Kalgacaylkii Kureynimada Q1AAD W/Q:Cabdisalaam Saciid Xaaji

Kalgacaylkii Kureynimada Q1AAD

Iskoolku waxuu jidka 30’ka ka saarnaa dhanka koofureed, iyaduna waxay fariisan jirtay kaabad kabisa oo iskoolka agtiisa ah. Waxay ahayd gabar  qurux u dhalatey oo indho waa wayn, midabkeedu wuxuu ahaa oo casaan dhiin oo aad u dhiig furan, Soo jiidashona leh, ma ahay qof hilboon ee waxay ahayd Caato dhildhilan, hubaal waxay ahayd mid indhaha arkaa aysan ka jeesaneyn ilaa uu jaleecada la jeediyo dhankey ka xigto xitaa haddii uu dhaafo qurux dumarna u dhantahay.

Inkastoo markii dambe isku fasal noqonay, haddana  markii hore waxay ka mid  ahayd ardayda fasallada kale.  Waxay ahayd gooni daaq oo inta badan ardayda maysan soo dhex gali jirin, balse marka tartan jiro, ama imtixaan waxay ahayd qof dhiiran,   oo kaalinteeda ka soo dhalaasha.

Inta badan waxaanu isku ahay lid oo way iga soo hor jeedi jirtay. Maalmo kaddib waxaan dareemay in arageeda uu iiga duwanyahay dadka kale, anigu markaas waan yaraa waligayna waxba ma jeclaan, ismana lahayn wad jeclaan doontaa,l! Sababtoo ah deegaanka aan asal ahaan ka soo jeeday jaceylka aad loogama aqoon, guurka uun baa  laga yaqaanay.

Waqti badanba kama soo wareegin marka aan dareemayo inaan har iyo habeen gabadhaas ku hamminayo, Jacaylku isuma kaa sheegayo, waxaase dareemaysaa dabeyl ka duwan tii hore,  qofka marka aad jeclaato, wuxuu noqonayaa mid aad  had iyo goor danayso, u bogto aragiisa, ku yididiilooto la joogiisa, ku faraxdo la sheekaysigiisa, astaamahan iyo kuwa badan oo kale oo ay ugu darantahay sawirkiisa oo maskaxdaada ka dhex shidan sida filinka waa kuwo qofka dareenkaasi daaro u dhaqan ah.

Hadda waa lay daarey, mase garan karo qaab iyo wado ii sahli karta inaan dareenkayga sheegto,  oo aan la wadaago mida aan gacloodey, muddo ayaan ahaa  bukaan socday. Jawiga magaalada Muqdisho markaa wuu iska daganaa, dhallinyari ahaan kala qoqobka magaalada maanan dareemi jirin, bal habeennada qaar meelo fog fog baan iskaga kala lugayn jirnay.

Waxay ahayd maalmo lagu guda jiro bisha  ramadaan dadku way wada faraxsanyihin, aniguna waxaan ku fakarayaa sidaan arrinkaan igu cusub u Sheegan lahaa, inkastoo uu buuro igala waynaa geerina igala naxdin badnaa, haddana waxaan soo gatay warqado diyaarsanaa, oo bakaaro lagu gadi jiray. Waxaan hayay warqadaas mudo 10bari ah oo aan ka cabsanayay si aan u gudbiyo.

Hadda waxaa la gaaray xiligii uu arrinkaygu qarsoodi ka bixi lahaa, waxaana la wadaagay saaxiibkey,waxuuna balan qaaday inuu isla maalinkaa oo ahayd maalinkii iskoolka la fasixi lahaa 10bari oo ramadaanka ka harey owgeed uu warqada  u gaynayo.

Gabadhu dabeecad waxay u lahayd in marka iskoolka laga baxo ay toos gurigeeda u aado, xaafadeeduna iskoolka kama dheerayn, nasiib wanaag saaxiibkay warqadii wuu ka daba qaaday, kaabbadq guriga ayuuna kaga daba tagay, iyana kaliya waxay waydiisay milkiilaha codsiga, isna wuu usheegay, sidaa ayayna kaga qabatay.

Warqadii gudubtey oo gaartey gacantii gabartaan jeclaa, ee kaddib maxaa dhacay? Ma soo dhaweysey Codsigeygii, ma gaarey ujeedkaygii? aqriste waxaad is weydiineysaa su’aalaha aan isla maalintaas is weydiinayey, haddaba qormada dambe sidii xaal noqdey

 La socda qaybta xigta.

W/Q: Cabdisalaam Saciid Xaaji

abdiselamhaji@gmail.com

SHEEKOOYIN