Jawaabtii Koowaad ee Maansadii Duurxul

Maansadani waa Jawaabtii Duurxul,  waxaana tiriyey, Abuu Axmed Alfaqiih(Ustaadka)

 

Ninka deelka curiyoo
Dig ka siiyay hadalkoo
Daabacay warkiisoo

Daahyaxiran naloo keen
Iyo Duurxulkaadii

Duufaano xoogliyo
Dabaylahaa dhacaa siday
Anoo daaradaydii
Duhurkii hurdaan helay!

Soo laabtay dirintoo
Durba xulay ujeedkoo
Damaciyo su’aaliha
Iyo waxi dahsoonaa
Anaa daadinaayee
Bal u dhiga dambiilaha
Waa intooy ku deeqdooy
Damisaa hurkaagooy
Daawo kuu ahaatee!

Dadku waa kan guuraye
Horta sahan ma loo diray?

*Intaan diirad kuu suro
Aan kaa daweeyee
Dabadheer sideedii
Daaduun abaar iyo
Markey tahay diraacaa
Dalfog loo sahmiyi jiray
Hayeeshee daruufaha
Dirirtiyo collaad loo
Ka dillaaca deegaan
Waa la kala dareeraa
Waa duddi waxii nool
Amaad duunya leedahay!

Afartaa daliishiyo
Damaciyo hangeygiyo
Deelkaan lahaa oro

Afarkalana u soo durug

Marki suug daryaamiyo
Daboolyari dhashiikiyo
Hoobiyaan wax deyn iyo
Jiib laysu doonteey
Duqowdiyo haweenkiyo
Da’yartiyo carruurtii
Daafaha u carareen
Iyo dalal shisheeyoo
Dayacaayo aayaha
Iyo Diinti lagu dhalay!

Duubcadaa maloo direy?

*Duubcadaa ma joogoo
Durreereen waxgaradkiyo
Dadki barifasoorada
Oo duhur dharaareed
Dalkalayska dhiibeen

#Ninba dayr ayuu galay
Hebel dooni maayiyo
Waa kan doobinaayee
Ka daayaay malagu yidhi?

*Waxuu duunya xoolo ah
Weer uga didsiiyaa
Inuu diririgtaa timi
Heedhe kaga danaystee
Horta yaa danbeeyoo
Daanyeeradaa kacay
Daaya oran wallaalow?

Sowtii la kala duday?

Ninki deeq lahaa carar
Oo daafahaa Yurub
Diyaarad sii geyso sii raac
Diiwaana lagu qoray
Iyo Daraf qaxootoo
Daqli cayr ah lagu siin!

Danyartiyo dhaqaaqdoo
Gibi doonyo raaceen
Iyo duhur tahriibkaa
Laba daran mid doora ah

Nin dallaal ku soo koray
Dibjir soo ahaan jiray
Marna duruq wax yaaloo
Dayacani ma dhaafee
Sow diilin xidhaniyo
Darbijiif xukminayaa
Dan ma moodin reerihi
Rag baa daawanaayoo
U Tumaayo daasade! (Tigree)

#Gobonimo ka durugoo
Gunimada ka doorbida
Dabcigeey ka walaxtahay?

*Waa wax laga duceystaa
Iyo camal dayuusoo
Doofaar ninkii cuna
Laga qaad damiirtoo
Raga daalimeentoo
Intay dayr yar waabteen
Duubkaysa saaroo
Adiis laga dacminayaa!

Dhalintii dabkaa dhacay
Laga waa dareen iyo
Inyaroo dadnimadi ah

Waa waxuw diloodoo
Daayacay qabiilkee
Haddii ey duloobeen
Sidee loo daweeyee?

Daadihiyaheeniyo
Dulmidiid bal waydii
Asaa noo da’weynoo!

Dawarsiga shisheeyaha
Iyo deeqda ceeydhee
Yurub laga daliikhaa
Iyana waa dariishiyo
Heedhe daaqad nagu duran
Illaa aan daboolnoon
Ka waantoowna deeqaha
Biri daynta nagu ahi
Kama guurno daayaca

By: Abuu Axmad Alfaqiih

SHEEKOOYIN