Kuma ayaa tahay? W/Q; Barkhad Cabduqaadir Awcali

cropped-barkhad-1

 

Kuma ayaa tahay?

Inta badan kolka la ina weydiiyo weydiintan ama an meel ku-aragno, waxaa maankeena kusoo dhaca hayb iyo ab-saxan, waayo waxan nahay bulsho rubuc qarni isku jafaysay ereyo sal-yimaada meeriska kuwaas oo aad inoo kala dhambalay.

Haddaba weydiintu ma ahan mid u-dhacaysa hab-ogagaal haybeedka an u-adeegsano, ee waa mid la-xiriirta ogaalka qofnimo ee arwaaxdeenna.Si-aad u-hormariso qofnimadaada,waxaa muhim ah inaad sameyso,eegmo daacad ah,oo aad ku ogaaneyso qofka aad tahay.

Dhabtii waa weydiin ay adagtahay in laga warceliyo, waxaa maangal ah inaad rumeysantahay tahay inaad warcelinteeda garaneysid. Kol ay tagtadu ku-beegnayd 1995-tii ayaa Josef Luft iyo Harry Ingham waxay sameeyeen shax fudud oo uu qof walbaaba ku-ogaan karo qofnimadiisa waxayna u bixiyeen Johari window.Shaxdu waxay ka kooban tahay afar qaybood, kuwaas oo ukala taagan afar qaybood oo qofnimadaada ah.

              •    Keligaa ayaa og
              •  Qayb adiga kaa mid ah ee keligaa aad garanaysid.
              • Adiga ayaa kuwa kale tusa
              • Qayb adiga kaa mid ah oo aad garanaysid, dadka kalena aad tustid.
              • Dadka kale keliya ayaa garanaya
              • Qayb adiga kaa mid ah oo dadka kale ay arkaan, asii aadan adigu ogsoonayn jiritaankeeda.
              • Qofna ma-oga
              • Qayb adiga kaa mid ah oo adiga iyo dadkuba ayn ogayn.

1. Keligaa ayaa og

Qaybtani waa qaybta aadan jecelayn in ay qofna u-muuqato, waana qaybta ay dhaawacaan nabarada qofnimadaada soo-gaara muuq ahaan iyo dareen ahaanba, waana qaybta haysa dareemadaada cabsida, iyo gedgedoonka ah, hadii ay ahaan lahayd dhacdo horay kuugu dhacday iyo mid aad fashayba.

Si-digtooni badan ayaad ku-doorataa qofka aad dooneysid inaad u-sheegto qaybtan, kol haddiiba aad sheegaysid.

2. Adiga ayaa dadka kale tusa

Qaybtani waa qaybta aad adigu dadka kale u-tustid hannaan kala badan, adiga oo qiimeynaya xaddiga is-aaminaadeed ee idinka dhexeeya adiga iyo dadka aad tuseysid, qanaaco iyo xasilloonaan ayaadna ku-qabtaa qaybtan adiga kaa mid ah iyo xogta ku-kaydsanna, dadkuna way ku-marti-qaadan yihiin.

 3. Dadka kale keliya ayaa og

In-kastoo aadan ogeyn, waxaa jirta qayb qofnimadaada ah iyo xog adiga kugu saabsan oo dadka kale ay og-yihiin. Xogtaasi waxay ahaan kartaa falal-dhaqameedyo xun xun oo aad fashay ogaal la’aan. Sida inaad bishimaha qaniinto kolka aragti ama fal aadan hubin. Mararka qaar dadku waxay inaka arkaan waxyaabo aanan inaga isaga keen muuqan.

 4. Qofna ma-oga

Qaybtani waa qaybta adiga kaa midka ah ee haysa xog adiga iyo dadka kaleba ayan ogaalkeeda lahayn. Saynisku wuxuu inoo cadeeyay inaan maskaxdeena ka-adeegsano qayb yar oo ka mid ah. Xogta aadan ogeyn ee haddana qaybtan adiga kaa midka ah ku-kaydsan inteeda badan weligaa ogaanmeysid, balse qayb yar oo kamid ah ayaad soo bandhigtaa hadda iyo kolka aad koonka ka-tagtid.

Qaybtaadan afaraadi waa qaybta ay riyooyinkaagu ku-rumoobaan, aragtiyahaaga ugubka ah ay ku-dhashaan, sayniska cusub aad ugu fekerto deetana aad ku daah-furto, waana halka hal-abuurnimaadu ay ku-dhalato.

 

Waa qaybta ay ku-koraan aragtiyaha dunida bedela

Haddaba si-aad u ogaato qofka aad tahay soo qaado xaashi kuna qor ereyo toban gaaraya (oo isugu jira kuwo togan iyo kuwa taban) kuwaas oo kuu tusmeynaya qofnimadaada aad ogaalka u leedahay. Xooggana saar muuq-jireedkaaga, dabeecadahaaga, iyo aragtidaada nolosha.

Xaashi kale sooqabso kuna tax waxa aad umaleyneso inay dadku kaa aaminsan yihiin, una yeer ugu yaraan shan qof oo aad ku kalsoon tahay Oo kamid ah bulshada aad la-dhaqanto, sida saaxiibadaada shaqada, maamulaha shirkadda, iyo qof ama labo qaraabadaada ka mid ah, dabadeed weydii waxa ay kaa aaminsan yihiin, kuna dheh qaab farriimeed ahaan iigusoo dira aragtihiina.                                                                                                         Kolka ay kuusoo dhameystiraan farriimaha, ammin u-qaado inaad akhrisato waxa bulshadaadu ay kaa aaminsatanay, hana ka-caroon faallo aanan ku-qancin haddii aad farriimaha ku dhex-aragto, iskuna dey inaad uga mahadceliso saaxiibadaa waqtiga ay ku bixiyeen ka-hadalkaaga.

Ugu-dameyntana dhamaan faallooyinkii ay saaxiibadaa kaa bixiyeen isu-gey xattaa kuwii aadan ku-faraxsaneyn, kolkaas waxaad ogaatay sida bulshada dhexdeeda lagaaga arko.Haddaba haddii aad nala aragtay sababta ay muhimka u-tahay inaad ogaato qofka aad tahay, waxaa lagaa doonayaa qaybaha afarta ah ee an kor kusoo xusnay inaad dhaqan geliso, si-aad si-daacadnimo ah uga warceliso weydiinta, oo aadna u ogaato tub-nololeedkaaga.

 

Qore; Barkhad Cabduqaadir Awcali

barkhadawcali@gmail.com

SHEEKOOYIN