Maalinki aan beenta sheegay W/Q/ Aqwaan Xasan (Jidhi)

Silhouette of an alcoholic

Maalinki aan beenta sheegay

Maalin ayaa aniga iyo nin saaxiibkeey ah waxaan raacnay nin dallaal ah oo kala iibiyo dukaamada. Goobtu waa magaalada Cape town waddanka koofur afrika. Ninka dallaalka ahi marka luuqadda soomaaliga laga soo tago wuxuu kaloo ku hadlaa afafka amxaariga iyo sawaaxiliga, wuxuu noo sheegay inuu hayo dukaan weyn oo iib ah oo uu leeyahay nin itoobiyaan ah. Marki aan tagnay dukaanki aad ayay umashquulsanaayeen raggi kashaqeynayay waxaana saf ugu jiray macaamiil fara badan.

Run ahaanti aad baan ula dhacnay sida uu dukaanku u kala socday, nimanki dukaanka ka shaqeynayay waxay noo sheegeen in milkiilihi dukaanku uu maalmahaanba xoogaa isku buuqsanaa waxayna noo tilmaameen goobti uu ku sugnaa, waxay ahayd goob laga qaxweeyo oo ay iskugu imaadaan dadyoow dhaqan iyo dhalasho ahaanba aad ukala gaddisan.

Hindi shiineys iyo caddaanba aad baa loo buuxay goobta waloow aanan Ku arkin dad kale oo soomaali ah. Jawigu aad buu udaganaa oo dadku afar afar iyo laba laba ayay ufadhiyeen, ninki milkiilaha ahaa oo aanu baadi goobaynay wuxuu fadhiyay meel gees ah, intaan hor fadhiisannay ayuu hadalkii billaabay ninki dallaalka ahaa oo kula hadlaya luuqadda amxaariga, waxay is dhaafsadeen dhowr hadal oo aan dareennay inay kulkululaayeen, kadibna waxaa xigay inuu ninki itoobiyaanka ahaa istaagay isagoo qeylinaya, durbaba waxaa isbadalay jawigi goobta aan kusugneyn oo dadki oo dhan ayaa dhinaceena soo eegaya, ninki dallaalka ahaa wuxuu isku dayayaa inuu xaaladda dajiyo ninki itoobiyaanka ahaana wuu qeylinayaa marmarka qaarna wuxuu isku dayayaa inuu dagaallamo waxaan dareemay in ninka itoobiyaanka ahi uu sakhraansanyahay, ninki saaxibkeyga ahaa wuxuu igu leeyahay erayo ay kamid yihiin ceeb ayaan soo doonanay iyo luuqaddi cadaabta ayay iskula hadlayaan.

Dadki oo dhan ayaa hareeraheenna soo dhoobtay, qaarkood ayaa isku dayaya inay la hadlaan ninka itoobiyaanka ah oo xaaladda dajiyaan, waxaase ugu darneyd marki uu bilaabay inuu jajabiyo alaabihi meesha yaallay. Durbadiiba arrintu faraha ayay kabaxday waxaana la wacay ciidamo boolis ah oo daqiiqado gudahood kusoo gaaray goobti.

Dadki goobta iskugu soo baxay waxaa kamid ahaa dad muslimiin ah oo asalkoodu kasoo jeedo hindiya, waxaan ka garanayay immaam weyn oo aan dhowr masjid ku arkay, waxay dadkaasi muslimiinta ah si hoose isu waydiinayeen cidda ay yihiin dadka khamrada cabsan ee sidaan foosha xun udhaqmaya, mid ayaa wuxuu kujawaabay waa soomaali dadkaan!

Haddana imaamki ayaa kudhahay ” Maya manoqon karaan soomaali sababtoo ah soomaalidu waa dad islaam ah oo aan khamriga cabin, waana dad ganacsato ah oo sharaf leh”

Intaas anigu waan maqlayaa hadalkooda balse waan ismoogeysiinayaa iyagana waxay k udheeraadeen dooddii. Ciidamadi booliska ahaa durbaba waxay qabteen itoobiyaanki sarkhaansanaa iyagoo jeebad gacmaha uga xiray, balse milkiilihi goobta oo aad uga carooday falka uu alaabtiisi uga jajabiyay ninki itoobiyaanka ahaa ayaa nagu dacweeyay booliski isagoo usheegay inaan dhammaanteenba isla soconnay. Sargaalki ciidamada hogaaminayay oo uu wajigiisu xanaaq kamuuqdo ayaa iwaydiiyay su’aal ahayd ” wadankee ayaad udhalateen?

Inta aanan su’aasha ka jawaabin ayay dhammaanba dadyoowgi goobta joogay igu soo xoomeen iyagoo dhammaantoodba dhoowraya jawaabta aan bixin doono, waxay rabeen in ay oggaadaan cidda ay yihiin dadki maanta oo dhan maqaayadda qasayayay, dadka iyagoo sarkhaansan yimid goobtan ay Ku kulmaan dadka ganacsatada ah.Warcelintayda ayaana ahayd hal xiraalaha kaliya ee marka aan ka jawaabo goobta lagu kala dareeri rabo.

Aad baan ufikiray xaqiiqdi, ilbiriqsiyo gudahooda waxaa isku kay qaban waayay qiimaha bulshada aan kadhashay iyo qaab darrada goobta aan maanta kusuganahay. Waxaa isku keey qaban waayay quruxda dhaqankeeygi soomaalinimo iyo qarmuunka quraaradda qamriga ah ee uu itoobiyaankaasi maanta sababta ugu noqon karo inuu sawir qaldan ka bixiyo dadnimadayda. Waxaa isku kay qaban waayay farqiga udhaxeeya jawaabta layga sugayo iyo macnaha ay bixin doonto.Markaas ayaan kujawaabay ” waxaan ahay itoobiyaan, afarteenuba waxaan nahay itoobiyaaan”

Aqriste: Anigu waxba maan cabin, adduunkuna waa horumarey oo waxaa laygu oggaan karaa isla goobta aan joogo, balse, maadaama jabaqda xumi naga hormartey ee ah dhammaantood waa sakhraameen, anaguna meesha aannu ganacsi u nimid, waxaan isku dayey inaan magaca xun Soomaali u soo jiidin, ileeyn anigaa sakhraanka usoo muraaday, sidoo kalena la fadhiistey oo dilaal u keensadaye

Ma rabin in Qalad aniga shakhsi ahaan iiga dhacay aan shacab dhan dusha usaariyo, sidaas oo kale ilaa maantadaan dadkeeyga kuma matalo wixi xumaan ah oo aan shakhsi ahaan usoo jiido dagaalka annaga iyo itoobiyana waxba laysulama harin farina kama qodna!!

W/Q/ aqwaan xasan dhi

SHEEKOOYIN