KULA LIHI! Q-6AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”

KULA LIHI! Q-6aad

Saaxiboow, adi warkaaga guul-guul waaye nooh.War-koraadkaan naga dhaaf ee warkoo jilcan ii sheeg. Haddii, ay runi timaad ee guriga laguugu soo dhaco, seed wax yeelee? Laa, kaas maa dhib leh adi ma maqlinoo ”Abkeey doolli diloow dad nool maas u daahaa”. Waa fahmay warkiisa oo horaan u maqlay. ”Mukulaal minikeeda joogto miciya libaax ay leedahay”. Middaas ayaa biya kama dhibcan ah, ciddii nagu diiddo iyadeey jirtaa. Minii uun mininkaaga la isugu yimaad ”Ma ogi waxa aad reebaheyso”.

Jaalle, haddana waa kaa dib ii celshay ee i leh: ”Kaba-weyne” maxaas rabaana? Abaalka aas sheegaayana maxaas ahaay? Kaba-weyne, hadda kabaweyne maahan ee aan ku weydiiyee adigu kimistari ma dhigatay? Maxaad ka waddaana kaasna?, ayuu yiri Jaalle. Adkuhu, mar waa adke, marna waa hoore, mug kalena waa qiiq ama uumi. Adiguna adke hoore isu bedfelad ayaad adke u aragtaa oo aad maanka nooga qaadday.

Cod Dumar oo aan doodda hore ugu jirin ayaan haddana maqlaa, iyadoo leh; ”wax kalaanba ku mashquulsaneyn in aan fahamnee, maxaad noogu celisay duruusti macallin Dhankaloow iyo Cabdisamad Waasuge”?. Waa run, in macallimiintaas iyo kuwa kaleba ay dhigaan maaddooyinka cilmiga khubarrana ay ku yihiin, wixii ay dhigeense ma waxeey joogaan nadari ”aragti” mise camalina waa loo beddelay?

Mise ogtihiin, in adkihii, isga oo aan is rogin Dubbe lala dhacay lana kala faniinshay, kolleey, midba rabta uu ku dhacay ayuu dareeri ku noqohaa, minii kale isaga oo cadkiisa yar ah ayuu adke ku soo noqohaa. Gebereey, adigu degdegta jooji oo na koro inta aad nagala qabsato. Haddaba Jaalloow, xaalka ”Kaba-weyne” waa kaas, minii uu lur kugu haayo iyo minii kaleba. Jaalle oo markaan raba in uu dooddiisa adkeeyo ayaa yiri: ”Yaa la dhacay adkaha aad sheegeyso dubbaha mise buruska?

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN