KEDISKII I KADEEDAY W\Q: -Cabdikariin Cabdulle Culusow

KEDISKII I KADEEDAY

Muddo ayaa ka soo wareegatay, xilligii aan shaqada billaabay, markaan yoolkeygu waa in aan guursado guri cidlaa lagama soo jeedi karo waxaa ii shidan heestii Xasan aadan Samatar ee ahayd.

  • Markaan da’da jiray shan iyo toban
  • Markaan damac guur lasoo kacay
  • Dooqeyga markaan u sahan tagay
  • Nafteyda mid aan u door bido
  • Hablaha ka day dayo markaan iri
  • Dabeecadaheeda gaar iyo….

Diricii dhaqaaqaba ishaan la sii raacaa qaar badan ayaa baas ii dhigo, balse, taan rabay iima muuqato gabdhihii aan isku fiicneyn baaskana ii dhigaayay ayaan dhiraandhirin ku sameeyaa waa wada dab iyo holac midba midda kale ka daran tahay, ka qurxoon tahya, ka dabeecad wanaagsan tahay, mid la tuuro ma leh mid aan qaatana waayay.

Wax ay maalmahu is guraan ee uu arrinku igu koobnaado waxaan go’aansaday widaaygeey Jallaato in aan talo weyddiisto illeen haddaad wareerto waayo aragaa la wareystaa, maba ka daahin ee teelkiisa ayaan ka wacay una sheegay inaan rabo inaan la kulmo maanta. Waxa uu igu yiri Afarta galabnimo hey dhaafin iigu imaaw shaahaagana adaa iska bixinaaya hadhow ha iila soo gafuur xumaan waxa dhan anaa dhiibaayo, warsan iyo nabad aan ku kala tagnay.

Markaas waa koowdii duhurnimo masaajidkaan sii maray oo salaadda duhur ku tukaday ilaa labadii duhurnimo masaajidkaan iska joogay guriga ayaan ku soo laabtay waa is diyaarshay markii labadii iyo bar la gaaray gaarigeyga ayaan soo galay markaan dhaqaaq is dhahay ayaan go’aansaday inaan baska raaco maaddaama aan ammin badan heysto, bartiisa inta ku damiyay ayaan halka baska laga raaco u soo lugeeyay.

Kolkii aan sidaa u soo istaagay waaba kan oo waa yimid, waxaan noqday qofkii u danbeeyay oo galay kuraasta dhan waa la buuxshay ilaa mid mooyee kaasna waxa fadhida gabar qiyaastii 20 jir ah Quruxdeeda aan indhaha loo dhameystiri karin, midabkeedu waa maarriin dahabiya qoorteeda dheer ee dahabku ku xardhan yahay sankeeda aad mooddo guryihii shiineyska fooddooda indhaheeda cad cad ee baliisha qurux dumar Alle ayaa u dhameeyay si kale uma taqaanide waa ku mashquulay daymadeeda il qabadka leh.

Waxaan damcay inaan salaamo ka dibna weyddisto kursiga bannaan in aan fariisto nasiib darrose afkii baa juuqda gabay, maskaxdaan ka doodayaa qaabkii aan su’aasha u weyddiin lahaa abbaayo maad dhahdaa, walaasheey maad dhahdaa, xabiibtii maad dhahda ayadana waa ay dareentay inaan ku mashquulay ee aan baxsanahay. Intaan naf iska baadhbaadhay ayaan ku iri abbaayo meeqa sano ayaad jirtaa? Ayadoo ilko caddeyneysa ayey iigu war celisay Abboowe soo dhaaf meel dhaw baan ku dagayaa. Aniga naxdin dhinacyada fiirfiirshay sidii ruux koronto qabatayna gacmahaan la jareeyay afkeygaanoow maxaa kaa yeeray naftaan canaan ugu dhaqaaqay yaa ku yiri Dumar ayaa da’dooda la weyddiiyaa kaaga daran kursi doon leeba aheydee xaa ku qaaday ma eray kalaad weyday maqane jooge baan noqday. Inta kursiga kale u hilhilatay bay mar kale igu tiri soo fariiso walaalow, intaan salka kursiga la helay ayaan ku iri waad mahadsan tahay abbaayo iga raalli noqo qaladna ha ii fahmin runta waxa ay tahay in aad i maan qaaadday anigoon wax aqoon ah kuu laheyn waana sababta aan iskugu dhax yaacay barasho wanaagsan magaceygu waa Tooxoow Bashaash.

  • -Ayadoo hoos fiirineyso ayey tiri barasho wanaagsan magaceygu waa Shankaroon ee xagee ku socotay?
  • -Tooxoow oo aad mooddo in uu qaboobay markaan ayaa ku yiri magaalada hoose ayaan ku socday waxaana la ballansanahay widaaygeey Jallaato oo aan muddo is arkin.
  • -Waa gartay ayey si xishood ku dheehan yahay u tiri Tooxoow ayaa mar kale hadalkii sii watay oo yiri, Abbaayo is barashadu waa wax wanaagsan haddaan jidka laga leexin ee halkee ku socotay xaafaddeedse deggan tahay?

Shankaroon ayaa ugu hal celisay kama fogi halkii aad baska ka soo raacday. Tooxoow oo bareek ku dhagay ayaa candhuuftiisa dib u liqay oo ku yiri oo ma isku xaafad ayaan nahay waligeyna kuma arag waa wax la yaab leh. Shankaroon ayaa tiri haa abboowe ha ku wareerin waayo mar dhaw ayaan soo dagnay oo aan laba sanno ka badneyn ee anigaan guriga illinkiisa soo dhaafin markaan soo baxayana gaari baa la igu soo qaadaa maantaa iigu horreyso bas aan raaco, socod baradna waan ahay. Tooxoow erayga socod barad ayaan ahay xoogaa waa uu ku adkaaday qofkaan reer magaalka da’na ku yareyn socod barad waxa ay ula jeeddo ma dhanka shukaansigaa aysan isku fiicneyn ma magaalada ayeysan kala aqoon kun su’aal ayuu is weyddiiyay, markaas ayuu iska soo jaray maxaad ka qabtaa haddaan isku sii lug darsanno. Aamusnaan yar ka dib ayey ku tiri waxba kama qabo, balse, ha dhayalsan socod barad ayaan ahay. Tooxoow markaan yaabban ayaa yiri waligeyba hadal dhayal uma dhihin, intaa kuma ekaane waxa uu u raaciyay..

  • Qowl laawane maahi
  • Qaddarta Eebbe ma diido
  • Ee qalanjooy inna keen.

Ayadoo farxad iyo reyn reyn ka muuqato ayey hoos iskula hadashay wiilkaan waa kii aad nolosha la qeybsan laheyd nin karmeedsanaa

Awoowgaa Alle jannee,
Qaaligii nafteydoow
Qacdaan ku arkaad
Qalbigeyga qaadatee
Ila qabo jaceylka.

Intaa markii ay nafteeda kula faqday ayey u soo dhawaatay oo ku tiri: Abboowe waan ku raacayaa, balse, hooyo inaan u sheego waaye meesha aan aadeyno. Tooxoow markaan teelkiisa ayuu soo bixiyay si kalsooni leh kuna yiri hoo oo halkaan ka wac. Waxa ay ku tiri maya walaalo waxa ay igu sugeysaa halka basku uu istaagi doono. Allah waa kaa gaarigeediina waa u sii raacsiisay. Markaan Tooxoow indho ayaa kasoo haray sida sahalkaa ay wax walba u dhacayaan iyo isla oggolaansha aan kala shakiga laheyn qalbiguu iska leeyahay…………..

La soco qeybta xigta haddii Eebbe idmo

W\Q:– Cabdikariin Cabdulle Culusow

SHEEKOOYIN