KEDISKII I KADEEDAY Q-2AAD W/Q:- Cabdikariin Cabdulle (Ugaas Jallaato)

KEDISKII I KADEEDAY Q-2AAD

Tooxoow oo aad ula dhacsan quruxda iyo dabeecadda Alle iskugu daray iyo degganaanshaheeda iyo sida ay hadalka u heli ogtahay ee hoosta iskala hadlaayo, malaha socodbarad aan ahay waxa ay ula jeedday ha kuu  maleeyo inaad ugu yaraan dhaawac mar dhaw lugaha kaa gaaray oo aad kasoo bogsooneyso socodkiina uu ku dhibayo ama cuuryaannimo suu yiraa qushigeeda ka war doon ma wan digsigiisii wataa cidlo lagu daayaa. Waxa uu isla tallamo ilbiriqsigiiba uu kun arrimood is tuso ayuu baskii istaagay, Shankaroon hooyadeed oo sugeysana gaarigii ayey kasoo dagtay waxaa kasoo daba degay wiil dhallinyaro ah oo qiyaastii 35 ilaa iyo 38 jir ah oo lix feerood ah surwaal iyo funaanad tiq ku ahna ku labbisan jaakad yarna ay garabka u saaran tahay, wiilka iyo Shankaroon isma muuq yaqaannaan balse dhowr mar ayuu cod dhaweeyaha kala hadlay waa mid af macaan oo faan badan hooyadeed ayaa la jeclaatay inuu gabadheeda guursado waliba ay hiil iyo hooba la garab joogsaneyso, maaddaama ay qaraabo geed madoobe yihiin wiilka hooyadiisna ay saaxiibo shaan jireen beri sammaadkii inkastoo wiilka hooyadii aysan dalka joogin haddana waa is maqlaan, wiilkase waa mid doobnimo ku raagay gabdhahana mustaqbalkooda lumiya mid walba markii ay ku hungowdo ee waqti ka lumiyo ay isjeed u nacdaa, balse, labadaan waalid waa war moog.

Si kastaba arrinku ha ahaadee maanta waa maalin maddaleed  in Cali Shabaax iyo Shankaroon la is baro is barid maahee la isku kooleeyo oo Shankaroon hooyadeed halkii ay gabarteeda dejin laheyd iyo qaabka aroosku u dhici lahaa ayaa xifaaltan ugu jirtaa mar lee may isla oggolaadaan. Dhan kale Tooxoow markii uu baska istaagay indhihiisana uu ku arkay wiil iyo Shankaroon Hooyadeed uma joojin intuu gacanta u taagay ayuu si naxariis ka nuuqato haye abbaayo hab ku soo dheh waxaa la gaaray xilligii aan ku socod bari lahaa. Shankaroon ayaa gacantiisa qabsatay inta u soo hinqatay xaggiisa oo uu kursigii uu ka istaagay soo fadhiisatay ku tiri: Dhagtaada ii soo dhaweey, markuu u dhawaaday wiilka hooyo la taagan waa mid la ila rabo aniguse ma rabo la kulankiisa mana aha ninkeyga mustaqbalka aan waligey ku hami jiray sababta kaligey in aan  bas soo raaco igu kalliftay ayaa aheyd xujo ayaan uga dhigaayay si aanan u la kulmin waa dad dan leh waa ay aqbaleen in aan bannaanka isku aragno gurigana waa uga dhaartay inaan kula kulmin illeen qof marti kuu ah waa ceeb inaad halgaaddaaye adiga iyo ragganimadaada  cidna ha u joojin haddaad sida aad hadda qalbigeyga u qaadatay ii hanatid abboowe adigaan ku ahay.


Tooxoow oo markaan is laheysiiyay shankaroon su’aalo badanna la maaggan ayaa ku yiri: ‘Abbaayo calaf waa iska halkiisii aniga iyo adigase is barasho ayaa iskugu keen laaban, sidaa darteed, markii uu halkaa marayo ayey kasoo dhax gashay oo tiri: ma moogi taas waxaanse hubaa inaad tahay kaan ku naalloon jiray inaan nolol la wadaago midna ku darso su’aasha aad soo wadday aan ku siiyo jawaabteeda dhulku waa oobasiibo wali cabbir lama saarin dhibka ugu weyn oo ku soo wajihi doono waa hooyadey oo ila rabta halkaas dhakada dheer leh aad u maleysid baskii Abuu-raas anigana geeri ayaan ka xigaa, wali ayadoo hadalkeedii sii wadata ayey tiri: ‘Labo sanno oo aan xaafaddaan degganaa maalin walbo markaad gurigaaga ka soo baxeyso iyo markaad sii galeyso waan kugu il doogsan jiray waxaan ku duceysan jiray In Alle i kaa siiyo maxeyse kuugu taal halkaa ayaan xabsi guri ku ahaa oo Jiimbaar jiif ii taallay.

Tooxoow oo afkii juuqda gabay ayaa yiri Abaayo maxaa xabsi guri kaa dhigay? Say tiri waxba sow adimadeyda ma eedsan. Tooxoow ayaa ku yiri sideed u eedsatay? Say tiri:  ‘markii aann15 jirsaday odayadii iyo dhallinyaradii ayaa ciddeenna iga soo doontay aabbaheyna waxa uu yiri: Gabarteydu ma qaan gaarin waxbarashana waa u socotaa, balse, ninkey iila timaado ka ma reebi doono mase jirto inaan qasab ku guuriyo. Waxaa dhacday maalin maalma ka mid ah anigoo awalba  muuqeyga iyo da’deydu aysan is laheyn ayaan soo labbistay si aan uga qeyb galo xaflad aroos  intii damaca guur iga laheyd oo yar iyo weyn aad mooddo in meesha lagu ballamiyay ayaan soo hormaray  hal mar ayey ii billaabeen afkooda barijiray ayaan Baraawe aaddiyay.

Arooskii ayaan tagay wax la boodboodo oo la baashaalo kursi ayaan salka la helay, markii aan saa u fadhiistay wallaalkey ayaa i soo kor istaagay asagoo leh soo bax hadda. Waa isku naxay waxaan iri cuudubilleyso maxaa dhib oo jira kooxdii Luumbiga hadda soo galeyso? Suu yiri nin baa sakaraad ah oo magacaaga ku qafiifay wadaadaddiina waxa ay dhaheen gabartaan ha la keeno si loo badbaadsho, waana ina adeerkaa Axmed dheere ee soo bax. Axmed dheere waa walaalkeey iga weyn  aan isla soo kornay ee see wax ka yihiin. Markii aan guriga adeer tagnay maya horta guriga intaan adeer u sii soconnay culeys ayaa lugaha la iga soo saaray caga-jiid ayaan billaabay.

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo

W/Q:- Cabdikariin Cabdulle (Ugaas Jallaato)

SHEEKOOYIN