Jeega soomaali W/Q: Ramla Gobdoon

13823270_975041599279536_2064367403_nJeega soomaali

Habeenka barkiisii hore ayaa dhammaad ku dhaw. Boorsadii maalmahanba ii baddashay armaajadaydii dharka ayaan isugu geeyay wixii dhar bannaanka iga yaallay. Albaabka guriga ayey ku agtiirsan tahay, iyadoo culeys awgii la liiceysa. Boorso kale oo aan garabka ku qaadan doono, ayaa ka dul laalaadda usha lagu socodsiiyo boorsada safarka. Qolka jiifka ayaan ku soo laabtay. Waxa aan ka shaqeysiiyay qaybta xusuusta ee maskaxda, aniga oo hubinaya in aanan wax is ka illoobayn. Labada sariir ee dhinacyada kala yaalla ayaan dhexdooda istaagay. Cabbaar ayaan fiirfiiriyey dhinacyada. Waan ka soo dhaqaaqay aniga oo bixinaya daymo ku lammaanan macsalaamayn iyo xiiso.

Dhanka ay kabaha u safan yihiin sida askarta, ee u dhaw iridka guriga ayaan soo aaday. Goortii ay indhuhu qabteen kabaha marada ah ee leh midabka cirka, geesaha iyo xariggana ka cad ayaan kala soo dhex baxay kabihii kale. Cagaha ayaan si tartiib ah ugu dhex aaminay ka dibna boorsadii yarayd surtay garabka, farahana ku laabay gacanta laga jiido boorsada kale. Diyaar ayaan u ahay in aan qaabilo safarka dheer ee i sugaya. Waxaa i sagootinaya reerka oo dhan. Halka ay tareennadu ka baxaan iyo guriga waxa ay isu jiraan qiyaastii shan iyo toban daqiiqo, dhankaas ayaanna u dhaqaaqnay. Waqti nagu filan ayaan haysannaa sidaa darteed waan caga jiidaynaa.

Hadallo teelteel ah ayuu marba qof soo tuurayaa. Waxa aan nahay toddoba qof oo si gaar gaar ah u is kula socda, balse is ka ag dhaw oo is maqlaya. Waxaan kolba ku mashquulno dukaaan ama taallo waddada ka dhinac dhisan, waxa aan soo gaarnay xarunta tareennada. Qaybta dareenka ee ka xun macsalaamaynta iyo qaybta kale, ee walwalka ka qabta safarrada ayaa is ku mar dhaqdhaqaaq billaabay. Dhismo aad u ballaaran una wayn ayaan albaabkiisa is hor taagnay. Isagaa is furay. Dhowr jaranjaro ayaan hoos u degnay, dhowr marna waxa aan la laabannay fallaaraha inoo tilmaamaya, booska uu ka baxayo tareenka aan raaci doono. Dhalo madow oo ay shaashaddeedu dhex socodaan xarfo ku qoran qad cagaaran, ayaan ka raadiyay magaca tareenka iyo daqiiqadaha ka dhiman. Haddeer waan hubaa, in halka aan taaganahay aan ka ambabaxayo.

Boorsadii waynayd ayaan hortayda tiiriyay tii yaraydna dul saaray. In kasta oo xilli qorraxeed lagu jiro haddana xilligan oo kale habeenkii waxaa jirta dhaxan. Gacmaha ayaan ku xaraystay jeebka funnaanad dhaxameedda ii xiran. Gabdhaha oo dhinacayadayda taagan ayaan sheeko la camirtay. Waxyaabihii aan samaynay intii aan wada joognay ayaan soo tirinnay. Biraha uu tareenku ku dul socda ayaa horteenna ka muuqda. Dad badan ayaa koox koox meesha u taagan. Waxaa agteenna siddeed ku ah wiil geeskeenna bidix taagan. Dhankiisa ayaan xoogaa indhaha u badinnay ka dinba faallo billownay.

– Jeegadan jeega soomaali u ekaa!

– Kkkk, meel aysan dadku wax ka fiirin ayaad wax ka fiirisaa. Wallee caadi ma tihid.

– Horta goormaa kala baratay jeegooyinka? Naag waalan.

– Naa waxaa aniga iigu imaada wax aad kala taqaannaan ayaa is ka yare. Car qofkan soomaali ha noqon waayo. Shabac shabac!

Innaga oo sidaa u murmayna marna u qoslayna ayaan sheedda ka aragnay, tareenka oo madaxiisa hore soo muuqdo, qabtiisa dhexe iyo dambana la soo guurguuranayso. Caloosha ayay wax i dhex socdeen. Lugahaan culays ka dareemay. Albaabka aan ka gali doono lambarkiisa ayaan si boobsiis ah ugu sheegay gabdhihii ila socday. “Ila raadiya albaabka 33-aad” ayaan ku dhahay cod uu walwal ku dheehan yahay. Alla tareenku dhirir badanaa oo xawli badanaa socodkiisu! Haddaan u qayladhaamin lahayn gabdhaha sideen ku heli lahaa iridkaan ka galayo? Maxaan safarow kaa cabsadaa! Markaan magacaaga maqlo ayay iga guurtaa hurdo lugahana ka jareeyaa. Laakiin waxaasi wax soconayo ma ahan. Waa inaan si fiican kuu bartaa oo aan geesi ka dhigaa qaybta dareenka ee kaa cabsata. Taasi waa ballan.

Laba laab oo middayda la mataan ah ayaan marba mid dhex galay. Jirkaa i dabcay. Is adkayn been ah iyo qosol aan jirin, oo aan muujinayay ayaa fashilmay. Indho aan u diidayay in ay ilmeeyaan ayey illini ka soo daadatay. Tareenku waa uu taagan yahay, dadkuna way ku xaroonayaan. Shantii daqiiqo ee uu soo hormaray ayaa iga dhammaanaysa. Waa in aan laabahan degdeg uga soo dhex baxaa, oo aan tareenka koraa. Laakiin ma rabo in aan ka fuqo, haddana waa qasab. Rabitaankayga ma shaqeenayo xilligan. Waqtiga ayaa maamumulaya howshan. Waa inaan dhaqaaqaa. Dhunkasho boobsiis ah ayaan ku boobay saaxiibbaday. Boorsooyinka ayaan la koray jaranjarada ka soo horreysa albaabka tareenka. Culusaa! Maxaa hadda ku soo kordhay oo haddaayay ka maqnaa? Albaabka yar dhexdiisa ayaan istaagay ka dibna fiiriyay saaxiibaday. Waxa aan la kulmay illin u jawaabaysa tan iga socota iyo gacmo sii taagdhigaya, oo dhankayga u soo nuuxnuuxinaya faraha fooddooda. Xanuun badanaa! Waan is rabnaayee maan is la joogno? Ku necbiyaa safaroow!

Lambarka 66-aad in uu yahay kursigayga ayaa ticket-ka iigu qoran. Waa kursiga ku yaalla meesha aan taaganahay, waanse raadinayaa. Horay haddaan u socdo waxaa ii muuqata tiro badan. Waan dareensanahay in meesha aan joogo uu ka dhaw yahay. Bal maan hoosteyda fiiriyo! Sidan ma fulaynimey iga tahay mise tagitaanka ayaan ka xumahay? Anigu waan is ku dhex yaacsanahayee, kursigan baas muu ila hadlo oo “Waa aniga kursiga 66-aad” i dhaho? Laba kursi ayaa garabka is ku haya oo sii jeeda, laba kalana way ka soo horjeedaan. Labada sii jeedda kan daaqadda xiga ayaan saldhigtay. Saaxiibbaday ayaan wacay oo aan wada hadlaynay ilaa uu tareenku ka dhaqaaqay. Goortii aan taleefanka jaray iyo markii ay dhagahaygu maqleen qof leh ”Waan ka xumahay” daqiiqad uma dhexeyn. Xagguu iiga yimid qofkan ila hadlaya? Oo haddii uusan ka xumayn miyuu ku faraxsanaan lahaa? Taloow markii aan oynayay ma i arkayay? Alla waa ”Jeega Soomaali!” Saw kan iga soo horjeeda? Bisinka. Dibnaha ayaan in yar kala durjiyay aniga oo dhankiisa fiirinaya, ka dibna ku jeestay taleefanka. Ma ogi haddii aan uga jeeday mahadcelin ama wax kale, kolley wax uun ayaan ka waday. Cod dumar ah ayaa ka soo dhex dusay sameecadaha dusheenna ku xiran. Cabbaar ayay laba luuqadood ku daldalantay. Waxaa ay sheegtay oo dhan waan maqlayay mahee inta aan ka fahmay ayaa is ka yar, waxa aan u qaatay in ay leedahay ”Ticket-ka diyaariya”. In kasta oo uu tareenku magaalooyin kale ku istaagi doono, haddana siddeed saacadood ayaa aniga iigu dhammaanaysa dushiisa. Jeega Soomaalina sida uu ii sheegay waa ila mid.

 

Waydiimo gaagaaban balse warcelintoodu ay dheertahay ayuu igu soo qufay. ”Magacaa walaal? Magaaladee deggan tahay? Imisa ayaad joogtaa waddankan? Wax ma barataa? Reerkiinna miyaad la deggan tahay?” Waxa aan caawa dib u xusuustay su´aalaha ay Laanta Socdaalka waydiiso dadka magangalyo doonka ah. Waaba askari ama dambi baare oo kale! Weydiimo badanaa, oo haddana, nuxur yaraa. Markaan uga warceliyey ka dib, oo aan dareemay in ay ka dhammaadeen weydiimihii la mooday, in ay xaanshi ugu qornaayeen ayaan isaga ku iri ”Adna is ka war bixi”. In aan BBC-da dhagaysanayo ayaan ku sigtay inaan aamino. Hadal dheer oo intii aan ka filanayay ka sii dheer ayuu dabada u qabtay. Haddii aysan iga soo gaari lahayn naagta rakaabka waydiisa ticket-ka ma uusan aamusi lahayn. Maxaa aamusnaan ah? Intii mar uu neef qaatay ayaan tirin karaaba. Alla wiilku war badanaa muu idaacadaha shaqo u raadsado? Waa kan mar kale hadalkii billaabay; ”Walaal aan kuu sii wada ee….´´. Ilaaheey caawa iyo habeenna kalaba ha ii naxriisto.

 

Runta ayaa fiicanee, waan u baahnaa qof safarkan dheer ila wadaaga, oo aan la sheekeysto, laakiin in aan qudbad dhagaysto ma rabin. Qof da´yar ayuu muuqiisu u egyahay, waxa aanse garan waayay goorta uu soo maray waxan uu ka sheekeenayo oo dhan. Mar kale waxaa ii hiilliyay taleefankayga. Alloow aanan waayin! Waa saaxiibtay qofka i soo wacaya.

 

  • Naa saaxiib is ka warran?.
  • Fiicanee adna?.
  • Wallaahi waan ku tabnay!
  • Iga daa ha i xasuusinee.
  • Naa waayahee jawigaaga ka warran?.

Aniga oo aan u jawaabin ayaan ku jaray taleefanka. Ma isaga oo i hor fadhiya ayaan u warramaa? Ha sheegin. Sidaa waan dhaamaa. Farriin ayaan u qoray. ”Naa heedhe war ma haysid, Jeega Soomali oo BBC is ku baddalay ayaa i hor fadhiya sidaas ayaan kuugu jaray taleefanka.” Farafudeydka waan ku ogaa saaxiibtay, waa tan soo jawaabtay aniga oo aan taleefanka dhigin. ´´Kkkkkk. Alla! Naa waad iga nixisay saaxiib. Waxaan mooday in ay wax ku qabsadeen laakiin waxa aan illoobay, in aad kaartada ku dheereyso. Waan is ka garanayay in noocaas uu soomaali yahay. Naa haddaba macsalaama hadduu kaa kula socdo cidlo kaagama baqayee. Berri aan kuugu imaado xogtiisa oo dhan.”

 

Xogtiisa oo dhan ku lahaa? Ma sidiisa oo kale ayay i mooddaa in aan u hadli karo? Wallee in aan sii sheegi karin waxan uu ii sheegay oo dhan. Laakiin waxa aan u sheegi karaa in wajigiisu uu yahay la ga ma jeestaan. Waa halka loogu talagalay in ay indhuhu ku nastaan. Sameecad si dheer ii soo gaarsiinaysa codka BK ayaan dhagaha dhexgashtay. Heesaha BK ka la ma dhacaanee tan ayaan aad u jeclahay. Indhaha ayaan dhankiisa u badiyaa marka aan maqlo ereyada uu codka BK sida cajiibka ah ugu luuqeenayo.;

”Heemaalkaaga goortaan darsayee, hubbanti qiimeeyay, ee aan kor iyo hoos, u dayay heedhe quruxdaada”. Kolley gabar ayuu BK u heesayaa, se midkan i hor fadhiyaba waa loo qaadan karaa.

Codka oo aad u dheer awgii wax ma maqlayo, malaha isaguna dhowr jeer ayuu ii wacay. Lug middeyda ka naxsatay ayaan ku soo booday. Eey aan haddaaayay arkay ayaan mooday in uu agtayda ku soo cararay. Alla fulaysaniyaa! Sida aan u naxay ayuu isaguna ku qoslayaa. Si kale oo uu igu soo jeediyo miyuu waayay waa isaga iga naxsadayee? Waliba lug igu taagaye. Balaayo qosol qurux badan.

  • Iga raalli ahaaw walaal. Dhowr mar ayaan kuu wacayoo waad i maqli waysay.

Waa mar uu iga naxsaday oo uu iga shactaraystay.

  • Maya, dhib ma lahan.
  • Maqaayadda ayaan adayaayee maxaan horay kuugu keenaa?

Qurux iyo gacan furnaan ayuu is ku darsaday. Noocii loo baahnaa dheh.

  • Mahadsanid abboowe. Wax uma baahni.
  • Ma dhacayso taas walaal. Waa uuna dhaqaqay

Bal aan nafiso inta uu maqan yahay, oo aan miraayadda is ku fiiriyo naqaskii ayaaba igu dhagayee. Boorsada ayaan boolbare iyo burushkiisa kala soo dhexbaxay. Wajigii ay murugadu ka muuqatay iyo dhabannadii ay illintu ku da´day ayaan naashnaashay. Qamaarka oo hareeraha wajigayga ku duubnaa ayaan furay, ka dibna si dabacsan ugu duubay qoorta, farqihiisana ka kala riday garbaha.

Isaga oo wada laba koob oo kafee ah iyo rooti ay qudaar dhexda uga jirto ayuu soo laabtay. Fiicnaan badanaa wiilku oo deeqsisanaa! Ma isaga oo caawa oo kaliya i la kulmay ayuu sidan iila dhaqmayaa? Biyaha qurbaha ayuusan si fiican u qurqurin malaha. Waa kan diiday xitaa in uu lacagta ii sheego oo aan u celiyo. Wuu xanaaqi gaarayba. Inta uu cuntada miiska saaray ayuu is ka siibay funaanad dhaxameed oo uu kor ka xirnaa. Gacma ballaaran oo xaad il qabad ah leh iyo garbo isla siman, oo ay funaanad dhaxameeddu ku daboolnayd ayaa faydmay. Been ma fiicnee, haddii uusan ila yaabayn ama aan la ila yaabayn waxa aan u daawan lahaa sida filimka. Illaaheey abuurkiisa waa farsamo loo ga mahad naqo. Caawa waa habeenkii aan safarka la saaxiibi lahaa ayay ila tahay, ileen cidna ma oga in aan isaga ama kuwa la mid ah la kulmi doonee. Waa anigii 4 sacadood ka hor markii aan xarunta tareennada joogay gariirayay. Ma anaa is lahaa bani´aadankan ayaa kula safraya? In aan saaranahay tareen iyo in aan hotel ka casuumanahay ayaa shaki iiga jira. Marka kaliya ee uu tareenku hoos marayo buundada ayaan in yar naxaa. Meel aan meeshaa ka necbahay ma jirto. Waxa aad mooddaa in ay wax kula harayaan oo ay ku jiidanayaan, dhegaha ayaaba cub i noqda. Kolka aan safar ahay heshiis la ma ahi cuntada, se caawa waa anigan si fiican wax u cunay. Hadalkii uu billaabay markii uu soo laabatay ayaa uu wali wadaa, anna hii iyo haa ayaan ka daba leeyahay. Dhowr jeer xitaa wax aan ku qoslay wax aan lagu qoslin. Taloow miyuu ila yaabay? Ilama ahan. Haddii kale ima uusan dhihi laheen; ”Waad qosol quruxoon tahay”. Shaw ninku waa uu ii fiirsaday. Is ka kay ammaan dheh iiga ma dareysee.

Alaabtii aan cuntada ku cunnay ayuu maqaayadda ku celiyay. In uu aamuso waa habeenkii xalay ahaa ee tagay. Waa kan waydiimo billaabay.

  • Walaal waxaan ku waydiiyay?
  • Hee?
  • Imisaa joogtaa waddankan
  • Seddex sano.
  • Afar sano ayaan ku dheerahay, laakiin mar dhaw ayaan booqanayaa dalka.
  • Wallaahi? Nasiib ayaad leedahay.
  • Oo ma sidaas ayaad ugu xiistay?
  • Iyo ka darran waliba. Magaaladee ka degnayd Soomaaliya?
  • Reer Buuhoodle ayaan ahay walaal.

Walaal tiisa badan ayaan ka gartay, in uu sheegi doona mid ka mid ah magaalooyinka dhaca waqooyiga Soomaaliya.

  • Adiguna?
  • Xamar abboowe.

Hurdo nasiin doonta qaybta hadalka ee ka dabacday ayaa ku soo degtay. Indha marmar iyo hammaansi ayuu billaabay,

  • Hurdaa i haysa walaal waan seexanayaa in yar.
  • Is ka seexo.
  • Adna is ka seexo haddaad doonto.

Is ka seexo ku lahaa. Inta uu soo kaco ayuu i daawanaa aniga oo hurdaya miyaa? Ha ka yaabin. BK iyo kooxdiisa ayaan ku soo jeedi karaa.

  • Waayahay haddaan helo.

Kursigiisa ayuu dhinaca dambe u jiifiyay ka dibna seexday. Waa kan durba hurday. Qurux cajiib ah ayuu yeeshay wajigiisu kolka uu hurdayo. Ku wacnaa daawasho! Dibnaha isa saaran, ee haddana is la siman, sunniyahiisa madoow, xirribyada kore ee la kulmay kuwa hoose, shaarbaha faruurta sare, ee sida is la eg loo jaray, kuna dhammaada hareeraha isla faruurta kore, garka aan aadka u badnayn ee wareegsan qoortana ku sii siqaya ayaan ka jeedin wayay indhaha. Fulaynimo ayaa ila hartay maahee, dhowr sawir ayaan ka qaadi lahaa. Intaan xusulka ku tiirsaday gacanta kursiga, oo aan dhabankana saartay calaacasha ayaan isaga is ka daawanayey. Heesta dhagaha ku dhacaysa iyo meesha ay indhuhu ku nasanayaan ayaa is leh. Laabtiisa marna kor u dhaqaaqaysa marna hoos u dagaysa ayay tayduna la shaqaynaysaa. Alla yaa dhegta saartoo dhagaysta! Taloow miyuu sidan oo kale ii daawan lahaa haddii aan hurdi lahaa? Hubaal. Saw isagii igu lahaa; “Horay ma laguu dhahay waad qurux badan tahay?” ee iga xishood siiyay? Illaahoow adaa mahad leh oo isaga hurdisiiyay, haddii kale wax ayaa i dhaafi lahaa caawa.

Fadhiga badan ayaan ku daalay. Waxa aan ciirsi biday in aan tareenka dhexdiisa ku socdo. Cabbaar ka dib markii aan soo laabtay isaguna waa uu soo kacay. Maxaa kiciyay muu is ka hurdo? ”Subax wanaagsan” ayuu ku yiri cod nastay. ”Subax la mida” ayaan cod daallan ku iri. Gacma dhaadheer ayuu labada dhinac u kala jiiday kursigana kor u soo qaatay.

  • Ma seexan miyaa adigu?
  • Way ii imaan waysay.

Yaa u sheega in aan u daawaday sidii loogu talagalay iyo si la sii raaciyay.

  • Alla! Oo waad go´dayee.
  • Maya waa caadi. Hurda ma helo marka aan safar ahay.

Wallee in ay caawa i hayso laakiin nimco kale ayaan gafi lahaa.

  • Haa, sax. Qudhaydu ku la mid ayaan ahay balse habeennadii la soo dhaafay ayaan si fiican u hurdin, seddex cisho ka dibna safar kale ayaan galayaa oo aad u dheer.
  • Xaggee u safraysaa?
  • Dalkii ayaan qabanayaa walaal.
  • Reerka miyaa halkaa deggan oo aad soo salaamaysaa?
  • Haa walaal iyo xaas iyo cunug dhawaan la ii dhalay.

Afka ku go´! Muxuu yiri? Iyo xaas aa? Xabbadka ku xanuun. Muusig ayaa maskaxdayda ka yeeray. Wax aan ogayn goor ay afkayga soo galayn iyo waxa ay yihiinba ayaa igu margaday. Ninku miyuu inkaaran yahay? Maya, tan uu qabo ayaa inkaarin. Ma qofkan ayay is ka soo dirtay? Markaasuu aniga tareen ila raacay caawa oo dhanna is ka daawaday. Waa tuu dooqu iga xumaadaaye inaan kan bixitaan ka oggolaadeen. Illahoow taa caqli sii. Haddii ay is ka heysan lahayd sidan igu ma dhacdeen. Bal inta ay iga goysay arka. Isaguba waa mid kale. Maxaa iga bi´ lahaa haddii uu markii hore ii sheegi lahaa in uu xaas leeyahay? Waxaa tahay maxaan dhahaa dheh. Goor aan is lahaysiiyay ayuu i leeyahay “Iyo xaas”. Cunug ayaaba loo dhalay. Jabay oo jabay! Aniguba tu kale ayaan ahay. Maxaa sidan oo dhan ugu bogay ninka? Saw aniga kayga mooday? Acuudu billaah! Maya, waa gartey oo, muxuu isagu sidan ugu ekaaday?

Sidii uu ereyga “Xaas” dhegaha iiga dhuftayba waan is ku dhex yaacay. Aniga oo magaca xaaskiisa iyo cunuggiisa waydiinaya ayaan is arkay. Oo maxaa iga galay wayba i waalli gaareenee? Wixii ereygaa ka dambeeyay isaga ayaan u xanaaqay. Hadalkiisa ma rabo is kaba daa inaan fiiriyee. Ciil ayaaba i qabtay. Ma qaniinaa taloow? Aniga oo sidaa isugu buuqsan ayay naag ka soo dul qaylisay sameecadda dushayda ku rakiban. Wixii ay akhrisay ma aqaanee waa ay hadashay. Kolley xilligii uu tareenku istaagi lahaa ayaa soo dhow. Iyada oo ay daqiiqado harsan tahay ayaan la soo dagay boorsadayda dhinaca albaabkana u dhaqaaqay. “Xoogaa ayaa dhimmanee is ka sii joog” ayuu iga soo daba tuuray. Muxuu ii reebanaa naag ayuuba qabaayee? “Fadhigaan ku daalayee inaan taagnaadaan rabaa” ayaan kor u maqashiiyay.

Tareenkii xalay soo billaabay socod ayaa siddeed daqiiqo ka dib istaagay albaabbadana ballaqday. Borsadii cuslayd ayaan daf soo siistay aniga oo aan dib u eegin isaga “Macsalaamana” ku dhihin, laakiin hal mid ayaan u rejeenayay. In qaybta hadalka ee ka dabacday uu Alle u xejiyo Soomaaliyana uusan ka soo laaban. Farriin aanan ogayn in ay gaari doonto iyo in kale ayaan xaaskiisa u diray. In aysan gabdha kale ka inkaarsan oo ay Deeqeeda ceshato. Galabta marka aan hurdo bogto waaba haddii aan helee, waxa aan saaxiibbaday u sheegi doonaa in “Jeega Soomaali” uu ahaa shimbir la la duuli karay balse xaas leh, oo waliba dhawaan cunug yar loo dhalay.

 

W/Q: Ramla Gobdoon

rahmaaz002@hotmail.com

SHEEKOOYIN