KALA ARAGTIDUWANAAN!

KALA ARAGTIDUWANAAN!

Shaki kuma jiro oo waa biyo kama dhibcaan aragtida tiraa:

″Qof walbaa qumanihiisa ayaa qoorta ugu jiro″ ama dib u jalleec midda kale ee iyaduna tiraa:

″Wixii qof la qumman, qof kalena la tuur leh″ qummanaantu: Waa uun isla toosnaan, wixii ka soo haraase waa uun in loo arkaa qalooc ama qalloocnaan, ama si kaleba u dhige qalafsanaan. Qalafsanaantaasuna, waaba wax kastaa ka filo. Waana midda kugu abuurto shaki, cabsi iyo kalsooni darro aad u qaaddo qofkaa, qofaf kale ama naftaada lafteeda.

Isla qummanaantu, mug waa muuqa qofku isu arko iyo xarshaashka lebiskiisa iyo socodkiisa ama habka saanqaadidiisa. Middaasuse, waa dhallanteed dhab la mood ah ama muuqasare ku eke uun ah, gudahase allaa og.

Mugga kale isla qummanaantu, iyada oo dhallanteed ah ayay ka geddisan tahay middaan muuqa ah, balse lafteedu waa uun dhallanteed. Waa mugga qofku, isga oo aragti yarba lahayn isu arko in uu wax walba arki karo. Hadda ogow aragtidaan maahan midda dadka qaarkii ay moodaan ee waa halkii Ina-Cubtan ka lahaa:

Waxa aan indhuhu qaban-dareen baan ku eegaa!

La soco Q.xigta

Xuseen Wadaad

huswadad@hotmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN