KAASTARO iyo KAALIYIHIISII Ernesto Guevara W/D: Bashiir C. Barre

15109488_939268866205027_7739713630327248752_n

KAASTARO iyo KAALIYIHIISII {Ernesto Guevara ”Che”}

 

Fidel Alejandro Castro Ruz ayuu ahaa magaca buuxa ee Hoggaamiyihii hore ee dalka Kuubba {Cuba}, asalkiisu waa Isbaanish, 13kii bishii Agoosto ee sannadkii 1926kii ayuu aabbihiis beeraha qani ku ahaa Fidel ku dhalay Magaalada Birán, ee Gobolka Oriente.

Aabbihii waxaa la oran jiray Ángel Castro y Argiz wuxuuna ahaa shaqsi kasoo jeeda magaalada Galicia ee ku taal woqooyi galbeed ee dalka Spain.

Fidel Castro wuxuu wax ku baraty jaamicadda Havana layiraahdo ee ku taalla caasimadda Cuba ee Havana asagoo ka baxay kulliyadda sharciga, kadibna kamid noqday qolo la baxday anti-imperialist oo aad uga soo horjeeday gumeysiga dadban, wuxuuna ka qayb qaatay dagaallo jabhadayn ahaa oo looga soo horjeeday dowladaha garabka midig ee kala ah Dominican Republic iyo Colombia.

Markaas kadib ayuu qorsheeyay sidii uu talada kaga tuuri lahaa madaxweynihii xilligaas ee Kuubba Fulgencio Baptista, 1953kii ayuu soo qaaday weerar ku fashilmay meel lagu magacaabo MONCADA BARRACKS, halkaas ayaana kaastaro iyo qaar kale oo weerarkaas hor boodayey lagu qabtay, deetana xabsiga la dhigay.

Kadib markuu xabsigaas ka baxay ayuu safar uu Mexico ku tagi lahaa u maray dhinaca badda, halkaana wuxuu ku abuuray koox kacdoon ah oo lagu magacaabay Dhaqdhaqaaqa 26ka luulyo [the 26th of July Movement,] waxaana kula jiray kooxdaas walaalkii Raul Castro iyo Che Guevara* oo asalkiisii reer Argentine ahaa gadaal se kanoqday muwaaddin reer Kuubba ah.

Castro ayaa kacdoonkii kuubba usoo raray gudaha dalka, Sierra Maestra ayuuna ka soo billaabay dagaal ku dhufoo ka dhaqaaaq ah illaa uu xukunka ka tuuray Mr Baptista 1959kii, kolkaasoo uu awooddii ciidan iyo tii dowladdaba gacantiisa kusoo ururshay isuna magacaaaby Raisulwasaaraha dalka.

Wuxuu Hoggaanka dalka Jamhuuriyadda Kuubba hayey muddo 49-50 sano ah, sannadahaas oo u qaysanaa 17sano {1959-1976} oo uu RWasaare ahaa iyo 32sano{1976-2008} oo uu Madaxweyne ahaa.

Xilalka kale ee uu kaastaro qabtay waxaa ka mid ahaa inuu ahaa Xoghayaha koobaad ee xisbiga shuuciga ee Kuubba oo uu hayey intii u dhaxaysay 1961-2011kii.

Kuubba waxay xukunkiisa ku hoos noqotay waddan leh hal xisbi oo mabda’a shuuciga ku ad adag, warshadaha iyo ganacsiga dhammaantood na la qarameeyay Jamhuuriyadda kuubbana waxay noqotay mid shuuci ah.

2006dii ayuu xukunka qayb ahaan ku wareejiyay madaxweyne ku xigeenkiisii oo walaalkiis ahaa Raul Castro, halka 2008dii uu dhammaan xukunka si ku meel gaar ah ugu wada wareejiyay, kadib markii tahli waayey xanuunkii cancerka ee laga helay, kaasoo uu ugu dambayn u dhintay shalay/maantay ”25/11/2016”.

Fidel iyo xukuumaddiisu waxay faragelin dagaal ka sameeyay meelo badan oo caalamka ah balse u badan waddamada koofurta Ameerika iyo qaaradda Afrika, waxa aanan ka xusi karaa South Africa, Angola, Congo DR iyo Soomaaliya

* Ernesto Che Guevara wuxuu yaraantiisii ahaa arday bartay culuumta caaffimaadka oo uu heer wanaagsan ka gaaray, socdaal uu ku maray qaar kamid ah waddamada koofurta Amerika ayaa ku dhalisay inuu go’aansado la dagaallanka Capitalism-ka Latin America ee Maraykanka ku tiirsan.

Asagoo aan wax weyn qaban ayey ilma Castro ku kulmeen Mexico City, la xulufoobay lana soo jabhadeeyay oo xukunka kala tuuray kaligi taliyihii Cuba ee Baptista ahaa.

Dowladdii Fidel Castro wuxuu ka noqday wasiirka warshadaha halkaana wuxuu ku qarameeyay dhammaan warshadihii gaarka loo lahaa ee ay ugu waa weynaayeen kuwii Maraykanku dalkaas ku lahaa.

>Guevara waa shaqsiga ku sawiran lacagta Kuubba ee [Cuban Peso] loo yaqaan.

>Wuxuu sannadkii 1964kii hor kacayey wafdigii dalka Kuubba uga qayb galay shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuuna halkaas kasoo jeediyay khudbad sacab fara badan loo garaacay oo uu ku weeraray maraykanka gumaysiga dadban ee caalamka qaarkiis ka jira,”halkaan ka Daawo

>1966kii ayaa ciidamada Bolivia oo gacan ka helaya CIA-da maraykanku ay ku qabteen gudaha dalka Bolivia asagoo dhaawac ah oo lug ka jaban, deedna inta qol aad muqul u malayso lagu xiray ayaa isla meeshaas na maalmo dabadeed lagu dilay ayadoo aan loo baahan in wax maxkamad ah la saaro,

>30 sano kadib ayey Kuubba ku guulaysatay in baqtigiisa lasoo faago, calankeeda la huwiyo laguna aaso ciidda Kuuba.

 

W/D: Bashiir C. Barre

SHEEKOOYIN