KADINBAX Q6AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX Q6AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Jaamac Yare ayaa intuu qosley ku yiri; waxbaa si naga ah ee nala joog si aan kuugu tilmaanno waxa dhacay. Ama naga tag annagaa hoos u wada hadleyna e. Shidane intuu yaabay! Ayuu ku tiraabay; waa idin la joogayaa ee maxaa dhacay? Warka daaha ka qaada. Qof kale intaysan hadlin ayaa Joon lasoo booday; nimankaan aan isku fasalka nahay, si gaar ahna saaxibbo u nahay ayaa GODOB iga galay ee noo kala garqaad shidanow maadaama aad naga Da’ weyn tahay. Shidane oo aan waxa meesha ka socda garan ayaa yiri; Haye! Waan idiin garnaqayaa qoladii gardaranna waan casaari doonaa ee kulligiin diyaar ma u tihiin inaad ku qanacdaan Go’aanki aan soo saaro, markaan arrimihiinna derso? Asigoo u raaciyay mahmaahdii ahayd: “Garu laba kama wada qosliso” hal mar ayay HAAH! Isla yiraahdeen, iyagoon war iska heyn. Jaamac Yare oo raba in si dhan Joon wax loo garansiiyo ayaa u daba dhigay Shidanow qoorta ayaan kuu dhiibannay, gadaashaadana ka guryami mayno e, garta noo kala rid. Wuxuu ku xoojiyay shiribkii ahaa:

  • “Biliso ballaneey taqaan
    Bakhtina wax walbow bannaan.”

Shidane oo halkaas fursad ka helay ayaa ku tiraabey: hadalka yaa billaabaya oo ku horraynaya? Joon ayaa si degdeg ah ku yiri; anigaa billaabaya maadaama dhallinta saaxibbadey ah ay Godobta iga galeen ee si fiican ii dhagayso.

Joon waxa uu sharraxay bahdilaaddi ay ku sameeyeen saaxibbadiis iyo inay ka dhigteen waardiye alaabtooda ilaaliya. Wuxuu u daba dhigay inuu Islaamay oo uu Towxiidka qaatay mar hore. Hadalkiisi wuxuu kusoo gebagebeeyay Islaannimadu haddii ay iga reebeyso inaan galo goobtii ay galaan saaxibbadeey waan iska deynayaa, berkee daacad baan u ahaa inaan Muslim dhab ah noqdo ee iska yeel-yeel igama ahayn. Ha ii sheegaano sharciga iga reebay Masaajidka iyo inaan iyaga raaco. Af-Soomaali jajab ah iyo Talyaani ayuu isku qasay Joon, balse, Shidane hadalka iyo doodda uu qabo waa fahmay. Markaasuu Joon ku yiri: “Garaasiyo” waad mahadsan tahay ee aan dhanka kale na waraysto, haddii ay sidaa ku yeeleyn sabab macquul ahna waayaan waa ka gar leedahay. Gartana ma doonayo inay iga noqoto gartii lagu jarribay Nabi Daa’uud (CS) ee waa inaan labada dhinac ba si fiican u dhagaystaa. Joon waa qosley maadaama Shidane si caddaalad ah garta u qaadayo. Wuxuuna yiri; bal iyaga na warso waxa ay damacsanaayeen markii ay Wash-maanka/Ilaaliye ama waardiye iga dhiganayeen?

Shidane dhankii dhallinyarada ayuu u jeestay kuna yiri; soo daaya sababta aad arrinka gabood falka ah ugu sameyseen wiilkaan saaxibkiin ah ee aad hore usoo Islaamiseen?” wiilashi waa is fiirfiiriyeen hal walba kan kale ayuu u il jebiyay asigoo u tilmaamaya inuu hadlo. Haddii ay dhowr daqiiqo is eegeen welina aan la arag ruux hadalka fura, ayaa Shidane si deggan u yiri; dhallinyaro hadla. Si gaar ahna wuxuu farta ugu fiiqay Jaamac Yare kuna yiri: wax yar ka hor adigaa igu yiri, naga tag annagaa is xalleyno e, ama nala joog aan waxa naga halleysan kuu sheegno e. Hadda warran gartu idinkeey idinku jirtaaye.

Jaamac Yare intuu Wadnaha gufaystay ayuu ku tiraabay: “Shidanow marka hore raalli ahaaw maadaama aan cabbaar kaa aamusneyn. Gartu waa nagu jirtaa walaalkeen Joon intuu sheegana waa run oo hal xabbo been kama ahan. Inaan bartaan uu taagan yahay uga tagnana waa sax, inaan ku niri; “Boorsooyinka, Buugaagta iyo Qalmaanta noo haay intaan kasoo dukayno inaan dhahnana ma inkirsanin. Laakin, sida aad ogtahay ba waxaa nahay ama ka dhalannay bulsho Islaam ah. Dhaqankeenna suubban iyo Diinteenna Islaamka ee xaniifka ahna ma oggola inuu ruux aan gudneyn oo buurya qab ah galo masaajid.

Ammin aan ugu sheegno saaxibkeenna ma haysan oo salaadda ayaa la aqimay, hore na ugu ma sheegin oo taas eeddeeda waan qaadeynaa. Waxaan se is laheyn ha ka horgaynina Baajada iska gooy ilaa uu iskiis uga fahmo macnaha dhabta ah ee Diintu na farayso. Hadda se dan ayaa nagu qasbaysa ee walaalkeen ha ogaado sababta aan ugu diidnay gelitaanka Masjidka waa intaas. Shidane oo arrintu u baxday, gartana halka lays-ku maan dhaafay ayaa yiri; Joonna gar leh, Jaamacna gar leh. Waa la wada qosley. Shidane waxa uu soo jeediyay inay galabta isugu yimaadaan garoonka ay bannooniga ku cayaaraan ee Koonis halkaasna lagu xalliyo garta inta ka dhiman.

Waxa uu yiri; waxan joognaa Masaajid baalkiis, waxaanna nahay arday Iskuul ka yimid oo waalidkood sugayo inta ay kasoo laabanayaan. Inaan halkaan ammin isaga luminnana sax maahan. Joon adna raalli noqo. Cudurka marka la garto sababtiisa iyo waxa uu yahay ka dib ayaa daawadiisa la baadi goobaa. Haddana cudurki waan ogaannay daawadiisina galabta ayaan helaynaa ee gurigaagi iska aad, idinkuna xaafadihiinni u qada doonta ee galabta Istaadiyow Koonis isugu keenna keena. Haddana nabadeey!” Joon asigoo dhabannada haysta! lana yaabban! albaabadaan midba maalin usii furmayo oo haddii mid uu galo mid kale isu ballaqayo ayaa yiri; “Aqbal iyo guddoon, waa na innoo galabta adna “Shidanow mahadsanid, Garaasiyo” halkaas ayaa lagu kala dareeray iyadoo qof walba aadday gurigii ay saakay kasoo sooftay.

La soco qeybaha kale

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN