KADINBAX Q12AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

                   KADINBAX Q12AAD

Sacdiyo qalanjo intay taaggi sare ee dukaanka afkiisa hore ahaa, hoos uga degtay oo sagxaddii dukaanka istaagtey ayey baqshaddii kala furtay, iyada oo neef tuureysa, waxa ay saadaalineysa waxa ku qoran xaanshida gacaliyeeda uga timid. Hore uma arki jirin gacaliyeeha oo xilligaan barqada ah oo kale bacadlaha ku soo booqda, waxa ayna hummanisay/qiyaastay in wax uun jiraan. Kolkii ay isha marisaba kuma qorna, sadarro tiro badan oo lagu soo xardhay qad casaan ahna lagu dul qoray, balse, waxa ay la kulantay farriin aheyd; Gacaliso, waxa aan rabaa in aan habeenka Jimcadu soo gelayso, kuu imaado! Arrin ayaa iga miliqsan, adiguna maadaama taladu igala kaa dhaxeyso waxa aan go’aansaday inaan kula wadaago, gacaliso.

Sacdiyo Qalanjo naxdintii ay ka qaadday keenitaanki iyo furitaankii baqshadda waxa uga darnaaday, ballan taan degdegga ah ee aan hore loogu soo sheegin. “Kugu berantay, waxa ka fiican kugu bariday “ Soomaalidaa ku mahmaahda, taas oo laga wado, arrimaha isku soo booddada ah waxa ka fiican midda goor hore lagu soo ogaysiiso. Sidaas oo kale Sacdiyo Qalanjo waxa ay niyadda iska tiri, muxuu mar hore kuugu soo sheegi waayay? Maxaa ka qaldan, halkee dhibku ka haystaa? Wayddiimo badan oo aysan warcelin degdeg ah u heli karin ayaa maskaxdeeda ku soo kulmey. Waxa ayse go’aansatay inaysan ka hor dhicin ee ay sugto waxa uu la shir imaan doono. Kolkii ay hubsatay farriintii ku qorneyd warqadda, ayey inta jarjartay qashinka ku dartey, si aysan u arkin dadka ay shaqadu kala dhaxeyso, ka dibna aan loogu sheegin hooyadeed oo ay si gaar ah u xushmeyso.

          Sacdiyo waa ay aqbashay ballantii warqadda ku qorneyd oo ah in Joon u imaanayo habeenka Jimcaha, in ay waraaq jawaab ah u dirtana waa ay ka gaabsatay. Waxase fikir hore leh iyo fiiro ku abuuray ballansigaan isku soo booddada ah ee aysan saadaali karin waxa uu yahay, ama ka immaan kara. “Dad iyo duurba waxadan ogeyn baa ka yimaada” Soomaalida ayaa ku mahmaahda.

Amminku ma dhammaado marka aad sugayso ballan laguu dhigay e, wixii la dhowraba, waxa la gaarey habeebkii ballanto ahayd. Sacdiyo waxa ay diyaarisay intii ay awooddey ee lagu soo dhaweyn karo, qof uu kaala dhaxeeyo xariir jaceyl iyo qiimeyn. Sidaas oo kale Joonna waxa uu hore u soo qaatay, ubax casaan ah oo aad loo soo carfiyay, sidii wadnahana u sameysan iyo hadiyad uu ugu talo galay lammaantiisa.

                 Kub-kub yaa jooga, ayaa dhagaheeda ku soo dhacday, Sacdiyo Qalanjo oo arddaaga guriga gember jiinbaar ah kula fadhida. Inteey ganjeelka si halhaleel ah ku furtay ayey ku tiraabtey; waa la joogaa ee soo dhaaf! Isla markaana waxa ay aragtey Joon oo u dhiibaya ubax iyo hadiyad kale oo uu ugu talo galay, iyana waa ay ka guddoontey. Nasiib wanaag habiinkaas ma joogin Sacdiyo Hooyadeed, waxa ayna jirtey qaraabo salaan iyo sheekeysi fiid, taas oo Sacdiyo ammin u siisey in ay Joon waqti fiican la qaadato.

Salaan iyo kaftan ka dib ayaa Sacdiyo oo sugi la’ ballanta uu Joon u qabtey waxa ay si boobsiis ah ku tiri; “Gacaliye maxaa aad caawa ii ballamisey, maxaa kugu soo kordhay?” Joon oo hadalkii uu sarbeeyay loo daah rogay ayaa ku tiraabey: “Gacaliso waxa aan rabaa in aan u socdaalo Talyaaniga” hooyadey iyo abbahey ayaa u guuraya Talyaaniga, waxa ayna iga codsadeen in raaco si aan u soo arko halka ay degi doonaan. Aniguna waan ka aqbalay soo jeedintaas maaddaama aan jecelahay waalidkey, anigana ay dani iigu jirto mar haddii aan soo baranayo waddankeyga Hooyo, Joon ayaa sidaas yiri.

Sacdiyo waxa ay gucatay in Joon ula yimid arrin dhammaad joogta oo uu go’aankeeda gaaray mar hore, sidaa darteed kama ay hor imaan ee waa ay aqbashay, waxayse si yoolbaar ah u tiri; dhib ma lahan Gacaliye haddii aad waalidkaa raaceyso ee mustaqbalkeenna maxad u go’aamisay? Sacdiyo ayaa sidaas ku tiraabtey. Joon waxaa ka hortimid wayddiin uusan ku soo tala gelin, balse, gar ku noqoneysa in sidaas la wayddiiyo, mar haddii uu yahay qofka taladu ka timid dhankiisa. Jawaab kama uusan bixin wayddiintaas, isla Sacdiyo ayuuna ku yiri, arrinta mustaqbalkeennu waa ay naga wada dhaxeysaa ee adiguba talo keen?”

               Sheekadii waa laysku soo celceliyey dhowr jeer, balse, kolkii lays mari waayay ayaa Joon soo jeediyay; in Sacdiyo ay sugto ilaa iyo inta uu ka soo laabanayo socdaalka dheer. Waxana uu u ballan qaadey, Kolkii uu Muqdisho ku soo laabto, in uu aroos boqortooyo u dhigi doono, dadab iyo dammaashaadna ay geli doonaan, si ay uga bogtaan hammuunta jireed ee waayaha badan hoggaanka usoo heysay.

Sacdiyo Qalanjo iyada oo aan ku faraxsaneyn in ay lammaanaheeda isa seegaan oo uu safar dheer galo iyada oo aan wehel u ahayn, ayey si duuduub ah ku liqdey, isla markaana waxa niyaddeeda kusoo dhacay heestii oraneysay:-

  • “Inta saaran dunidoo dhan
    Saygaan ka doortoow
    Sabennada raggan kacay
    Sadkii aan ku yeeshoo
    Waxan kugu sagootiyey
    Safar khayr leh socataye sidii roon
    Sammiihii dhexdeennana ha sii dayn
    Saacaddii aad joogtana
    Ku seexoo ku soo toos
    Anna waan ku sugayaa
    Soo noqo adoo nabad ah.”

“Adduunyo dhaafi waay ayaa looga dhaqmaa” Soomaalidaa tiraahda e, Sacdiyo Qalanjo iyada oo aan ku qancin socdaalkaas ayay afka ka sagootisay gacaliyaheeda, ay wax badan nolosha la soo dhiseysay. Joon laftiisu raalli kama ahan inuu rab cidlo ah uga dhaqaaqo Sacdiyo oo uu ifka inta dul saaran ugu jecel yahay ee Hooyadii codsigeeda ayaa uu huri waayay.

Halkaas ayuuna ku macasalaameeyay isaguna. Sacdiyo habeenkaas waa ay ka baaqsatay in ay hore u sii sagootiso, sababtoo ah, hooyadeed Axado oo deriska haasaawe iyo fiidsi ugu maqneyd ayaa timid amminkii uu Joon baxayay. Halkaasna waxa kusoo dhammaaday in ay Joon banbixiso/sagootiso, si ay ugu hubsato in uu raacay Koostarkii geyn lahaa xaafaddiisa. Habeenkaas labadoodiba iyaga oo hoganaya, hoosna u hundhura ayay ku kala dalcaabeen, faraxadda iyo welwelku waa ay isu muuqdaane.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN