KAYMADOOW FALAN-QEYN KOOBAN W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KAYMADOOW FALAN-QEYN KOOBAN

Dhiganahaan “KAYMADOOW” ee uu qoray, qoraa: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi), Waa sheeko maanfur ah, kana waayo warramysa, dhacdo soo martay sooyaalka ummaadda Soomaaliyeed. Waa sheeko ku suntan rafaad iyo raaxo is dhinac-yaal, waa rafaad oo waxa ay si qotodheer uga faallooneysaa, dhibaatadi, rafaadki iyo diiftii laga dhaxley abaartii dabadheer ee galaafatay nolosha dadka iyo duunyadaba. Waa raaxo oo waxa ay tibaaxaysaa in faraadkaas ay ka daba martay barjin iyo baraare.

Haddaba aniga oo kansho (fursad) u helay in aan sheekadaan aqriyo, waxa aan leeyahay; waa sheeko muddeysatay in lagu eego il-iftiin badan leh! Sheekadu waxa ay bannaanka soo dhigaysa, walxooyin anfariir leh! Dhaqankeennana ku jira oo u baahan in bulshada loo bidhaamiyo. “KAYMADOOW!” waa magacbixin tacajub leh! oo isla goorta aad maqashaba gucanyso in ay tahay meel aaney hoodada iyo ayaankuba oollin. Dhiganahaan; KAYMADOOW! Waxa uu si ilfiiqnaan ah aragti guud uga dhiibayaa, quraafaadka faaliyaha oo aan marnaba noqoneyn mid dhaboobaya oo run ah.

Qoraagu waxa uu ku dhiirraday in uu bidhaamiyo tab aan weli laga hadlin taa soo u baahan in bulshada farta loogu fiiqo, loona tilmaamo in aanay meel isla geli karin qaddar Eebbe iyo qowl faalshow!….Soomaalida ayaa tiraahda; “faalshow janno ma galo!” taasoo ah odorosid ay ammin u hureen ogaanshiyaheeda, waayo, Eebbe weyne mooyee ma jirto cid kale oo sugashada (qeybka) og ama ka hadli karta, tilmaami kartana walxuhu sida ay noqonayaan. Qoraagu waxa uu garasho saldhigatay ka haystaa dhaqankaas gurran ee tafaafulka iyo faalka ah.

Dhiganahaan Kaymadoow! Iyo dhacdada uu werinayoba waa kayd kusoo kordhay “wacaalka jooga iyo siiyaalka dhimman ee la sugayo, jiilasha dambana waxa uu u yahay madal tixraaceed muunad iyo milgeba u lahaan doonta.”

Shifo ku afsaar “KAYMADOOW!”

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN