KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                             KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybta 13aad

Idil waxay lahayd dhiiranaan u gaar ah oo ku muujin jirtay waxa ay ka xanuunsato, inkastoo raga aysan la dabaaqtami Karin, dumarka ku loodka ah ee xaqdarradaas ku dhaqma way uga digi jirtay wayna kala diriri jirtay, mar walbana waxaa lagu dhihi jiray mar dhow ayaa timid wali gaarigii lagugu keenay lagama dhaqain dhiiqadii Waddada micnaha waxaa jirtay markaas oraah ay Soomaalida Muqdisho markaas isticmaali jirtay, taas oo ahayd soo galootiga Axadda, oo ay ula dan lahaayeen dadka soo galay magaalada maalintii ugu horeysay ee ay Xabadda ka dhacday.

Inkastoo qoraalkeena muhiimaddiisa aysan ahayn ka sheekaynta taariikhdii hore ee bilowga dagaalada sokeeye hadana maadaama ay qayb sheekadeena ka mid ah saamayn ku leedahay waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago aniga oo aan ujeeddo gaar ah ka lahayn, cid gaar ahna ku dhaleecaynayn Cid kalana ugu hiilinayn.

Idil habaryateed oo ay kusoo dagtay kalama kulmin soo dhawayn iyo Waji fiican, si danu ku keentay ah ayey ula joogtay, qanaaco wax la dhahana kama jirin labada dhinac waa idil iyo habaryateed oo labaduba ay dantu ku qasbaysay in aysan is dayn maadaama Qaraabo la yahay idilna ay magaalada qariib ku ahayd habaryarna ay gabadha walaasheed kusii dayn Karin magaaladan aysan sidaa u garan Karin.

Waxaa la dhihi karay idil iyo habaryarteed maadaama fakar kala duwanaasho uu ku kala dhex jiray hadana ma ahayn kala fogaanshiyaha fakarkooda mid sababay in ay is dayrshaan oo ku kala tagaan waxa Xaqa la isugu leeyahay.

Xaqiiqdii waa farriin wacan oo ku daysho mudan in laga qaato halkaa, dadku way kala fakar duwanaan karaan, hadana taas macnaheeda maahan in aysan isla socon Karin, waxaa jira wax badan oo ay labada qof ee kala fakarka ah ku midoobi karaan, hubaal waaye taas in sida loo kala fakar fogaan yahay, hadana looga midaysan yahay dhinacyo kale.

Idil da’deeda markan waxay kusii dhawdahay 30 Sano, marka loo eego muuqaalka wajigeed iyo jirkeedaba aad ayay uga Da’ yarayd, waxay ahayd gabar Cas oo dheer, jir ahaana dhisan, il qabad wanaagsana leh, ninka arkaana uusan ka jeesan Karin sii jeedkeeda iyo soo jeedkeedaba.

Qof walba sida uu u muuqda maahan, dhowr Rag ah oo qiima leh ayaa usoo bandhigtay idil in ay guursadaan, balse, markan madaxeeda kuma jirin wax Guur la dhaho oo waxaa la dhihi karay waa hore ayay quusatay waxayna aamintay in dunidan in ay ilmo ku dhasho aanan loo qaddarin, haddii ay Nin guursatana buuqii iyo dhibaatadii ay kasoo baxday oo kale ay dib ugu laabanayso, sidaa darteed, waxaa jiray hal Shardi oo ay nin in ay ku guursato ku xiri jirtay kaas oo ahaa in ninka ay guursanayso uu noqdo nin aan wax dan ah ka lahayn Ilmo dhalis.

Marka laga soo tago shardigaas ay wadatay hadana kuma jirin Qorshe dhow oo ay ku doonaysay in ay nin ku guursato, waxay lahayd Hammi Ganacsi, kaas oo muhiimadda ugu way ee ay ka lahayd ay ahayd in ay baahi tirto qoyskeeda Faqriga ah ee ay uga soo tagtay Miyiga, sidoo kalana ay iyadu noqota mid isku filan oo aan u marti u noqon Nolol la mid ah noloshii ay kasoo baxday.

Dhacdooyinka qofka ku dhaco nabar ahaan qofka kama muuqan karaan, balse saamayn ballaaran way ku yeelan karaan xusuusta dambe ee qofka, waana sida aan ka arki karno Idil.

Idil guurarka ka xumaaday oo kaliya maahan dhaawacyada ay tabaysay, waxaa la oran karaa waxaa saamayn ku yeeshay hadalada ay kala kulantay dadka ay xididka ahaayeen iyo bulshada ay markaa la noolayd oo ahaa in aysan waxba soo saaidin, micnaha wax Owlaad ah aysan dhalin.

Marka laga soo tago saamaynta ay ku yeesheen hadaladaas qallafsanaa idil, hadana waxaa mar walba jiray hammi ay lahayd oo riyadiisa ay jeclayd in ay gaarto maalin uun marka ay rabtaba ha noqotee.

Hammi in uu qofku leeyahay waa astaan muujinaysa in qofku gaari karo Guul, taas oo soo hor mari karta ama soo daba mari karta, qofka hammiga leh mar walba waa mid ka horeeya kan sugaha ah ee ku nool Rajada Calafka.

In aad hammi yeelataa ma ahan wax adag, balse, waxaa kasii wanaagsan in aad tahay qof doonayo muujinayana in uu ficil ahaan ku gaaro riyada hammigiisa isaga oo diyaar u ah caqabadaha ku hor gudbanaan kara hammigiisa, waana qasab in qof walba ogaadaa gaaritaanka hammiga in mar walba aysan fududayn oo caqabadaha ay yihiin kuwa is daba yaala oo la doonayo in looga gudbo si dhabar adayg ah oo karti iyo adkaysi ay ka muuqato.

Idil inkastoo ay hammigaas sare lahayd diyaarna u ahayd gaaritaankiisa in ay waddo kasta u marto, hadana wali wax talaaba ah ma qaadin oo waxay ku jirtay barashada dadka Magaalada iyo isla magaalada nafteeda, taas oo la dhihi karay waxay u ahayd lagama maar maan.

Kartida iyo fir fircoonaanta waa mid loo dhasho, idilna taas haybad ayuu Eebe u siiyay, waxaa intaas usii dheeraa in ay ahayd qof isku kalsoon, oo mar walba hubtay in waxa ay qabato ay ka gun gaari karayso, waxay kaloo haybad u lahayd samaynta Asxaabta oo waxay ahayd Qof Bulshay ah, dadaal dhinac walba ahna waxay u gashay sidii ay magaaladan ay ku riyoon jirtay uga soo saarto riyooyinka uga duugan.

Idil muddo yar kadib waxay nasiib u yeelatay in ay Shaqo yar ka hesho Dukaan Cunto lagu gado kaas oo ay habayarteed uga soo qal qaalisay islaan ay saaxiib ahaayeen, ilaa muddo ayey ka shaqaynaysay Idil, xoogaa Dhaqaala ahna waa ka aruursatay.  

La soco Qaybta 14aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN