Maansada: goormay xamar fayoobaan W.C. Farax Sheekh Cabdirisaaq {zedra Sheekh}

Maansada: goormay xamar fayoobaan waa maanso digniin ah, sidoo kalena, waa farriin-danabeed gudbineysa in laga fayjignaado shar-wada-yaasha qaraxa iyo qarbudidda la daba taagan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho, dhankeey doonaan ha ku yimaadiin e. Maansada waxa curisay, Farax Sheekh Cabdirisaaq {zedra Sheekh}

GOORMAY XAMAR FAYOOBAAN

  • Goormay xamar fayoobaan
  • Fatahaadda qaraxiyo
  • Firkaagguna ka baxaya ?
  • Falalkaan qarsooniyo
  • Fool-xumo ninkii wada
  • Waad foorartaa weli!
  • Faralkiyo salaaddiyo
  • Qofka fiirsanaayoow
  • Inaad diinta fidisiyo
  • Inaad fooqyo dumisood
  • Farta keebka saartood
  • Qof iskii u foof tegay
  • Fagaaraha ku laysaa
  • Laba kala fog weeyee!
  • Inta dhiiggu faan yahay
  • Dhimashaduna fududdahay
  • Fakataye dalkaygoow
  • Fanku wuxuu ku leeyahay
  • Waxa falay dhibkaase
  • Kugu furay balaayada
  • Rabbi kaa furdaanshiyo
  • Faataxa ha qabatoo
  • Ha kaa fuqo cadaawuhu!

  • Inta kaa faqaysee
  • Dadka kala faquuqdee
  • Farta noo qaniintana
  • Cudurkiyo fantada baas
  • Feedhaha ha gooyaan!
  • Ummadyahay filkaagii
  • Wuxu fadal ku dhaafaa
  • Fadadkiyo daruuraha
  • Dayaxaanu fuulaa
  • Falaggiyo dabayshana
  • Wuxuu saarayaa fuudh!.
  • Umadyahay fantaysani
  • Soomaali falaneey
  • Hooyooyin fooshiyo
  • Waxaad fara xumaysaa
  • Hablahaagii fiicnaa.

  • Bakhtigaaga fuudkiyo
  • Waxaad feenataa weli
  • Qudhun aad faqaysoo
  • Farxad baabay kuu tahay
  • Inaad maydka fadhataa!
  • Fud la tuuray ruuxii
  • Fahmi waaya meeshuu
  • Faalloodku uu yahay
  • Een faaqidaynee
  • Iska soo fadhiistoow
  • Garo inay fallaadhuhu
  • Inta aanay soo fidin
  • Laga feejignaan karo!.

  • Fashilkuna dadkaygoow
  • Abid waa fin iyo boog
  • Ku fidaayo jiirkoo
  • Hadday soo faruurmaan
  • Talo fara ka haaddoo
  • Fulay naga baqaayaa
  • Farta noogu yeedhiye
  • Fikirkeenu yuu noqon
  • Furayaasha geerida
  • Ha la fiiqdo dhaayaha
  • Runta yaan la fiigtayn
  • Haw feedhan ceebaha
  • Ha furnaato garashadu
  • Xaqa faafintiisana
  • In la faydo weeyaan
  • Si aan fiixda doogta ah
  • Fajac noogu sii noqon
  • Doqonkiyo fariidkuba
  • Fooxlaha hallaabiyo
  • Ninka fuliyaha dhagaraha
  • Colka noo fadhiya hoos
  • Waa inay figeeyaan.

  • Faallada gunteediyo
  • Falkintiyo ujeeddada
  • Ninka faashanaayee
  • Xamar faayaheedii
  • Duminteeda filayoow
  • Ha ka filannin guul abid.

  • Dhibtaad faafinaysiyo
  • Hadimada firdhinaysa
  • EEBBE faraqa kuu geli
  • Inaad faalig qaaddoo
  • Faracaagu guuroo
  • Lagu aaso fiidkaan
  • Faxanaha ka doonnaye
  • Firaashkaaga aakhiro
  • Lagu filiq cadaabtoo
  • Rabbi nagaga kaa filan!

W\C. Farax Sheekh Cabdirisaaq {Zedra Sheekh}

SHEEKOOYIN