KULA-LIHI| Q-17AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KULA-LIHI| Q-17AAD

Waa dhab ee maxay dhaqasha ii tahay?
Ma kula tahay in nolosha macaankeedu qabyo yahay, kol haddii la kala duwan yahay? Qaar dharag la daacaan, qola kale oo la deris ahna gaajo iyo harraad la jiifaan. Qolo daara ku hoyanayaan, qolana ciidda iyo dhagaxa ku dul dangiigaan, qola colaad iyo cabsiyi hayso cawo iyo maalin, qolana ku hoyanayso xayndaab xiran oo nabadeed. Xaalku waa allow alle.

Bal mug kale dib iila jalleec oo waxaas day, maya waxaan ka sokeeya day! Waa dhafanaan iyo isku milan wadareed oo kolkol kaa lumiya rabta aad joogto, maankana ka tira garashada wixii tegay.
Waa hee runoo minaad ka habowsantahay rabta aad joogto, mahaad ka timidna aadan garan, miyaadba garataa kobta aad hayaanka u tahay. Ma helo, lagamase yaabo in aad laba saan hore u qaaddo.
Saanqaadiddu lafteedu, armeynaba ahayn sida aad mooddo ama ay moodaan ama lafteennu aan moodno. Hadda ogow, anigu waxa aad qabto ayaan kula qabaa ama aan oggolaado ama aan ka gilgisho.

Gilgilishadu, waa uun xarrako ama dhaqaaq jireed, mug kalese waa mid maanka qofka ka yimaad. Waase qofkii leh awood maangilgilasho waxtar leh oo kaa duwi karta kuwaas habawsan ama adiga laftaada ku samatabixin karta. Waxa la dhihi jiray: ”Bad buuxda hal malaay ayaa qurmiya”, Haddii hal Malay ama Kalluun uu bad dhan qurminayay, sidee noqon kartaa ummad inta badani habawsantahay, sidee habawgaas uga badbaadi kastaa adigaas wax garta.

Garashaaduna, aanay waxba ka beddeli karin intaas kaa badan. Sow kolkaas nala noqon mayso in la wada degaa sida muuqato. War hooy, kolkaan waad sibibixatay ee is qabo kuye. Waxa kale uu sii raacshayna ”Sideed ku keentay in aad inta badan durto oo in yar uun garasho u yeesho?” Yaa gartay cidda iga hortimid oo ila doodaysa? Haddaad garateen, armeey garashadiinnu tahay mid aan wax ka soo qaad lahayn.

Aan ka noqdo rabtaan iyo isweydiimahaan aan jawaabaha lahayn. Xaan hee uga noqohaa? Sow su’aal walbaahi jawaab ma leh? Kol-kol armeyba qumman tahay in aan wax kastaahi laga jawaabin. Jawaabuhu, haddaanay jirin cid wax ku qaadata ama sida ay tahay u garata, armeyba qumman tahay in aan waqti iyo tammar lagu bixin.
Maya, maya maya, ama ha la qaato ama yaan la qaadan oo lagu camal falin e, adiga iska rid culayska ama rarka ku saaran uun.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN