaay ayaa ku soo gunaanaday: “caqligaagi waxaa qaatay naataan sharta wadata” wuuna isaga tegay.

 

Kaarlin waxaa loo sheegay ninkaan in la yiraahdo Talihotaay uuna ka mid yahay hogaamiyaasha hogaamiyihii hore ee dhintay Ambahaar Khan uuna yahay nin aan faa’iido badan laheyn.

 

La soco. …………..2aad.

W/ Q: Axmed Xaayoow(Ahmed Hayow)

 

SHEEKOOYIN