Maana-Faay: Hooyada Sheekafaneedda Soomaaliyeed 

Maana-Faay: Hooyada Sheekafaneedda Soomaaliyeed 

Waxaa qoray Cali M. Diini

Fiiro Gaar ah: qormadan waxaan ku feydi doonaa meelo badan oo xasaasi ah oo sheekada Maana-Faay ka mid ah.

Mar kale ayaan Maana-Faay akhriyay. Waa markii saddexaad oo aan Maana-Faay akhriyo. Labadii jeer ee hore mar sheekada oo kala qaaran baan akhriyay oo berigaas sheekada oo idil Xamar laga ma heli karin. Dhawr sano ka hor ayaan se iyada oo dhan akhriyay laakiin kolkaas waxba ka ma aanan qorin sababtuna waxaa aan is iri Maana-Faay dad badan oo kaa aqoon iyo ogaal badan baa wax ka yiri Soomaaliduna waa wax Maana-Faay akhriyay iyo wax maqlay oo war badan kuma seeggana. Yeelkeede toddobaadkan baan mar kale Maana-Faay akhriyay. Kolkan se Maana-Faay dhadhan kale oo kuwii hore ka duwan, ka ballaaran kana xiise badan ii yeelatay. Sidaas awgeed baan go’aansasay in aan wax ka dhaho.

Maana-Faay waxa ay ka mid tahay firir kooban oo naga soo gaaray xilli maanka iyo muruqa Soomaalidu caabboonaa laakiin nasiibdarro maankaas iyo muruqaas caabboonaa waa la cabburiyey godolkiina waa lagu gaagixiyay. Kelitalis baa halabuurkii carcarta ahaa cunaha ku dhegay. Maana-Faay qudheedu in ay cunaqabatayntaas ka soo badbaadday baa mucjiso ah. Xaqiiqdii in Maana-Faay ina soo gaartay ayaa ah wax ay tahay aan u xafladaynno u na Alle barinno.

Maana-Faay waa hooyada sheekafaneedda Soomaalida. Hooyo keliya ma aha ee jidbixiyeen dhammaan halabuurrada sheekooyinka falkiyaa ka dhibiilqaateen. Waxa aan ku dhiirran karaa in aan dhaho: DHAMMAAN SHEEKAFANEEDDA MAANA-FAAY DABADEED LA QORAY WAA CAGADHIGYADA (footnotes) MAANA-FAAY.

Qoraagii Maana-Faay Maxamed Daahir Afrax, waxa uu Maana-Faay ku soo bandhigay hibo faneed ashaqaraar leh iyo aqoon falkineed iyo mid afeed oo la majeerto. Sida uu ugu xarragooday af Soomaali xul ah oo aan af maalmeed ahayn erayo waawayn oo gaboobay oo qaamuus loo raadsadana ahayn ayaan wax loo dhigaa jirin. Shakhsiyaadka sheekada jilaya sida uu mid walba lahjaddiisi uga hadashiiyay ayaa iyaduna la yaab leh. Dhacdooyinka sida mawjadaha midba mid ka hoos dhalanayso oo iyadoo mawjado ku sidato mid kale kuula sarakacayso iyaguna waa dhakafaar. Qisooyinka naxdinta miiran ah ee wadnagooyada ah mar marka qaarkood waxa ay kugu dirqinayaan in aad buugga dhanba isku laabto. Haddana kuwo kale ayaa qosol firixda kaaga dhammaynaya.

Maana-Faay waa 18 jir aan wax badan ka sikan cirirfyada Xamarweyne ee ay ku dhalatay, haddii ay ugu badato Boondheere iyo Xamarjajab bay marar dhif ah xuf ku soo martay. Intaa waxii ka shisheeya duurduur bay u taqaan. Waxa ay ku jirtaa sano-dugsiyeedkii u dambeeyay ee dugsiga sare. Dugsiga sare ka dib waa ay og tahay waxa ay qaban doonto oo mar hore ayaaba Xaaji Muumin sii go’aamiyay. Go’aamin keliya ma aha ee hawshu waa ba gebegebo keliya waxaa la sugayaa in iskoolka la xiro. Maxaa Maana-Faay loo diyaariyey? Ma shaqo mise dhoof mise waxbarasho dibadeed? Maya intaaba looma diyaarin. Ina adeerkeed Iikar Aw Mukhtaar baa loo guurinayaa, warkaasigana ku noqosho, ka noqosho iyo raacfaan ka qaadasho ma leh, waayo Xaaji Muumin baa mar hore dubbaha ku dhuftay. Yaa xaniinyo leh oo ka dabahadli kara Xaaji gabadhiisi bixiyey?

Maana-Faay oo guurka ina adeerkeed sugaysa waa tii meel kale calanka looga bitiyey, waa tii cishqigu caasha saaray, iyana yac ma orane waa tii warka ka dhurtay. Maalmo yar ka dib waa taa iyadii dhammayba jacaylku sito ee har iyo habeenba Axmed Jaamac ku qarwaysa, kolka ay Iikar xusuusatana matag ku waalanaysa ee waranku bogga ka wareemayo. Mashaqadaas oo dhan Sahro Yuusuf baa ka talisay. Sahraay samada lagu la aad, bal waxaad fashay eeg. Waa tii Sahro Maana-Faay oo aysan muddo is arag jidka ku qabatay dabadeedna waa tii ku tiri guriga iigu kaalay; ka gadaalna waa tii Axmed Jaamac u yimid Sahra iyo Maana-Faay oo gurigii Sahra isaga casariyeynaya. Waa tuu Axmed Maana-Faay ka libiqsan waayay, indhihiisuna waa tay dam noqodeen markay Maana-Faay ka jeestaan markay ku sii jeestaanna waa tay toosh afarqaad ka iftiin dheeraadeen. Waa tuu walaashii Sahra garka iyo jilbaha iska laalaadiyey ka na tuugay hadday walaashii tahay in ay Maana-Faay iyo isaga isbarto. Ugu dambaynna waa tii Sahro iyo saaxiibkeed, iyo Axmed Jaamac iyo Maana-Faay maqaayad Juungal ku taalla ku soo caweeyeen. Intaa ka dib Axmed iyo Maana-Faay waa tii ay koobka caashaqa iskakabbiyeen.

Jabba waa dambeeyaa. Maana-Faay oo laamiga buuqa badan lugaynaysa gurigoodana u deg degsan waa tuu odaygii buurnaa ee gaariga kala jiidan wadday sheedda ka arkay. Waa kii ka jeesan waayay oo intuu malabsaday waa kii isagoo baabuurkii luudinaya Maana-Faay ka dabaluuday, markii ay jac ku dhajisayna waa tuu ciidamadiisi hawlgeliyey. Waa tay abbaalduulihii ciidankiisu, Beyddan Shabeel, weerar cir iyo dhul qaadday. Qorshaheedii koowaad waa tii uu noqday burburinta dunta kalgacayl ee Maana-Faay iyo Axmed Jaamac isku haysa. Qorshaheedi shayddaannimo waa tii Maana-Faay ku dhacday oo waa iyadii gurigii Beyddan Shabeel dharka u doonatay. Alla Maana-Faayeey miskiinsanidaa!

Wax la meermeeriyaba iyo wax la sii sikibaya ugu dambayn waa tii Maana-Faay qolkii qurmoonaa ee baladu ka socotay lagu hubsaday dabadeed laanjaad ah loo dhiibay, isla judhiiba waa tii Maana-Faay oo alleheed Alle yahay oo dhahaysa “jaadka oo la sheegaana waxaan miyaa?” Axmed Jaamac la soo dul istaajiyey. Inkaar! Dhabannaanadii Axmed ku dhuftay waa tii Maana-Faay la suuxday, Axmed na isaga oo qof waalan aan laga soocin waa tii xeebta agagaarkeeda lagu arkay.

Subaxii xigay Maana-Faay waa tii iyada oo farmashiga dhextaagan oo suntii qudhgoynta rabta ay boorsadeedi tebtay. Guri ba’ay dheh! Mar kale ayay Maana-Faay iyo gurigii Beyddan is huri waayeen. Maana-Faay oo boorsadeedi goobaysaa markii ay gurigii Beyddan tegtay waa tii Beyddan filin kale oo rejo miiran ah Maana-Faay u daartay. Ar Maana-Faayeey daacadsanidaa! Ar maad ka joogtidoo! Oo waabad rumaysatay beenta Beyddan kugu daldalayso miyaa? Ba’ iyo hoog kale dheh! Waa taas Maana-Faay gaariga lagu ritay oo dhankii Fillada Caagaaran loo la dhaqaaqay. Waa kaas gaarigii filladdii baas ee caagaarnayd galay dalaq! Iriddii waynayd ee filladana waa taa la xiray qartab! Balaa dhacday! Wacade taasi galbatay haddaan ciidan deg deg ah oo caymiya Eebbe u soocin.

Waa kuma kaasi? Miyuusan ahayn odagii caloosha waynaa ee qorshahanba soo maleegay? Wallaahi waa isagii oo macwis iyo garan xiran. Waa kaas Maana-Faay horfadhiya isaga oo malabsanaya niyadda ka qoslaya oo ka dabbaaldegaya. Inkaar! Qorraxdiina mar hore ayay dhacday oo waa habeen dam ah albaabada filadduna waa wada qataaran yihiin.

Qisada sheekadu werinaysaa ma intaas baa? Ma ba’a iyo hoogga Maana-Faay jacaylku baday baa? Ma haadaamaha baas ee cadowgu Maana-Faay u qoolay baa? Ee marka ay mid ka baxdaba mid kale ku shalwanayso? Maya, intaasi waa dusha sare ee doqoni garatayda ah. Qoraa Afrax waxa uu Maana-Faay ku feydayaa xumafal loo bareeray. Faaxisho iyo dunuub la caadaystay oo hoggaankii ummaddu garwadeen ka yahay buu daaha kaga rogayaan. Awooddii iyo maalkii ummadda si xun loo adeegsanayo ummaddiina lagu baylihinayo ayuu qoraagu Maana-Faay daaha kaga feydayaa. Qaran dhallaankiisi dhaylada ku burbursanaya ayuu tooshka ku ifinayaa.

Ugu dambayn, Maana-Faay waa sheekafaneed suugaan-tiraabeedda Soomaaliyeed tiir xoog leh u mudday. Abidkeedna Maana-Faay ka ma degayso baarka sare ee sheekafaneedda Soomaaliyeed.

SHEEKOOYIN