Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee Weli Xanniban Q1AAD W/Q: Bashiir Cali Barre

 

 

 

 

 

 

 

Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee Weli Xanniban.

Qaybta 1aad 26 ka Juun, Billowgii Maalmaha Xorriyadda 

 

26kii Juun 1960kii waxay ahayd maalintii u horreysay ee calan soomaaliyeed oo xor ahlaga taagay ciidda soomaaliyeed, waxaana goobtaas laga taagay ay ahayd xarunta gobolka woqooyi galbeed ee Hargeysa oo ah caasimadda labaad ee dalkeenna soomaaliya.

 Gumeystaha gaar ahaan ingiriiska oo si gaar ah gacanta ugu hayey gobollada woqooyi ma doonayn is raaca koofur iyo woqooyi balse waxaa ka awood badiyey oo uu u xal waayey xamaasadda soomaalida woqooyi oo heerkeedu aad u sarreeyay, wuxuuna ku qasbanaaday inuu ogolaado doonitaanka dadka deggan deegaanka uu gumaysan jiray ee loo yaqiinnay ‘British Somaliland’.

 Inta aanan taariikhda shaqsi aan doonayo u galin waxaan dhammaan soomaalida leeyahay, HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO Sannad guuradii 57aad ee kasoo wareegtay maalintii koobaad ee calanka soomaaliyeed ee xor ah laga taagay dhulka soomaaliya meel kamid ah iyo Xorowgii gobollada woqooyi ee dalkeenna soomaaliya.

 Markaan leeyahay xorriyadda xanniban sida ciwaankaba ku xusan, waxaan ula jeedaa, maanta ma jirto meel dhulka soomaaliyeed kamid ah oo xor ah markaan runta ka hadalno, xitaa markaannu ahayn dowladda ee u dhaxaysay 1960-1990kii  si buuxda xor uma aanan ahayn oo markasta waxaa jiray faragelin siyaasadeed oo marba inteeda la ekaa haba kala darnaadaane.

 Waxaa kaloo xusid mudan in dowladdii ugu waqtiga dheerayd ee millaterigu hoggaanka u hayey ay ku tumatay sharafta iyo karaamada dadkii xorriyadda usoo halgamay intoodii noolayd ee ku jiray xisbigii leegada, balse qodobkaan asagoo sii faahfaahsan waxaan kusoo qaadan doonaa qormada qaybteeda labaad, haddii ALLE idmo.

Sidoo kale maalintaan qaaliga ah ee 26ka juun oo ah maalintii ay xorriyadda heleen soomaalidii uu ingiriisku gumeysan jiray ee woqooyiga soomaaliya, ayaan laga xusin goballadii maalintaas xorriyadda qaatay ee loo yaqaan Soomaaliland, waxaana nasiib darro ah in taas baddalkeeda aad loogu bood boodo, 18 Maajo oo ah maalintii ay soomaaliland ku dhawaaqday inay soomaaliya inteeda kale ka go’ay.

 26ka juun oo kaliya laguma xad gudbin ee waxaa si taas lamid ah loogu xad gudbay dadkii usoo halgamay xorriyadda goballadaas iyo guud ahaanba soomaalida, maadaama dib loosoo nooleeyay magacii gumeystuhu ula baxay qaybtaas qaybihii uu dalka ka haystay.

 

Cabdullaahi Aadan Axmed {Cabdullaahi Congo}

Waxaa ila qummanaatay inaan xuso sarkaalkii 26kii juun saaray calanka soomaaliya, kaa oo noqonaya kii ugu horreeyay ee calan soomaaliyeed oo xor ah saara, magaciisu waa Cabdullaahi Aadan Axmed {CabdullaahiCongo}

Cabdullaahi Aadan Axmed {Cabdullaahi Congo} haddaan taariikhdiisa oo kooban soo qaadano, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa hillaadda sannadkii 1938kii, halkaa ayuuna dugsiga hoose iyo dhexe ka billaabay 1945kii.

 Sannadkii 1954kii ayaa dowladdii masar waxay ururradii gobonimo doonka soomaaliyeed ugu deeqday deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah, markaana wuxuu C/laahi Congo kamid noqday dhallinyaradii fursaddaas helay maadaama uu ka tirsanaa ururkii SNL ee woqooyiga soomaaliga ka halgamayey.

 Markuu halkaa tagay wuxuu muddo kooban kaga baxay koorso gaaban oo u dhiganta cilmiga dugsiga sare lagu dhigto, kadibna wuxuu doortay culuumta saxaafadda, balse waqti kooban kadib ayuu garowsaday in saxaafadda ay uga muhiimsanaan lahayd culuumta dhabta ah ee dalkiisu u baahnaa maalintaas ee ahaa qibrad dagaal si uu uga qayb galo xoraynta dalkiisa gumeysiga ku jira.

 Markaas waxaa masar ka talinayey kacaankii meesha ka saaray saldanaddii uu horjoogaha u ahaa boqor Muxammad Cali, waxaana kacaanka markaas madax ka ahaa Gamal Abdilsaser oo soomaalidu u taqaan Jamaal Cabdinaasir, marka Mr Congo wuxuu waraaq uu ku codsanayo in saxaafadda laga baddalo oo kulliyadda dagaalka loogu baddalo uu u qortay madaxii kacaankaas Col. Gamal Abdelnaser, waqti yar kadibna waa laga soo jawaabay meeshuu rabay ayaana loo baddalay, wuxuuna kulliyaddaas dhiganayey ku dhawaad saddex sano.

 Markii ay waxbarashadiisii u dhammaatay ayaa Jannaraallo masaari ah isku dayeen inay kamid dhigaan ciidamada masaarida, waxaana la geeyay furinta suweys kanaal, halkaasoo uu si tii hore la mid ah kasoo qortay waraaq uu ku codsanayo in loo celiyo dalkiisii.

 Dhammaadkii 1959kii ayuu Col. Congo masar safar badda ah kaga soo baxay, yemen yimid kadibna dalkiisii soo cagadhigtay asagoo gaashaanle ah, xiranna dirayskii ciidanka masar.

 C/laahi Congo waa sargaalkii ilaalada u ahaa Rwasaare MXICigaal kolkii uu xamar yimid bishii abriil ee sannadkii 1960kii, si loogu sii googol xaaro xornimada iyo midowga labada gobol ee kala xiran.

 Markii la gaaray maalinta aan caawa xusayno ee 26ka juun 1960kii ayaa Cabdullaahi Aadan Axmed oo C/laahi Congo ku magic dheeraa wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo sargaalkii siibay calankii ingiriiska isla markaana suro kii soomaaliya ee Buluugga ah dhexdana ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh.

 Waan soo gaabinayaaye, koongo Waayihii dambe wuxuu u xuubsiibtay dhanka siyaasadda oo wuxuu safiir kasoo noqday dhawr dal oo carabaha kamid ah sida; Suudaan, Lubnaan, Siiriya iyo qaar kaloo badan, markii xukunka uu millaterigu qabsadayna kadib ayuu soomaaliya safiir uga noqday dalka masar, wuxuu qayb weyn ka qaatay in soomaaliya ay ku biirto jaamacadda carabta sannadkii 1974kii, markaa kadibna wuxuu muddo isku ahaa safiirka soomaaliya u jooga masar iyo jaamacadda carabtaba illaa laga gaaray 1978kii oo inta xilkii laga qaaday dalka dib loogu soo celiyay.

 Sannad barkii kadib ayuu codsi ka yimid jaamacadda carabta oo ahaa inuu xoghayaha Arab League u noqdo la taliye siyaasadeed aqbalay, sidaana kaga mid noqday camaaliqda waaweyn ee jaamacadda carabtu ku tashato, laakiin la taliye siyaasadeed kaliya maahayn ee waddamo kale ayuu wakiil uga noqday jaamacadda sida dalka ciraaq oo uu saddex sano ah kaga wakiil ahaa xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, celcelis ahaanna wuxuu Xarumaha jaamacadda carbeed ka shaqaynayey waqti 20 sano ka badan.

 Cabdullaahi Congo ogaantay wuxuu ku noolaa dalka Cimaaraadka magaalada sharjah asagoo aamminsan gooni isku taagga goballada uu kasoo jeedoee soomaaliland, geeridiisna ma maqal.

 

 W/Q: Bashiir Cali Barre 

SHEEKOOYIN