KHEYRAADKA DALKEENNA IYO DIIFTA DADKEENNA W/Q Naciima Xasan Xuseen

Unknown

KHEYRAADKA DALKEENNA IYO DIIFTA DADKEENNA

 

Calaf ninuu u diidaa

Cuni waaya mooyee

Ciiddeennu waa hodan

 

Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah, ee uu Alle ku manneystay sida: Xoolaha nool, beeraha, macdanta, kalluunka iwm.

Soomaaliya waxay ka mid tahay, dadalka dunida ugu xeebta dheer, waxaana lagu qiyaasaa dhereka xeebteeda 3332km.

Xeebtaa oo leh kheyraad aad u fara badan, waxaana la sheegay, in ay ku jiraan kumannaan sinji noole badeed oo kala duwan, taas oo soo saarta cuntooyin dabiici ah oo kala duwan.

Dhanka xoolaha nool markii la fiiriyo, dalkeennu waxaa lagu tilmaamaa, dalka dunida ugu Geela badan, waxaa kale uu hodan ku yahay, xoolaha la dhaqdo sida: Lo’da, Ariga iyo Fardaha.

Waxaa kale, oo ay leedahay ciiddeennu ugaarta noocyadeeda kala duwan.

Marka loo yimaado, dhanka beeraha dalkeenna, Bedka dhul beereedka ah wuxuu gaarayaa 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku habboon siddeed-meelood oo meel [1/8] ama 8 million hektar.

Waxaase la yaab leh, dalka kheyraadka baaxaddaas le eg leh, oo uu dadkiisu darxumo, duruuf, daryeel la’aan, iyo dacdarro uu daalaa dhacayo,

oo markii Soomaaliya la soo hadal qaadaba, maanka dadka ku soo deg dega Macluul iyo dhibaato!

Balse arrinta ugu  weyn oo aan jawaabta u waayay waxay tahay, maxaa hortaagan in laga faa’iideysto kheyraadkaas? Ma maareyn la’aan baa jirta, mise, dunida in la tuuksadaa dan la mooday? Aaway aqoonyahannadii dalkaan u dhashay? Maxaa ina baday in Beesha caalamka qeylo dhaan loo diro innagoo nimcadaan ay dhex taal?!

 

W/Q Naciima Xasan Xuseen

asmaa891@hotmail.com

SHEEKOOYIN