Maansada Qarib W/T: Bashiir Cali Barre

Bashiir Cali Bare

 

 

 

 

 

 

Maansadan Qarib  waxaa curiyey  Laashin  Bashiir Cali Bare,  Waa maanso ka hadlaysa  waaqica taagan iyo dhibaatada  geyiga Soomaaliyeed ka jirta,  haddaba  waa tan  ee ka bogo:

  • Dalkeenna waxaa qarribay
  • Waxaa qadaf noo horkacay
  • Dumiyay qarankeeniyoo
  • Dunida kale naga qoqobay
  • Qabiil ku jeclaansho iyo
  • Nacayb qolo gooniyoo
  • Qalad weeye ficilkaase
  • Quursigu illaa heedhe
  • Quuri weyto iyo hoog leh
  • Qolada kaan wadaagno iyo
  • Dhammaanba qaraabadiyo
  • Qofkii aan rafiiqno iyo
  • Qabiilkeyga oo kaliya
  • Ayun baa wax qaban karaya
  • Inta kalena qabad weeye
  • Ilaahoow qaaddiroow
  • Aday quwaddaa tahaye
  • Sidii qurxan noogu door
  • Qur’aankiyo sunnada nabiga
  • Dhabtii niman qaaddacaa
  • Dadkeenna qalloociyoo
  • Habka qaraxa loo duugo
  • Dadka looga guro qoorta
  • Shaqsigoo qabsani hawlo
  • Nafta looga qalaf siiyo
  • Asoon qoommamaynaynin
  • Ku qanciya dhallaankeenna.
  • Qarnigiyo la yaabkiisa
  • Naf la qalay ku faraxeeda
  • Shacbi oomman qixintiisa
  • Qorshe baas ku doonkiisa
  • Adoo qoorta ruux jaraya
  • Toowxiid ku qowlkiisa
  • Rabbow nimankaas qarriban
  • Adaa naga qaban karee
  • Dhawaan dalka nooga qabo.

W/T: Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN