Jannadii la waayey. W/Q: Cabdisamed Shire

unnamed

Furihii Jannadda ayaa laabta iigu xidhanShandadaha dhabarka lagu qaato ayaa gacantiisa midig ka laalaadda, in ay gacanta kaga xidhan tahay iyo in uu isagu si qaab daran u hayo indhahaagu ma ka la saari karaan. Shaadh iyo surwaal habaysan ayaa uu ku labisan yahay, kabo buudh ah iyo koofiyad, jag. Kan ayaa qoladii ku jira ma adaa ba is odhanaya. Maanta koley jaad aannu waligii in uu ku soo baydho in ay dhacdo is ka daayee uu sakadda uu ku yaalo ag maritaankeeda dambaab u haystay waa kaa subaxaa horeba dul qayuuba ee ka bacaystay wixii! Jeebkiisa midig waxa ka soo taagtaagan qoryihii jaadka oo si qaab daran loogu cidhiidhiyay meel aan deeqi Karin. Wuxu malaa garaabo ayaa ay ahayd! In la dhacay oo baarixi loo safaariyeeyay aqoon la’aanta jaadka ka haysa awgeed iyo in uu isagu soo urursaday ‘khashinkan’ waa su’aal aannan weli fahmin u jeedkiisu waxa uu daarnaa.

Maanta ilbiridhiqsiga, miridhka iyo saacadda soo martaaba waa ay uga duwan tahay kuwii hore u soo mari jiray, haddii ay macaamiil wanaagsan wada ahaan jireen, maanta in ay sii macasalaameeyaan ayaa ay u soo marayaan. Isaga oo taas ogsoon haddana mar na ba wajigiisa baqdin, cabsin iyo murugo mid na ku ma muuqdaan. Isku-dhuuq Waa safar, safar aakhiraad!
Safarkan uu maanta baxayaa waa mid aan ka soo noqosho lahayn. Waa uu ogyahay in maanta waxa nolol la yidhaahdaa ugu danbaynayso, haddana ma ka baqanayo waa uu ba faraxsan yahay. Nin maanka ku haya in Jannada loo sii wada tuban yahay, asxaabtiisii maalmo yar ka hor tagtay in ay iyaku yihiin safka hore wada tuban ee soo dhawayn doona, muxuu u farxi waayay laabta ayuu u u sii daayaybee.

Mid ka mid ahaa nin ay saaxiibo dhaw yihiin ayaa uu ka sii warwar qabaa markasta na niyadiisa isaga oo is la hadlaya ayaa uu is ku yidhaa “Leefleefaw waa aan aqaanay sida uu u iimaan la’aaye kolay jannadii mood iyo noolba midi ka ma baxsan, Xuural-cayntiina hadalkeeda ba daa!”
Haddii uu isagu isku hayo sida uu u tagi lahaa Jannada; dad in uu nolosha ka galaafto isna sidaa ku galayo jannada ayaa uu aaminsanyahay. Maantaba in uu tigidhka aakhiro soo goosto maxaa ka hortaagan.

Kobta uu jannada ka baadhbaadhayaa waa suuqa bakaaraha, gaadhi taxi ah midabkiisuna ahaa huruud oo istaanka taagan ayaa uu ku weecday. “salaamu calaykum walaalkayga muslinka ahaw” ayaa uu ninkii darawalka ku yidhi. “waa nabad walaale maxaan kuu qabtaa” “in aad magaalada igu soo wareejiso ayaa aan rabaaye waa imisa qiimahu” “ haa, waa sax walaal anaa kugu soo wareejinaya kuna soo kala baraya, qiimahu waa 30 dollar oo kaliya. Ma magaalada baa aad ku cusubtahay na?” “Haa wll, dhawaan baa aan immi oo albeerkad ayaa aan ku caajisay joogintaankeeda, in aan soo warwareego ayaan na yara jeclaystay” “haye soo fuul gaaadhiga, nin nasab ah baad tahee” Ninka darawalku waxa uu is yidhi maanta kirada ka sakow barjahaaga, baakidhka sigaarkaaga iyo biya raaciskaagaba waa isaga.
Shaw ninkan xertii majliska ayaa uu u haystaa fikirkaa qaldan waxa ku talaashay garaabadii jeebka Leefleefaw ku jirtay. Ayaan darannaa! Wadkii sii ayaa uu gaadhigiisii soo saartay.
Kolba meel ayaa ninkii darawalkii u tilmaamayaa, meeshan waa meel heblaayo tanna meel heblaayo ayaa la yidhaa xerta dareenkaa fadhiisata. Dee hadhaw caawa ayaynu u soo biyo raacis tagi. Nin janno loo sheegay dhago uu waxaa ku maqlo ma leeyahay? Alla xumaa marka ay wadadu kaa lunto! Ishii ayaa dheeraatay sidii uu u eeg eegayay meel la buuxo oo dad isugu yimaadeen in uu ku janno tago.

Sida ay u socdeen waa uu waayay meel waxoogaa dad ahiba wada fadhiyaan kadib waxa uu go’aansaday maanta in uu dib u dhigto safarka. “Halkaa ii jooji bal, waa taas lacagtaadii ye qabso. Waligay ma aan arag nin kaa nasiib xune”
“Walaal maxaa dhacay?! Maxaa I seegay?” ayaa darawalkii su’aalay. “In aynu janno tagno ayaa aan rabay laakiin albaabbadii baa innoo furmi waayay” “albaabbadaa jannada laga galayo ee iska keen xidhay maxay ahaayeen?” “Soo fiiri laabtayda waxa ku rakiban, shandadanna way isku rakibantahay”. Naftu saw orod bay kugu aamintaa! Hadalba isaga oo aan u celin ayuu gaadhigiisii iyo lacagtii ninku siinayay ba bartii kaga cararay. Orodkii Hargeysa ayaa uu ka soo dagay ninkii baa igu maqaalo ahayd.

Waxa qarxayaa khamiiska maaha ee waa qofka la badalay caqligiisa. Sheekadanna waxa ay ku tusaysaa in aan khamiis uun lays ku qarxin ee dharka kale ba la isticmaali karo. Mid kale ayaa Iyana dadka ka dhaadhacsan in nin jaad sitaa aanu is qarxin Karin waayo maskaxdeena ayaa sawir xun oo diinteena nabar ku ah lagu sawiray.

W/Q: Cabdisamed Shire

SHEEKOOYIN