Kulanka Laashin ee sagaalguuradii Laashin

Habeenkii ay bisha september ahayd kow ayaa waxaa sagaal jirsaday madasha Laashin oo aas aaskeedii laga joogo 9 dabshid.Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin ayaa waxaa la aas aasay 01.09. 2014kii, ilaa maalinkaa waxa ay bahda Laashin iyo hawlwadeenadiisuba wadeen, horumarinta iyo tayeynta Afka, Dhaqanka iyo suugaanta.

Laashin ayaa ku bilaabatay qaab mareeg ahaan bilowgii, kaddibna waxa lagu soo kordhiyey 2017kii Madbacad soo saarta buugaagta qorayaasha soomaaliyeed, haddana 2020 ayaa lagu soo kordhiyey madal lagu lafa guro shirarka iyo kullamada Afka, dhaqanka iyo suugaanta iyo sooyaalka bulshada soomaaliyeed.

Habeenkii xuska iyo dabbaaldega Sagaalguurada Laashin waxa ka soo qaybgalay, Af aqool geyiga soomaaliyeed si weyn looga yaqaan, oo isugu jira qorayaal, Hal abuuro kala duwan.

Waxaa laga hadlay saddex arrimood. Dhaqankii hore, iyo dhaqan burka dhacay, Afka iyo u hiilintiisa, Hal abuurka iyo curinta tix iyo tiraabtiisa.

Waxaa furay  madasha  habeenkan furay guddoomiyaha Laashin, Mudane Xuseen Cabdulle Wadaad, oo si weyn u lafa guray, hawsha laashin iyo waxqabadkeeda, sidoo kalena ku soo dhaweeyey bulshadii madasha timid

Waxaa habeenkan madasha ka hadlay, Qoraa Cabdiraxiin Hilowle Galayr oo si weyn u lafa gurey burburka baahsan ee ku dhacay dhaqankeenna bulsho.

Sidoo kale Prof Giorge Banti oo u dhashay dalka talyaaniga kana mid ah dadka ku hadla ee qora Afka soomaaliga .

Waxaa kale oo Madasha hadal iyo sooyaal mug iyo muc weyn ka soo jeediyey, Prof Maxamed Cabdiqaadir Eenoow, oo si weyn uga hadlay, farriinta suugaanta iyo in sida ay bulshada soomaaliyeed ugu tahay lama huraan, qaabka hogatusmaynta iyo hilaadinta nololeed.

Waxaa isaguna halkan hadal gubaabo tirtirsiin, hogatusaaleyn iyo dhiirigelinba leh ka soo jeediyey Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ka hadlayey Hiilka afka iyo in baylahda laga dhawro loona istaago sidii Afka loo tayeyn lahaa loogana dhigi lahaa Af horumarsan oo bulshadiisu ku dhaadato

Waxa isaguna halkaas ka soo jeediyey, hadal muc iyo miisaan lahaa kuna saabsan tiraabta iyo tixda Prof  Cabduqaadir Cismaan Faarax.

Waxaa si weyn halkaa uga dhex muuqaatay xidigta reer Laashin Dr, Farax Sheekh Cabdirisaaq oo halkaas ka soo jeedisay Gabay kulansaday dhammaan arrimaha ay aqoonyahanaddu ka hadleen.

  • Afku waa astaantay bulshadu ool ku leedahaye
  • Abda male ninkii aan aqoon aadmiguna liidye
  • Agnaannimadu way ila xuntee soo akhriya buugta

 

  • Dhaqankuna ilaalu u yahay ooda wada taale
  • Isirnaanta meeshaad degtaa loo abtiriyaaye
  • Anshaxiyo asluubtiyo hiddaha baadha arartooda

 

  • Suugaantu waa erey murtiya ila xidhkeediiye
  • Allaheena wayn baa baxshoo iibna lagu waaye
  • Qofka aan ayaanteeda odhan wuu anbanayaaye

Waxaa isaguna halkaas hadal gubaabo iyo dhiirigelin isugu jira ka soo jeediyey aqoonyahan Salaad Cusmaan Rooble.

 

Habeenkan waxaa hawsha sannadguurada xidhiidhinayey iyo madashaba, Garyaqaan Shaafici Macallin oo ka mid ah  Qorayaasha iyo aqoonyahannada ku mideysan bahda Laashin.

Habeenkan ayaa ahaa habeen si weyn loogu lafa guray arrimaha ay inta badan bahda Laashin ku hawlan yihiin ee, kala ah: Afka, dhaqanka, suugaanta, sooyaalka iyo wax ka qoristoodaba.

Ugu dambeyn waxaa halkaas ku soo gunaanaday Guddoomiyaha isaga oo madlay in kulamo kala duwan oo kala guran mid walba la qaban doono, kulan looga hadlayo Afka, mid lagu lafa gurayo qoraalka iyo kuwa kale oo suugaanta iyo dhaqanka lagu qaadaadhigi doono.

Haddaad ka mid tahay dadka jecel aqriska, qoraalka, hal abuurka iyo hawlaha dhaqanka ku xidhnoow madasha Laashin.

Mahadsanidiin.

 

SHEEKOOYIN