LABO DOOB Q.2aad (SHEEKO GAABAN) W/Q. Cabdiraxmaan Abaaley

LABO DOOB (Q.2aad)

W/Q. Cabditraxmaan Abaaley

Ayaamahu waa ay is eryanaayaan, aadamahuna waa ay daba habaqleeyaan, iyaga oo nayaayiro ka qaba nolosha sii qarqoomaysa.

Soo if-baxa iftiinka ooga waa bar,i waxaa xiga casar liiqa galab ay cadceedu sii caraabayso, ka dibna, gudcurka iyo cadada ayaa nagu simo subax kale oo aan naawilayno in ay dhayi doonto nabaradii shalay na soo gaaray. Humaagyada noo sawiraya nolosha aan rabno ayaa nagu hogaaminaaya gaaristooda, balse dhammaad ma lahan oo  geedka aad ku hiranayso, marka aad gaarto waxa aad arkaysaa, mid kale oo ka har wayn. Raysku waxa uu na madadaaliyaa inta rafaadka noo soo ruclaynaayo, balse rafaadka waa uu na silciyaa inta raaxadu ay noo soo ruqaansanayso.

Dhawr toddobaad oo uu iska celinayay in uu xaga Saafi u dhaqaaqo, galabta waxa uu u soo labistay in uu indhaha ka soo qaado si’ ay u xasisho  laabtiisan uu baholowyga biyo dhigay.  Waxa uu afka saaray muqaaxidii uu Saafi ku bartay, oo meel kale oo uu ugu hagaago ma uusan garanayn. Aragtidii koobaad Saafi aad baa ay uga heshay Gaaxdiid, balse markii uu u sheegay in uu balwad leeyahay ayay candhuufteedii dib u laqday, ka dibna waa ay iska ilowday.

Markii ay koobkii shaaxa ahaa soo ag dhigtay ayay ku tiri “xagee ayaad ka dhacday waa lagu waayay ‘e”? Isaga oo aan u jawaabin ayay hadalkii ka daftay oo ku tiri: waadba soo dhalaashay e’ miyaad dhooftay?” Ayay waydiintii hore u raacisay.  Halkii aan ku maqnaa iyo waxii aan marayba cutub cutub ayaan kaaga sheekayn e’ soo fadhiiso ayuu ku yiri.  Xaraarada sigaarkii oo uu iska joojiyay in ay xanuun ku noqotay ayuu u sheegay. Sikinadaa ay hadalkaa ay ka maqashay waxa ay uga dhignayd in janadii Fardawsa furaheeda la gudoonsiiyay, oo waxaa u soo dhalaalay ubax ay caro seel ku tuurtay. Sidii uu isku badalay markii uu uga sheekeeyay ayuu ugu danbayn, ku dhiiraday in uu jacayl u sheegto. Cabbaar markii ay ka aamusnayd isna indhihiisu ka libiqsan waayeen ayay hees ugu jawaabtay.

Amba kugu dhadhabayoo

Labadaysu dhigantana

Mid haduu dhantaalmo

Dhismo uma hagaagee.

Haddii aan ogaan lahaa, in codkaaga uu sidaan u macaanyahay cajalad aan ku duubto ayaan soo qaadan lahaa. Ayuu ku yiri. Iyada oo amaantaa iska bariyeelaysa ayay ugu jawaabtay “Beentu waa shay xaaraan ah”.

Gaaxdiid, waxa uu qol ka dagay gurigii walaashiis, waxa uuna shaqo ka bilaabay ganacsigeedii. Masaajidka oo sidii uu qaadka u bilaabay uusan fooda galin, ayuu ku xirmay, safka hore ayuu salaadaha ku oogaa.

Galab walba marka uu shaqada ka soo baxo, Bakaaraha ilaa Xamar-bile ayuu lugeeyaa, si uu uga soo shaaxeeyo, muqaaxidii oo ay markan Saafi toos ula wareegtay, ka dib markii Aabaheed uu noqday bukaan jiif. Inta uu waddada ku sii dhadiiqlaynaayo qalbigiisa waxa uu kaga sii horeeyaa muqaaxida oo waxa uu daawanayaa dhoollacadaynta saafi.

Gaaxdiid oo xawaare laxaadsi dhaafay, ruclena aan gaarin ku socda ayaa waxa ka horymid Gurey oo sidii uu uga guurayba ay kala baadiyoobeen. Is xaalwaraysi ka dib waxa uu u sheegay in uu muqaaxidii ka soo casirinaynaayo. “Sidii aan galabkii shaaxa muqaaxidaa u dhadhamiyayba meel kale kama casariyeeeyo” ayuu ku yiri. Gurey oo sii daba maraya ayaa kula kaftamay “waa shaax dan laga leeyahay”, ka dibna waa ay wada qosleen mid walbana dhankuu u socday ayuu u saanqaaday.

 

Gaaxdiid, markii uu Saafi u tagay ayuu ka codsaday in ay caawa dibadda ku soo caweeyaan. Habeen danbe maad nooga dhigtid ayay ku tiri, iyada oo ku cudurdaaranaysa in aysan hada diyaar ahayn. Waxa uu xasuusiyay in habeen dabne ay tahay 21ka October oo la xusaayo maalinkii kacaanka, dad badanna ay iskugu soo baxayaan fagaarayasha oo aysan ku haboonayn in la haasaawo.

Saacad iyo bar uu meherada ku sugaayay, intii ay soo mayranaysay ma uusan dhararin oo waxa uu ku soo celceshanaayay daawashada  xasuusta galabkii uu ku beermay jacaylkan noloshiisa badalay. Fadhigan uu kaligii xasuusaha la dhoollacaynaayo qofkii ku soo mara waxa uu u malaynayaa nin waalan oo aan miyir qabin. Isaga oo dhax quusay mawjadaha xasuusaha ah ee laabtiisu dhax qaaday ayay soo kor istaagtay Saafi oo labiskeedu uu jacayl labalaab ah ku beerayo. Saako huruud ah, garba saar diilmo diilmo leh iyo kuulaha qoorteeda ka lusha ayuu ku qiimeeyay labiskii ugu shidnaa ee uu abid arko.  Iyaga oo wada qoslaayo ayay soo raaceen taxi ay ka baxayso heestii (Isha sacabka mari) oo aad moodo Khadro Daahir, in ay si’ ka wanaagsan sidii ay ku yaqaaneen ugu luuqaynayso.

Afarta jardiin, markii ay maraayeen ayaa gaari xamuul ah oo fariinka soo goostay Taxi-gii ku dhuftay. Gaarigii oo sadex jeer rogmaday ayay dadkii ka ag dhawaa ku soo xoomeen. Labadoodii iyo darawalkii ayaa ambalaas lagula cararay. Qaybta gargaarka dag-daga ah ee isbitaal martiini ayaa la dhigay darawalkii iyo Saafi oo dhaawac halis ah. Isaga oo faashad madaxa kaga duubantahay gacana u shakaalantahay, ayaa subaxii la soo gaarsiiyay warka dhiilada xambarsan, waxaana loo sheegay in saafi ay naftii daysay.

Udub dhaxaadkii noloshiisa ayaa halkaa ku dumay, iftiinkii kaaha u ahaa ayaa basbeelay, geerida horteed ayuu dhintay, waxa uu qaatay sifo walbo oo lagu tusaalayn koro qof naftii ay daysay balse wali naqaska qaadanaya.

Gurey, waxaa la soo dagay Raage oo qalimow ay isku yaqaaneen. Raage waa nin banaanka ku soo qayila, afarta laan ee ugu danbaysa asaga oo gacanta ku wato ayuu saqda dhaxe u yimaadaa. Geedahaa yar inta uu ka raamsanaayo ayay sheekaystaan ka dibna mid walba ka kale ayuu ku dhahaa aroortii i kici.  Barqadiina “war maxaad ii kicin wayday” ayay isku eedeeyaan.  Gurey oo caro la gariiraya ayaa galab guriga u soo caraabay. Islaantii qaadka ayaa u sheegtay in aysan qaad danbe siinaynin, inta uu ka keenayo lacagta labadii rubac ee marba uu mid ka qaaday, intaa kama uu caroon,balse, markii ay ku tiri “facaa marduuf ayay lacagtiisa sii hor marsadaan, adna far i daymi ayaad la soo taagantahay! Soco i dhaaf faqiir yahow” kolkaas, ayuu aad u xanaaqay, qaad danbe haddii aan kaa iibsado ayuu hoos isku yiri, ka hor intii uu dhabarka u duwin.

Waa tii uu Xasan jiis kaaga guuray qolkan, maantana Wasaarada waxbarashada ayuu ka shaqeeyaa. Gaaxdiid waa kaa shaarka cadaystay oo asaaggii la baratamaya, adigu miyaadan is badalayn? Qolkaagu, ma wado horumarka loo soo maraa? Allaylahee waxaad sugaysaa inta Raage kaaga guuraayo oo adiga yaa ku dabray, maad uga guurtid? Xagee ayaan qaban, haddii aad furaha qolkan wareejiso? Gurey isaga oo naftiisa dood kula jira ayuu gam’ay. Barqadii Raage oo hurdo ka soo kacay ayuu u sheegay in uu qalimoow u amba baxaayo. “Qalimoow ayaan aadayaa oo geelii Aabbahey ayaan inta uu ii ogolaado ka soo kaxaysan, ka dibna intii ay ii gooyaan ayaan muqaaxi afar irdood ah ku furan” ayuu ku yiri. Raage oo wali yaab dartii juuq dhihin ayuu haladku u sii raaciyay “Surwaalkaa jeebkiisa, baakad sigaar ayaa ku jirta ee kala bax anigu qiiq danbe afuufi maayo”.  Raage, isaga oo aan eray ka soo bixin, ayuu firaashkii afgambooti isugu tuuray, dhagahiisuna, waxa ay sii maqlaayeen shanqarta dacaska gurey oo qolka gadaashiisa maraayo.

Gaaxdiid, isaga oo sariirta ku fadhiyo darbigana ku dangiigo, indhahiisuna ay ku maqanyahiin dayaxa, miriro ka hor daaqada uga soo bidhaamay ayay sagal casho soo hoos dhigtay, ka dibna baaquli ay ku daboolan tahay qadadii manta, ayaa ay ka qaaday. Xaalad maqane jooge ah ayuu galay, oo qalbigiisii waxa uu uga jaqaafiyay qolkan cidlada ah ee uu yaalo qalfoof ruuxdiisii ay dayrisay. Gabal dhacay iyo waa soo guduutayba uma kala gadisna. Ayaamuhu magacyo kala duwan bay u leeyahiin, balse macno uma samaynayaan oo mid walba midka kale ayay ula egtahay.

Qolkii uu saaxiibkii kaga guuray ayuu dib ugu soo noqday. Albaabka waxaa ka furay nin uusan horay u arag. Isaga oo aan salaamin ayuu Gurey ma joogaa ku yiri?  Hadal uga bilaabay. Ninkii, waxa uu u sheegay in Gurey laba bilood ka hor uu qalimow aaday. Is xaal waraysi dheer ka dib ninkii ayay is barteed. Magacaygu waa Raage. Anigana Gaaxdiid ayuu ugu jawaabay. Raage iyo Gaaxdiid waxa ay isku af garteen in ay qolkan isla dagaan. Gaaxdiid qaadkii ayuu dib u bilaabay sigaarkana si’ ka daran sidii hore ayuu u cabaa, oo marka mid uu haashkiisa damiyo mid kale ayuu sii shitaa.

Geeridii Saafi waxaa ka soo wareegatay labo sano, oo gu’gaan dabayaaqada ah ayaa ay saddex sano u buuxsamaysa. Gaaxdiid wali dhabankiisa ilmada kama faaruqin. Heesahii kale waa uu ka go’ay, dhagahiisana, waxa uu u gaaryeelay heesta goroyo, oo uu ilmada dhaayahiisa buuxisay isaga hooriyo.

“Caashaqani maxuu gabay

Laba guusha wada jecel

God maxuu ku kala riday

Laba guur isku ogaa

Geerida mid yiri hoo”

Intaa marka uu maqlaba ilmada ayaa biliqlaysa.

Habeen, iyaga oo wada cunaayo casho uu  raage uga soo qaaday huteelka Gurey ku leeyahay carwo-ciidka, ayuu Raage ka dhagaystay qisada aadka u xanuunka badan ee Gaaxdiid ku dhacday. Raage oo aad u murugaysan ayaa Gaaxdiid waydiiyay “Maxaad dib ugu soo noqotay qolkan qaabka daran? Shaqadaadii iyo noloshaadii, maxaad horay ugu sii wadan wayday?”

“Guushu dhadhan ma lahan, haddii aad waydo qofkii aad dartiis isku badashay” ayuu ugu soo afmeeray isaga oo aan sababayn kale u samaynin.”

SHEEKOOYIN