KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISE LEH). Qore Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

 

 

KAAS WAA WIILKAYGA.

Qabytii 1aad

Waxay ahaayeen laba dhalin yara ah oo usoo baxay waqtigooda, waxay ahaayeen isku iskool waliba isku fasal ah, xaafaddana waa ay isla daganaayeen, Dad isla soo korayna waa ahaayeen, magacyadooda waa Hani iyo Cali.

Sheekada waxaa ila wadaagtay Hani oo ah gabadha wajahday sheekadan xanuunka badan, xilliga ay ila wadaagaysana waxay ahayd mid aad u murugsan oo ilmaynaysa, sidaas ay tahayna waxay ku adkaystay in sheekadan dhaxalka ah ay ila wadaagto, si dadka ka dambeeya ay u ogaadaan dhibaatada ay Nolosha ledahay, iyo in ay u noqoto Cashar wax looga barto dhibaatooyinka ka yimaada dhinaca nolosha.

Waxaa jira wax badan oo dunida dhex yaala qof walbana uu si gooni ah ula noolyahay, sir badan oo dunida ahna ay ku dhex qarsoontahay Maqluuqa dunida dhinac walba uga nool, wax walba sababtoodana ay ka yimaadaana afcaasha ay gaystaan maquluuqaas dunida ku nool.

Dadku waa wada taariikh wada socota, qof walbana isaga ayaa samaystay taariikhdiisa sida ay doontaba ha ku timaado taariikhdaas, isla taariikhdaas lama ogaan karo haddii aan la qorin ama laga xikaayoon, micnaha laga sheekayn.

Sheeko marka la samaynayo ama laga sheekaynayo waa in ay lahaataa Xikmad markaa laga dheehan karo, Dadka aqrisanayana ay ka heli karaan wax naftooda anfaca maadaama waqtigooda ay ku bixinayaan aqrinta sheekadaas.

Sidaa darteed maanta waxa Alle mahaddi ah in aan nasiib u yeesho qoridda sheekadan kasoo butaacday gabadhan la nool taariikhdaas iyo Qisadan xanuunka badan ee aqrinteeda aydaan ka caajisi doonin, anigana ii ah sharaf in aan nasiib u yeesho qoriddeeda iyo soo gudbinteeda.

Hani waxay ka dhalatay Qoys aad iskaga ladnaa oo markaa aabaheed ayaa wuxuu ahaa mid xil wanaagsan ka hayay Dowladda markaa ka arriminaysay Dalka, nolosha ay ku nool yihiin waxaa la dhihi karay waxay ahayd nolol heerkeedu sarreeyo.

Nolosha sideedaba waa wadaag wax la wada wadaago, qofkase wuu dooran karaa Cidda uu doonayo in uu wax la wadaago, waa marka laga hadlayo qofka ay soo wajahdo xaaladdaas ku salaysan in uu qof kale wax la wadaago.

Hani oo ah gabadha sheekadan ku socoto isla markaana marka wax loo tilmaamo sida liidato ee aan caqliga iyo xaqiiqda ku salaysnayn ka dhalatay Cid haybad ahaan isla waynayd, heerkooda noloshana uu ahaa mid sarreeya, sarrayntaas oo ah mid ay uga ladnaan badnaayeen dadka markaa dariskooda ahaa, ama ku noolaa Xaafadda ay markaa ku noolaayeen.

Ma ahan Waqtiga nolosha iyo asbaabihiisa kuwa ay awood u leeyihiin doorashadiisa Bani Aadamka, balse, waa kuwa ay ku qasban yihiin in ay wajahaan, qaabka ay u wajaahaana mar walba ay ka dhalato xaalad kale oo noloshooda ah, taas oo noqon karta mid la mahdiyo ama laga dayrsho.

Hani oo ah gabadha sheekadana ay ku socoto isla markaana martay xaaladahan xanuunka badan ee aad sheekadan ka dhex arki doontaan ayaan u daynaynaa bal in ay isla iyada ay nooga xikaayooto taariikhda ay la nooshahay nolosheeda ee lama ilaawaanka ah, waxayna ku billowday hadalkeeda sidan.

“Waxaan ahaa gabar markaa indhaha soo kala qaatay oo markaa ay kasoo daahireen Qurux walba oo Dumar lagu raaco loona xusho, waxaan ahaa Gabadh leh Hammi badan oo ay tiigsanayso, balse waqtiga  waxa uu kuu sido iyo waxa aad doonayso mar walba waa kuwa kala duwan, mararka qaarna waa kuwa is yeesha, Waayaha dunidana qofna wuu saacidaa qofna wuu ka hor yimaadaa, aniguse  waxaan ka mid ahaa dadka uu ka hor yimid.

Hammiga sare ee ay ciddayda iga lahaayeen iyo Hanka aan ku hamminayay waxaa la oran karay wuu is lahaa, balse, si lama filaan ah ayaan waxaan ugu dhacay Hog aanan mahdin inta aan noolahayna la  noolaan doono, taas oo noqotay Ugaarta I ugaarsanaysa inta noloshayda ka dhiman, waxaana ahay Dhibane dhibkaas la nool.

Aniga oo iskaga nool nolol iska dagan waxna barta ayaa waxaa kusoo biiray noloshayda Wiil aad iila qiima badnaa, naftaydana ay u riyaaqday, Cali ayuu ahaa magiciisa, waxaa ina dhex maray Dareen aad u wanaagsanaa kaas oo uu naftayda ku hantay.

Xiriirkeena marba Xaalad ayuu soo marayay inaga oo wax wada barana ayaana wada socon jirnay, asxaabtayda iyo dhamaan ciddayda qaarkood waa ay wada ogaayeen heerka sare uu gaarsiisnaa jacaylkeena, runtii waxaa la oran karay Cali wax badan ayuu I baray, wax badana wuu I dareensiiyay, taas oo markii dambe sabab u noqotay in aan noqdo Qof aan Indha lahayn, Dhagana lahayn, waxa kaliya aan wax ku arko ay ahaayeen waxa uu Cali I tuso, sidaas si la mid ah waxa aan wax ku maqlano ay noqdeen waxa uu Cali I maqashiiyo.

Qaddarinta aan waalidkayga u ahayo mar walba waa jirtay iyo dhamaan qoyskayga, taas oo la oran karay waxay ahayd mid igu wayn, mar walbana ay labada Waalid ee I dhashay ay igula dar daraami jireen,runtiina ilaa xad waan garowsanaa Qiimaha qoyskeena, marka laga reebo waxyaabaha qaar oo aanan isku aragti ka ahayn, waa dhanka Xiriirka aan la lahaa Cali.

Cali wuxuu ka dhashay Qoys tabar yar, balse shaqsiyaddiisa iyo midda qoyskiisaba waxaa la oran karay heer sare ayay gaarsiisnayd marka loo eego fikirka iyo aragtida aan ka qabay ciddaas, taas oo Iyana aan fakar ahaan ku kala duwnanayn qosykeena.

Guriga cali uu daganaa kama fogayn gurigeena, waxaa inoo dhaxaysya oo kaliya shan Guri, isku leena waan ka haysanay Waddada, Duruufaha ay Cali ciddiisa ku noolaayeena waxay ahaayeen duruufo runtii aad uga liito marka lala bar bardhigo duruufta aan inaga ku noolayn.

Markii aan waxbarashada dugisaga sare dhamaynay ayaan ku heshiinay Cali in aan is guursano maadama muddo ku dhow shan sanandood oo waxbarasha ah aan xiriir wadnay, inta dhimana aan ku dhamaysano inaga oo isku xalaal ah, taas oo markii uu Cali iisoo jeedshay aan ugu raacay si aan Shaki ku jirin.

Waxaan u bandhigay ciddayda, marka hore Aabahay wuu igu diiday Hooyana sidoo kale, balse sida aabe wax iiga diiday hooyo uma adkayn, Cadaadis badan oo aan cidda ku saaray in aan wiilkaas kor iyo hoos doonayo ayay markii dambe iga ogolaadeen in wiilka uu soo dirsado ciddiisa, si arrinteena loo falanqeeyo la iskuna kaaya siiyo.

Waan u bandhigay Cali in dadkayga ay ogolaadeen arrinta, isagana laga doonayo in uu dadkiisa soo dirsado, aad ayuuna ugu farxay arrinkaa labadeenaba waxay inoo ahayd sida Riya rumowday, maxaa yeelay, geedkii aan talaalnay shan sano ka hor ayaan hadda mirihiisa in aan gurano rajaynaynaa.

LA SOCO QAYBTA 2AAD isniin walba insha Allah

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN