Ma Illoobi doono Q7AAD W.Q: Ibraahin-Nolosha

Ma Illoobi doono Q7AAD

badbaadday, shaqaalihii iyo ka soo qebgaleyaashiiba, qalqalse aan ka nabadgalin, iyo anigoo naxdin la leelleemoonaya, ayaa is garabsannay. Waxaan billownay gurmadkii nala gudboonaa. Saaxiibkey iyo reerkiisii, raq iyo ruux midna kuma hayo. Qof baa ii gacan haatiyey dhiiggu ka qulqulayo oo dhulka yaalla. Waan xambaaray. Dibaddaan u saaray. Wali waxaa la sugayaa gurmad caafimaad.

Dib baan u soo laabtay. Waxaa leyga horkeenay Bashiir iyo Xaliima oo la deddaaminayo. Wey ruux bexeen mar hore. Argagaxii baa igu sii kordhay. “Bile, walaal i caawi.” Waa Istaahil!

  • Utun ruuxa kaa gala
  • Marna lawa illaawoo
  • Ragannimana mey oran
  • Qof itaal laheyniyo
  • Xaawaley ka aargudo!

Aayar ayaa dhankeeda u soo tukubay.  Waa qaaday oo geeyey halkii dadka lagu daadgureynayey. Hoolkii muunadda lahaa, waa kan gubnoodka noqday ee dhuxuloobay. Waxaan eegay hareeraha anigoo gacmaha laallaadinaya tabardarro aawgeed. “Dhaqane…?” ayaan dhowr jeer ku dhawaaqay. Wax juuq ii yiraahda oo aan ka aheyn dadka dhaawacan ee aadaaraya, waa aan waayey. “Dumaashi…” waxaan wacay xaaskii saaxiibkey. Iyana iima muuqato codna kama hayo.

Waxaan sii waday raadintii reerka cusub, arooskii iyo aroosadda. Markii iigu dambeysay fooq ay labadooda, malxiiskii iyo malxiisaddu hoos fadhiyeen, ayaan u tallaabo qaaday. Dad go’go’an ayaa tuban halkii ay joogeen. “Ma iyagaa mise waa dad kale? Alla Ilaaheeyow! Ilaaheeyow badbaadi.” Niyadaan ka iri. Qaar baa sida raarka ceelasha isu dulsaaran. Waan is celin kari waayey markaan arkay saaxiibkey Dhaqane iyo xaaskiisii oo isku dheggan.

Xaggooda ayaan u cararay. Dhacadiid ayey dhulka u yaallaan. Wajiyadooda ayaa isku beegan. Alwaaxyo, dhagaxyo iyo birihii shubka ahaa ayaa dushooda ku soo dumay. Dhalaalkii daqiiqado ka hor ka muuqday, wuxuu isu beddelay boor. Soo faagnay, aniga iyo rag kaloo i caawinayey. Dibaddaan u soo saarnay. Wey ruux bexeen labadooduba. Haa, waa ay dhinteen.

  • Murugtaadu ha waarto
  • Rejadaadu ha moosto
  • Waa masiibo adduune
  • Mar haddii lagu dhaabo
  • Farxaddaa mugdiyowda.
  • Waa su’aal i mireysa
  • Maskaxdeyda cusleysay
  • Marrastii la xasuuqay
  • Bal maxaa lagu maagay?

Daqiiqado ka hor, saaxiibkeygii la mushaaxayey marwadiisa, hadda waa meyd. Waxay dhinteen markey isu soo dhawaadeen. Nolol ku dhammaatay billow cusub. Farxad curatay oo qaartay. Waan soo saarnay iyaga iyo dadkii u dhawaa.

Kaligey baan isla hadlay anigoo hundhursan, marna sinaha haysta oo kolba dhinac eegaya, lana yaabban sababtii bulshadan loo laayey. Dabargoyn aan marag u baahneyn, oo marmarsiiyo looga dhigto wax aan naf loo waxyeelin bey aheyd. Intii ka badbaadday baa iska yar.

Iyadoo ay xaaladdu nagu cakiran tahay, ayaa waxaa na soo gaaray baabuurtii gargaarka degdegga iyo ciidamada Booliiska. Dadkii geeriyooday baa dhinac la isugu geeyey oo la asturay. Kuwii dhaawaca ahaana waxaa qaarkood lagu qaaday gaadiidkii goobta joogay.

Weli waxaa burburka ku hoos jira, xubno kale oo ka mid ah reerkii arooska iyo aroosadda, asxaab iyo marti-sharaf. Waxaanba illowsanahay Faaduma. Xusuustay oo sare kacay. Halkaan fadhinnay intii ay xaaladdu wacneyd, cidna kama muuqato, kaliya waxa ay indhuhu qabanayaan hilbihii cadba meel yaallay, dhiig iyo burbur.

Waxaan weydiiyey dadkii gurmadka bixinayey, una tilmaamay dharkii ay xirneyd iyo midabkeeda, bal in ay nolol iyo geeri mid uun iigu sheegaan. Nin baa qaaday oo ii sheegay in iyada iyo dad kaleba la saaray baabuur aambalaas ah. Dhaawaca iyo meydka waxaa loo daad gureeyey Isbitaalka Dhexe ee Dowladda.

Habeennimadiiba, waa aan tagay isbitaalkii. Waxaa la ii gudbiyey qolkii ay ku jirtay. Qaarka hore ayey wax ka gaareen oo faashad looga duubay. Wajiga hal il baa u bannaan, inta kalena waa ay ka duuban tahay. Dambi aad u weyn baa laga galay quruxdeedii. Awood ay ku hadasho iigama muuqato, waanse ag fariistay si aan wehel ugu noqdo. Waxaa noo yimid dad ehelkeeda iyo asxaabteeda ka mid ah, oo ka war helay masiibada dhacday. Habeenkii, halkaa ayaan ku hoyannay oo uu waagu iinoogu baryey.

Saaxiibkey Dhaqane, ka sokoow in uu aabbihii dhintay, hooyadiina dunida ugama dambeyn. Isaga iyo Faaduma uun baa reerka ka haray. Booskii aabbennimo iyo kii hooyonnimana, isaga ayaa joogay geeridiisa ka hor. Waxaa mar kale agoomowday walaashiis Faaduma, oo markii horeba is illowsiin jirtay in ay agoon aheyd, weheshan jirtayna walaalkeed Dhaqane.

Reer abtigiis iyo reer adeerkiiba, intii soo ajiibtay xafladda arooskiisa, wey le’deen, qaarna sida Faaduma ayey noqdeen iyo ka sii daran. Naxdin iyo nabar bey u aheyd reerka intii nooleyd. Murug weyn ayey u aheyd mashaqadii dhacday.

Markaad geeri la kulanto, uun baad ka baqdaa geerida, ka horse waad hilmaamsan tahay. Markaad xanuunsato, ama aad aragto qof sakaraad ah, uun baad xusuusaneysaa qiimaha caafimaadka. Toddobaad tiiraanyo badan ayuu ahaa; toddobaad la xabaalay xigto iyo xigaalo farxad ku xafladeynayey.

Baroordiiqdii ka dib, dadku waxay wada sugayeen ogaalka sababta iyo cidda falka argagaxa leh ka dambeysay. Inta badan, qof walba oo ka badbaadday, oon anigu ku jiro, booliska iyo dambibaarista ayaa su’aal weydiiyey. In qaruxu ku xirnaa qaboojiyeyaasha midkood ama ka badan, oo cillado ku tumid habeenkaa ayey boolisku u badiyeen, walow aysan caddayn raacin, jawaabna cad ahayn.

Warar badan oon macno sidaa ah iyo miisaan aqooneed ku fadhin, dadku ways la dhexmarayaan, haddana markan oo kale caaddifaddu xakamayn xooggan ayey u baahan tahay, si aan loogu dhicin qalad, keeni kara dhib kale.

Ma illoobi doono hilbihii u warnaa sida hilib oodkac ah oo la jaray! Ma illoobi doono maydadka xubnohooda la ka la garan waayey! Ma illoobi doono dadka inta gubtay, shiilmay ee gammaaray! Ma illoobi doono aadaarka iyo taaha ka baxayey dadkii naftu ku dabayareed! Ma illoobi doono cabaadka iyo cataabka ka yareeyey dadkii uu soo gaaray dhaawaca halista ah! Ma illoobi doono oohinta ilmaha xanuunka xammili waayey! Ma illoobi doono dumarka quruxdoodii uu qiica madaw qariyey! Ma illoobi doono habeenkaa wixii dhacay iyo murugadii nagu habsatay!

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

 

SHEEKOOYIN